Dil ka billowday sooryo iyo aargoosi xun oo ka dambeeyay

Hindiya

Xigashada Sawirka, Ankit Srinivas

Qoraalka sawirka, Anshu iyo Anshika Kesarwani ayaa aroos kharash badan ku baxay dhigtay sanadkii 2023

Musiibo ballaaran ayaa qabsatay labo qoys, saddex qof baa ku dhintay halka toddobo kalena ay u galeen xabsi ku yaalla Hindiya.

Dhacdadan oo habeenkii 18 March ka dhacday magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Prayagraj (ooh ore loo yaqaannay Allahabad) ayaa amakaag ku abuurtay dadka deggan deegaannada ku xeeran.

Digniin: Warbixintan waxaa ku jirta faahfaahinno laga yaabo inaad dhibsato.

"Waxay ahayd abbaaro 11pm markii 60-70 qof ay soo weerareen gurigeenna. Waxay bilaabeen inay si naxariis-darro ah inoo garaacaan," ayay tiri Shivani Kesarwani.

Dadka ina soo weeraray, ayay tiri, ay ku jiraan xubno qoyska iyo qaraabada Anshika ka tirsan, xaaska walaalkeed Anshu, ayaa laga helay iyadoo kasoo laalaadda guriga Kesarwani saacad kahor.

Shivani iyo booliiska ayaa sheegay in Anshika ay is dishay – balse qoyskeeda iyo dadka deriska ah ayaa sheegay in loo dilay sooryo darteed.

Qoyska Kesarwani ayaa ganacsiga suufka lahaa wayna isla noolaayeen. Dhulka hoose waxaa ku yaallay dukaanka iyo bakhaarka, halka qoyska uu qeybta sare ku noolaa. Dabaq walba waxaa ku yaallay hal qol - Anshu ayaa xaaskiisa kula noolaa dabaqa sare tan iyo markii ay is guursadeen sanad kadib, waaliddiintiisa ayaa ku noolaa dabaqa koowaad halka walaashiisa Shivani ay degganeyd dabaqa labaad.

"Anshika ayaa caadi ahaan hoos usoo degi jirtay abbaaro 8pm si ay qoyska ula casheyso balse maalintaas, ma aysan imaan waxaana moodeynay inay seexatay," ayay Shivani u sheegtay BBC.

Markii walaalkeed uu bakhaarka kasoo baxay abbaaro 10pm, ayay sheegtay, inuu dabaqa sare aaday si uu xaaskiisa usoo waco.

"Markii garaacitaankiisa albaabka iyo wicitaankiisa aan laga jawaabin, ayuu qeybta sare ee albaabka oo dhalo ahayd uu jebiyay si uu gudaha uga soo furo. Wuxuu arkay Anshika oo meyd ah. Wuu qeyliyay dhammaanteenna waan soo cararnay."

Hindiya

Xigashada Sawirka, Ankit Srinivas

Qoraalka sawirka, Shivani Kesarwani ayaa booliiska ku dacweysay qoyska xaaska walaalkeed oo ay ku eedeysay inay gurigooda dab qabadsiiyeen
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Anshu iyo adeerkiis ayaa geerida ku wargeliyay booliiska, oo wax ka yar kala bar kiilo mitir u jiray gurigooda, sidoo kale waaliddiinka Anshika ayaa la wargeliyay.

Wax ka yar saacad kadib, booliiska ayaa sheegay, in qoyska Anshika ay la yimaadeen qaraabo badan daqiiqado gudahoodna dagaal qaraar uu ka dhex billowday qoysaska.

Telefoonkeeda, ayay Shivani naga tusisa rag qyelinaya, ulo isku garaacaya. Nin booliis ah ayaa dhexda taagan, isku dayaya – kuna guul-darreysanaya – inuu xaaladda dejiyo.

Markii meydka Anshika laga soo saaray guriga, booliiska ayaa sheegay in qaraabadeeda ay guriga dab qabadsiiyeen.

Suufkii ku keydsanaa bakhaarka ayaa si xun u gubtay, iyadoo Shivani, waaliddiinteeda iyo habaryarteed ay guriga ku xannibmeen.

Shivani iyo habaryarteed ayaa jebiyay daaqadda dabaqa labaad waxayna u guurguurteen guri ku dheggan oo adeerkeed uu lahaa. Waaliddiinteedu nasiib ma lahayn.

Markii dab-damiska, oo qaatay wax ka badan saddex saacadood yimaadeen si ay dabka u bakhtiiyaan, gurigana ay soo galeen abbaaro 3am, waxay heleen meydka lammaanaha da’da ahaa oo gubtay.

"Hooyadey ayaa laga helay iyadoo fadhisa jaranjarada. Jawaan ayaa lagu qaaday oo lagu geeyay halka meydadka lagu hayo," ayay tiri Shivani, oo ilmada iska tirtireysa.

Hindiya

Xigashada Sawirka, Ankit Srinivas

Qoraalka sawirka, Shivani ayaa ina tusineysa sawirka waaliddiinteeda Rajendra Kumar iyo Shobha Devi oo dabka ku dhintay

Cabashada Shivani ay booliiska u gudbisay waxaa ku magacawnaa 12 xubnood oo ka tirsan qoyska Anshika iyo ilaa "60-70 dad aan la aqoon".

Sarkaal booliiska ka tirsan ayaa BBC u sheegay in toddoba qof, oo uu ka mid yahay aabbaha Anshika iyo adeerkeed iyo wiilashooda, kadib la xiray ayna xabsiga kusii jirayaan.

Waxay sheegeen in aabbaha Anshika uu isaguna gudbiyay dacwad kale oo uu ku eedeynayo "Anshu, waaliddiintiisa iyo gabdhaha walaalihiis ah" inay gabadhiisa ku dhibeen sooryo kadibna ay dileen.

Shivani ayaa beenisay eedeymaha ka dhanka ah qoyskeeda, inkastoo ay qiratay inay haddiyado heleen, uu ka mid yahay gaari, kana heleen qoyska Anshika xilligii aqrooska. "Waxay doonaan ayay gabadhooda siiyeen. Annagu waxba ma codsan," ayay tiri.

Anshu guriga kuma soo laaban tan iyo habeenkii ay xaaskiisu geeriyootay. "Dhuumasho ayu uku jiraa sababtoo ah haddii inta badan qaraabada Anshika ay jeelka kasoo baxaan, noloshiisa ayuu u baqayaa," ayay intaa raacisay.

Sooryada – siinta iyo qaadashaduba – dembi ayay ka ahayd Hindiya tan iyo 1961, balse 90% guurarka ka dhaca Hindiya weli waa la kala qaataa, sida lagu sheegay baaris ay booliisku sameeyeen.

Booliiska ayaa kumannaan dacwado ah ay soo gaartaa sanad walba taasoo ah in xaasaska lagu dhibo sooryo xogta ayaana muujineysa in 35,493 caruusado ah lagu dilay Hindiya intii u dhaxeysay 2017 iyo 2022 sababo la xiriira inay keeneen sooryo yar.

Balse aargoosigan xun ee kiiska dilka la sheegay inuu sooryada ka dhashay ayaan hore loo maqlin.

Shivani, oo haatan la nool qoyska adeerkeed oo guriga ku dheggan deggan, ayaa ina soo tusisay halka guriga u ahayd kahor intaan la gubin. Haraaga musiibadii habeenkaas dhacday ayaa meel walba laga arki karaa. Derbiyada ayaa madoobaaday iyadoo dhulka uu dambas daadsan yahay, weelal bir ahaa iyo haraaga kuraas gubatay.

"Waxaan doonayaa caddaalad. Nolosheyda waa la burbiryay, gurigeyga iyo qoyskeyga way tageen. Waxaan doonayaa baaritaan xor iyo cadaalad ah qof walboo ku lug lehna waa in la ciqaabaa," ayay tiri, iyadoo intaa raacisay, "Maxay guriga u gubeen? Sidee baan haatan u heleynaa caddeyn?"

Hindiya

Xigashada Sawirka, Ankit Srinivas

Sidoo kale booliiska ayay u xanaaqsaneed. "Waxaa jiray ugu yaraan labo boolis oo gurigeenna bannaankiisa joogay balse midna maoso gelin oo ma badbaadin waaliddiinteyda. Way iska istaageen wayna daawanayeen," ayay tiri.

Booliiska ayaa si xooggan u beeniyay eedeyntaas. "Wuxuu ahaa kiis xasaasi ah. Waxaan diiradda saarnay inaan meydka kasoo bixinno goobta una qaadno isbitaalka si baaritaan loogu sameeyo. Ujeeddadeenna waxay ahayd inaan xaaladda dejinno dadkana kala yareyno," sarkaal sare oo booliiska ka tirsan oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa sidaa BBC u sheegay.

"Cidna isma lahayn guriga ayaa la gubi doonaa. Gebi ahaanba wax aan la fileyn ayay ahayd," ayuu intaa raaciyay. "Waxaan degdeg u wacnay waaxda dab-damiska. Waxaan sidoo kale gacan ka geysannay badbaaidnta shan qof."

Musiibadan labada dhinac ayaa sidoo kale aafeysay qoyska Anshika. Si aan u maqalno sheekada dhankooda, waxaan booqannay guriga waaliddiinteeda halkaasoo Anshika ay ku nooleyd ilaa arooskeeda sanad kahor. lived until her wedding a year back. It's locked with a huge iron padlock on the main gate.

Kleiya 2km ayuu guriga Anshika ka fog yahay kan adeerkeed. Isaga iyo wiilashiisa ayaa ka mid ah kuwa la xiray. Qoyska ayaa ilaa iyo haatan diiday inay la hadlaan warbaahinta.

Gargaraaciddeenna guriga ayaa waxaa kusoo baxay Jawahar Lal Kesarwani, oo ah awoowaha Anshika. Mid ka mid ah carruurta uu awoowaha u yahay ayaa kuraas caag ah keenay wuuna fadhiistay, isagoo xoog u neefsanaya.

"Maxaan idiin sheegaa? Dhammaanba qoyskeyga jeel ayay ku jiraan, wiilasheyda, kuwaan awoowaha u ahay," ayuu yiri daqiiqado kadib.

"Waxay dileen Anshika wayna soo laadlaadiyeen si ay ugu muuqato inay iyada is," ayuu intaa raaciyay.

Arooska Anshika, ayuu Mr Kesarwani sheegay inuu u dhacay si qurux badan. "Waxaan ku kharash gareynay 5m oo rubi ($60,000; £48,000). Waxaan siinnay wax walba oo guri looga baahnaa, iyo gaari jooga 1.6m oo rubi."

Wuxuu intaa raaciyay in markii Anshika ay soo booqatay bishii February sanadkii hore, "ay inoo sheegtay in la dhibay. Waxaan u sheegnay inay dulqaadato, oo arrimuhu hagaagi doonaan", ayuu yiri isaga oo codkiisu shallaay ka muuqdo.

Hindiya

Xigashada Sawirka, Ankit Srinivas

Qoyska Kesarwani waa kuwo sumcad ku dhex leh deegaankooda, waxaana lagu sheegaa dad wanaagsan oo dadka caawiya, waxaana deriskooda amakaag ku riday musiibada labada dhinacba qabsatay.

"Waa dad aad u wanaagsan. Xitaa kama fekeri karno sida ay tan u dhici karto. hey're very good people. We can't even begin to imagine how this could happen. Ma aha dad dagaal gala," ayuu yiri nin deriskooda ah.

"Ma garaneyno cidda dabka shidday, balse qof walba wuu xanaaqi lahaa marka uu arko meydka gabadhooda," ayuu intaa raaciyay.

Haweeney deriskooda ah ayaa sheegtay in Anshika "ay ahayd qof aad u wanaagsan… gabar bashaash ah" waxayna qoyskeeda ku tilmaantay "kuwo fiican… oo aan awoodin dembiga xun ee lagu soo eedeeyay".

"Waa nasiib darro in soddohdeed iyo soddoggeed ay ku dhinteen dabka," ayay tiri.

"Balse waxa dhabtii iga murjinaya waa in haatan qofna uusan ka hadleynin waxa ku dhacay Anshika. Sidee ayay u geeriyootay? "