Siyaasadda Soomaaliya: Waa kuma Xamsa Cabdi, Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, villa Somalia
Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda waxa uuna booskiisa u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi ayaa sidoo kale waxaa uu Dr Maxamed Cilmi Ibraahim u magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha. Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa isna loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Awqaafta halka Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha loo magacaabay Saadaad Maxamed Nuur.
Tallaabadan raysal wasaare Xamse ayaa imanaysa iyadoo kulankii shalay ee Golaha Shacabka uu natiijo la'aan kusoo dhamaaday, kadib markii ay xildhibaanadu isku qabteen ajendaha kulanka oo xildhibaano qaar ay soo jeediyeen in lagu soo daro la xisaabtanka xukuumadda.
kulanka ayaa ajendihiisa wuxuu ahaa la xisaabtanka xukuumadda, waxaana kulanka ku sugnaa wasiirka amniga, Maxamed Sheekh Doodishe oo la filayay inay su'aallo weydiiyaan xildhibaanada Baarlamaanka, walow taas xitaa la'isku khilaafay.
Haddaba Waa kuma ra''isal wasaare Xamse?
Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya horraantii 1970.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah, dugsiga hoose, dhex iyo sare waxa uu ku qaaday gudaha dalka. Jaamacadda heerka koowaad waxa uu kusoo dhigtay waddanka Yemen, halka shahaadada heerka labaad uu kusoo qaatay jaamacad ku taalla dalka Malaysia.
Hadda waa xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ah ee Soomaaliya, oo laga soo doortay Jubbaland.

Xigashada Sawirka, Hamza Barre/FB
Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee uu hoggaanka uu u hayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo uu horay uga soo noqday xoghaye.
Inkastoo uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay xafiisyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, magaciisa waxa uu si wayn u soo shaac-baxay markii uu noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee Jubbaland, intii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2020-kii.
Intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2015-kii waxa uu la-taliyaha dhinaca maamulka ah u ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee xilligaas, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Howlaha kale ee uu Xamsa soo qabtay waxaa ka mid ah in uu la-taliye sare kasoo noqday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Federaaleynta.
Tan iyo markii uu soo dhowaaday waqtiga gabagabada ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u haysto ku dhawaaqista raysul wasaarihiisa, waxaa baraha bulshada la iskula dhex marayay in siyaasiggan uu noqon karo qofka la xulanayo.

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Bishii la soo dhaafay ee May 15-keedii ayay ahayd markii doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Muqdisho uu ku guulaystay madaxweynaha cusub, isagoo laga dhowrayay in muddo 30 maalin gudahood ah uu magacaabo raysul wasaaraha, si baarlamaanka loo hor geeyo.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya ayaa looga bartay in ay lasoo daahaan soo bandhigidda magaca raysul wasaaraha, iyadoo mararka qaar xitaa sababta muran ku aaddan in la dhaafay waqtigii sharciga ahaa.
Markii ugu dambaysay ee mowduuc noocan ah uu hadal-haynta dhaliyay waxay ahayd sanadkii 2020-kii.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo ka badan bil ay ku qaadatay soo xulashada raysul wasaarihii beddaelay Xasan Cali Kheyre oo ay baarlamaanka kalsoonida kala noqdeen.
Ma jirto muddo cayiman oo dastuurka kumeel-gaarka ah ku qoran, oo ay tahay in madaxweynaha uu kusoo magacaabo raysul wasaare, balse dhaqanka siyaasadeed ee soo-jireenka ah waxa uu ahaa in madaxweynaha uu muddo bil gudaheed ah ku magacaabo madaxa xukuumadda.
Ma jirto caqabad muuqata oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hor taagan, isagoo madaxweynihii hore uga duwan khilaafkii hareynayay xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada.
Xamsa ayaa xilka kala wareegaya Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ah raysul wasaaraha xil-gaarsiinta ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.












