Hoggaaminta Xasan Sheekh Maxamuud maxay ka beddeshay Soomaaliya?

Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, VS

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC News Somali

Maanta oo kale sanadkii la soo dhaafay waxaa doorasho adag oo ka dhacday magaalada Muqdisho ku guulaystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynahaoo 15-kii May ee sanadkii hore ku guuleystay doorashada madaxtinnimada Soomaaliya, ayaa ololihiisii doorashada ballan-qaadar dhowr qodob oo uu sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto haddii la doorto.

Qodobbadan hoos ku xusan ayuu madaxweynuhu sheegay in dowladdiisa ay diiradda saari doonto, balse sanad kadib maxaa ka hirgalay qodobbadan?

Amniga

Somalia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid ka mid ah arrimaha uu madaxweynuhu diiradda saaray waa amniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay diiradda saari doonto aminga oo ah in dalka dib loo xoreereyo oo laga xoreeyo Al-Shabaab, lana furo waddooyinka isku xiro magaalooyinka si ganacsiga ay dadka si xor ah u socdaan

"Muuqaalkii iyo xaaladdii dalka uu ku sugnaa sanad kahor mid aad uga duwan ayuu maanta ku sugan yahay. Dhinac kasta haddii aad ka eegto gaar ahaan arrimaha ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badan yihiin, oo nabadgelyada iyo xasiloonida waddanka ay ugu horreyso," ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo u warramay BBC-da.

Al-Cadaala ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay wajahday ay ahayd Al-Shabaab oo heystay qeybo badan oo dalka ka tirsan.

"Waxaan filayaa in maanta aysan sharraxaad badan iiga baahneyn isbeddelkii ku dhacay awooddii khawaarijta milatari ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo feker ahaan intaba. Taasoo ahayd saddexdii aag ee madaxweynuhu uu dagaalkiisa kahwaarijta saldhigga uga dhigay oo maanta aad ogtihiin in milatari ahaan awooddoodii aad loo wiiqay, dhul fara badan oo ay heysteen laga qaaday, maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan la laayay kuwo badanna is soo dhiibeen, dadka Soomaaliyeedna la gaarsiiyay heer ay ku dhiirradaan inay nimankaa iska dhiciyaan, haatanna meel gabaabsi ah ay marayaan," ayuu yiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu sheegay in amniga ay ka mid tahay tayeynta iyo kordhinta awoodda ciidanka qaranka Soomaaliyeed, oo uu sheegay in kumannaan ciidan ah dibadda laga soo celiyay, tababarro loo diray isla markaana la qalabeeyay.

"Amniga waxaa kale oo ku jirtay adkeynta iyo wax ka beddelidda xaaladaha amni ee khawaarijta xorta ka ahaa oo ay ugu horreysay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo hadda runtii Ilaah mahaddii aad la socoteen in bilihii ugu dambeeyay oo ay ku jirtay bishii Ramadaan isbeddel aad u weyn oo dadka Muqdisho ay ku naaloonayaan laga hirgeliyay,"

Bishii September ee sanadkii hore, kulan ay qabatay Xarunta Cilmi Baarista Caalamiga ah iyo Istiraatiijiyadda (CSIS) ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo heerka uu marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha, oo xilligaas ku sugnaa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in "caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya maanta ka hor taagan inay hirgeliso hammigeeda siyaasadda iyo dhaqaalaha bulshada ay tahay soo afjaridda argagixisada caalamiga ah ee ka howlgasha waddanka".

Waxaase uu qiray inuu waqti dheer qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo IS oo fariisimo ku leh Soomaaliya.

"Caqabaddan waxay soo taagneyd muddo 15 sano ah. Aad bay u dheertahay 15 sano oo lagu jiro dagaal rasaas loo adeegsado iyo hubanti la'aan. In la xoojiyo amniga Soomaaliya, kan guud ee gobolka iyo caalamkana waxa ay u baahan tahay fikir cusub iyo istiraatiijiyad lagu soo afjarayo argagixisada," ayuu yiri.

Bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii hore waxaa sii xoogeysanayay dagaallada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladda federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa dadka deegaanka.

Shabaab

Xigashada Sawirka, SNTV

Milateriga Soomaaliya oo ay la socdaan maleeshiyo deegaanka ah ayaa dagaal ba’an kula jiray Alshabaab deegaaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana la soo weriyayay khasaare nafeed oo baaxad leh.

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalkaas ay ka wadeen gobolka Hiiraan ay sidoo kale diiradda ku saareen sidii la isugu furi lahaa waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburde oo ay muddo sanado ah kala gooyeen ururka Alshabaab.

Dhanka kale, waxaa xilligaas deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas, Buulo-Burde, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan lagala wareegay Al-shabaab.

Deegaanno laga saaray Al-Shabab waxaa sidoo kale kamid ah Teedaan, Hees, Sagalgeed, Geedasamo, Yaasooman, iyo Aboorey.

Waxa kaloo lagu guuleystay in la isu furo waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas, sida ay sheegeen milatariga Soomaaliya.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegeys inay guulo waaweyn ka soo hoysay dhanka amniga, haddana dadka falanqeeya arrimaha amniga Soomaaliya waxay qabaan in tani ay tahay billow fiican oo hore loo sii wadi karo.

"Waxa aan dhihi karno Xasan Sheekh waa u hirgaleen ama wax buu ka bilaabay, waa la dagaallanka Al-Shabaab, waxaa kale oo aan la iloobi karin in amniga Muqdisho uu ka soo reynayo oo ciidamadii lagu soo tababaray Uganda ay ammaankeedii ilaa Ramadaankii oo kale magaalada uusan ka dhicin qaraxyo, oo dilal aysan ka dhicin, waxaan dhihi karnaa waa billow fiican," ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo u warramay BBC-da.

Gobollada kale ee dowladda Xasan Sheekh ay ka wadday la dagaallanka Al-Shabaab ayaa ahaa Galgaduud iyo Koofur Galbeed.

Shabaab

Xigashada Sawirka, SNTV

Gobollada dhinaca isku haya ee Hiiraan iyo Galgaduud ayaa iyagu xuddun u ahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay sida aadka ah uga dhex muuqdeen dadka deegaanka.

Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa ku hanjabay markaas inay iska dhicin doonaan dadka sameynaya iska caabbinta.

Farriintii ugu dambeysay oo muuqaal ahayd wuxuu afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ugu hanjabay dadka deegaanka.

Wareysi aan horay ula yeelannay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha macawisleyda Hiiraan ayuu wuxuu noogu sheegay in ay iskood isu abaabuleen si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab. Wuxuu tilmaamay in ay ka go'an tahay in nin kasta oo ay Al-Shabaab ka disho ay u aaraan.

Dhanka kale, bayaannada ka soo baxa dowladda ama lagu faafiyay warbaahinteeda waxaa lagu sheegi jiray in howlgalka ay hoggaaminayaan Ciidanka Xoogga Dalka. Hase yeeshee, waxaa jira hoggaamiyeyaal deegaan oo iyagoo ka dhiidhinaya tacaddiyada Al-Shabaab billaabay inay hubka qaataan, dadkana ay ku dhiirrigeliyaan dagaalka, sida ay sheegeen.

Si kasta oo ay ahaataba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay dhowr jeer ugu celceliyay in dagaal aan loo aabba-yeelin ay la galayaan Al-Shabaab ayaa markaas soo dhoweeyay shacabka la dagaallamaya kooxdaas, wuxuuna u ballan-qaaday taageerada dowladda.

Cumar Cabdi Jimcaale oo culuumta siyaasadda ka dhigta jaamacadda Najmuddin Erbakan ee dalka Turkig, oo u warramay BBC-da ayaa isna qaba in dowladda Soomaaliya ay ku saxan tahay ahmiyad siinta amniga.

"Taas oo aan dhihi karo in waddanka horumarkiisa iyo geeddi-socodka waddankuba uu ku xiran yahay. Dowladdu waxay dirtay ciidamo badan oo ilaa 9,000 ah oo aan qiyaasayo qara badan inay dalka ku soo noqdeen kuwo kalena ay maqan yihiin. Waxay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladdu sameyneyso ee aan is leeyahay sanadaha soo socda wax ayay ka tari karaan amniga." Ayuu yiri.

"Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah"

Xasan Sheekh

Qodobbada kale ee uu ballan qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, hal ku dhigna u ahaa ololihiisa ayaa ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Markii Madaxweyne Xasan la doortay, waxa uu kulan la qaatay madaxda maamul gobboleedyada, wuxuna sheegay inuu si dhaw ula shaqeyn doono.

Sanadihii isaga ka horreeyay, dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda maamul goboleedyadu, waxay u qaybsanaayeen kuwo aad ugu dhaw dawladda iyo kuwa khilaaf ba'ani uu dhexmaray.

Dawladdii Farmaajo waxay kaalin mug leh ku lahayd in maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay madaxweynayaal ka noqdaan Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, waxayse ku guuldareystay in ay wax saameyn ah ku yeelato doorashooyinkii ka dhacay Puntland iyo Jubbaland ee ay ku soo kala baxeen Siciid Dani iyo Axmed Madoobe.

"Dowladdu caqabado waaweyn oo taagnaa ayay xallisay. Markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xafiiska la wareegay sanad kahor waxaad ogtahay in qeybo badan oo dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyadu aanay xiriir lahayn, in shirarkii ay joogsadeen oo markaas aanay si sax ah u soconin. Waa la xalliyay, iyadoo xitaa aan xukuumaddii la soo dhisin ayaa shirarkii ugu horreeyay dhaceen, wada shaqeyntaas ina waa midda keentay in shan shir sanad gudaheed oo micanheedu tahay in saddexdii biloodba la shirayay in la qabtay. Qadiyaad waaweyn oo dadka Soomaaliyeed meel u yaallayna la meel mariyay," ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay ku guuleysatay maareynta qadiyaddii ka taagneyd oo sida uu sheegay ay ku guuleysatay.

Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, ABDULKADIR MOHAMED NUR

Qoraalka sawirka, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku sii ahaa Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay wuxuu safarkiisii ugu horreeyay ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur-galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka mid ahaa saaxiibaddii siyaasadda aad ugu dhowaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana soo baxayay tuhuno sheegayay in Madaxweyne Xasan aysan isku wanaagsanayn markaas.

Maamul-goboleedka kale ee ilaa iyo haatan ay xiisad ka dhex taagan tahay dowladda federaalka ayaa ah Puntland.

Al-Cadaala ayaa qiraya inay weli taagan tahay arrinta Puntland ee la xiriirta doorashada maamulkaas oo la filayo inay qabsoonto horraanta sanadka soo socda.

"Sidii arrimihii hore loo xallin jiray ayay madaxda qaranku ugu mashquulsan yihiin in si mas'uuliyadi ku jirto oo maslaxada qaranka iyo maslaxada deegaankaas ku jirto loo xalliyo haddii Alle idmo. Waxa socda iyo hadalladuna waa hadallo la xiriira sidii arrimahaas xal looga gaari lahaa," ayuu yiri.

Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Garoowe, isagoo wadahadal la yeeshay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli ay 100 maalmood markaas u buuxsantay dowladda Xasan Sheekh.

Madaxwenaha ayaa markii la doortay safarro ku tagayay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka kooban tahay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa socdaallada ay madaxtooyada ujeeddadooda ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo wadashaqeynta gudaha.

Waxaa jiray arrimo ay Puntland ka tabanaysay dowladda dhexe, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrimahaas waxaa ugu waaweynaa, dhammeystirka dastuurka, deeqaha caalamiga ah, deeqaha waxbarasho, iyo wada shaqeyn.

Si kastaba, Cumar Cabdi Jimcaale oo culuumta siyaasadda ka dhigta jaamacadda Najmuddin Erbakan ee dalka Turkiga ayaa qaba in weli arrimaha wada shaqeynta maamul-goboleedyada aysan fari ka qodneyn.

"Waxaa jira arrimaha xaislinta oo kale inaan wax badan laga qaban oo ay ugu horreyso khilaafaadka ka taagan Jubaland, arrinta Gedo oo ana la xallin iyo Puntland oo la dhihi karo dowladdu way ka gaabisay. Maqaamka Muqdisho oo kale wax wyen kama qaban dowladda. Sidoo kale inkastoo dowladda ay mowqifkeeda caddeysan haddana ma muuqdo doorka dowladda ee Laascaanood," ayuu yiri.

Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, FBC

Qoraalka sawirka, Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bishii September ee sanadkii hore booqasha rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya, isagoo wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Madaxda labada dal wadahadalkooda waxay diiradda ku saareen "iney ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xasillonida Geeska Afrika oo ay iska kaashadaan labada dal muhiimadda ay u leedahay, " ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska raysalw asaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa wuxuu sheegay doorka ay Itoobiya ku lahayd taageeridda Soomaaliya iyo nafta ay u hurtay uu bogaadinayo.

Raysal Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay Itoobiya iney diyaar u tahay iney la shaqeyso maamulka cusub ee Soomaaliya gaar ahaanna dalkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo arrimaha la xiriira Kobaca Dhaqaalaha.

Xafiiska Raysla wasaarahana wuxuu sheegay Abiy inuu ka dhawaajiyey Soomaaliya oo xoogeysato xasiloonina hesho ay la mid tahay Itoobiya oo xoogeysatay.

Tan iyo markIi uu Xasan Sheekh xilka madaxtinimada la wareegay wuxuu booqasho ku maray waddamada gobolka oo ay ka mid yihiin Kenya, Jabuuti, Eritrea iyo kuwo kale.

Abaaraha

abaaraha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qodobka kale ee muhiimka ah ee dowladdu ay diiradda saartay ayaa ah wax ka qabashada abaaraha ku habsaday dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii May ee sanadkii hore u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga xiriiriya howlgalka arrimaha bani'aadannimada iyo gargaarka, inuu ka warqabo xaaladda dadka dhibaataysan, kaalmada caalamiga ah iyo kaalmada Soomaalida dhexdeeda. Sidoo kale, marka abaarta laga baxo kaddib, in uu ka shaqeeyo barnaamij cad oo dadkii ay saameysay ee xoolo beelay noloshooda iyo mustaqabalkooda sidii looga sii warqabi lahaa ah.

Madaxweynaha oo xilligaas ka hadlayay magacaabistiisa wuxuu yiri: "Waa shaqo naftii-horennimo ah oo mudanaha uu ugu tabarrucay ummadda Soomaaliyeed, annaguna aan la garannay oo u garannay, wuuna naga aqbalay."

"Markii Soomaalida la fiiriyo dhexdooda, dowladda kuma guuleysan in dhaqaale loo helo ama Soomaalida laga uruuriyo," ayuu yiri Axmed Kaboole.

Warbixin cusub oo bishii Maraaso ee sanadkan ay diyaariyeen Iskuulka Midowga Cilmi-baarista Caafimaadka Bini’aadanimada ee Kuliyadda Caafimaadka iyo Fayo-dhawrka ee London iyo Imperial College ee London, isla markaana ay maalgaliyeen hay’addaha WHO iyo UNICEF oo Isniintii Muqdisho lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in tirada dadka u dhintay dhibaatooyinka ka dhashay abaarta ka jirta Soomaaliya sanadkii tagay ee 2022 ay gaarayso 43,000 oo qof, kuwaas oo kala bar ay yihiin carruur ay da’doodu ka yartahay 5 sano.

Waa khasaaraha dhimashada ee rasmiga ah ee laga soo sheegay abaarta ka jirta Geeska Afrika. Kala bar ka mid ah waxaa loo maleynayaa inay ahaayeen carruur ay da'doodu ka yar tahay shan sano.

Warbixintu waxay kaloo muujisay in tirada dadka u dhintay waxyeelada abaarta ee sanadkii 2022 ay ka badan tahay tirada dadkii dhintay sanadihii 2017-2018 kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 31,400 oo qof.

Abaaraha

Xigashada Sawirka, BOGGA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR EE FACEBOOK

Daraasaddu waxay saadaalisay in lixda bilood ee ugu horreeya sanadkan 2023, dhibaatooyinka ka dhasha abaarata Soomaaliya ka jirta ay u dhiman karaan 34,200 oo qof, xaaladduna ay ka sii darnaan karto sidii ay ahayd 2017-2018.

Sanadkii 2011, macluul ka dillaacday Soomaaliya ayaa dishay in ka badan rubuc milyan qof.

"Waqtiga ayaa gabaabsi nagu ah in laga hortago dhimashada iyo badbaadinta nolol taasoo laga fogaan karay," ayuu yiri wakiilka WHO Dr Mamunur Rahman Malik.

Wuxuu intaas ku daray in "waxa ka dhalanaya wax qabad la'aanta" ay tahay in carruur, haween iyo dad taag daran ay dhintaan iyadoo "aan si rajo la'aan ah, caawinaad la'aan leh aan goobjoog uga nahay musiibada".

QM ayaa sheegtay inay u baahan tahay $2.6bn (£2.1bn) si ay ugu maalgeliso qorshaheeda wax ka qabashada abaarta Soomaaliya ee sanadkan. Ilaa iyo haatan, wax ka yar 15% ayaa laga helay kharashkaas.

Malaayiin xoolo ayaa ku dhintay abaarta taasoo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada, xasilooni-darrada siyaasadeed iyo sicirbararka adduunka ka jira.

Dhibaato ayaa ka taagneyd in gargaar la gaarsiiyo deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa si joogto ah weerarro uga geysata Soomaaliya iyadoo caqabad ku ah howlaha bani'aadannimo.

Arrimaha kale ee dowladda Soomaaliya lagu ammaanay ayaa waxaa ka mid ah adeegyada bulshada, sida waxbarashada oo dhowana macallimiin cusub ay qoratay dowladda, iyo sidoo kale dadaallo dhanka deyn-cafinta ah.