Shiinaha oo dil ku xukumay laba wasiir oo hore u soo qabtay gaashaandhigga dalkaasi

Shiinaha

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda Shiinaha, laba wasiir oo hore u soo qabtay gaashaandhigga dalkaas ayaa lagu xukumay dil kaddib markii lagu helay dambiyo la xidhiidha musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho.

Wei Fenghe iyo Li Shangfu, oo lagu maxkamadeeyay maxkamad millitari oo ku taal Shiinaha, ayaa Khamiistii lagu xukumay dil, inkasta oo laba sano la hakiyay.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua, tani waxay ka dhigan tahay in xukunkooda dilka ah laba sano kadib loo beddeli doono xabsi daa'in, iyada oo aanay jirin wax suurtagal ah oo lagu yareeyo ciqaabta ama lagu sii daayo sii-dayn cafis dawladeed.

Labadoodaba waxaa lagu helay dambiga laaluush qaadasho, waxaana lala wareegay dhammaan hantidoodii gaarka ahayd.

Warka ku saabsan xukunkan ayaa yimid kaddib markii dhawaan xilalka laga qaaday dhowr sarkaal oo sare oo millitariga Shiinaha ah, xilli ay socdaan ololeyaal ballaadhan oo ka dhan ah musuqmaasuqa.

Wei Fenghe wuxuu ahaa wasiirka gaashaandhigga laga soo bilaabo 2018 ilaa 2023, waxaana bishii Maarso 2023 xilka kala wareegay Li Shangfu.

Muddadii uu Li Shangfu xilka hayay waxay ahayd mid aad u gaaban.

Waxaa xilka laga qaaday bishii Oktoobar 2023, laba bilood kaddib markii uu si lama filaan ah uga dhex baxay fagaaraha dadweynaha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyadoo soo xiganaysa warbixinno hore oo Xinhua ay daabacday, waxa ay sheegtay in Li Shangfu lagu tuhunsanaa in uu qaatay "lacago aad u badan" oo laaluush ah isla markaana uu sidoo kale laaluush siiyay dad kale.

Waxaa lagu eedeeyay in uu "ku guuldarraystay gudashada waajibaadkiisa siyaasadeed" isla markaana uu "raadinayay dano gaar ah oo isaga iyo dad kale u gaar ah."

Dhanka kale, baadhitaannadii lagu bilaabay Wei Fenghe sannadkii 2023 ayaa muujiyay in uu "qaatay lacag badan iyo alaabo qaali ah" oo laaluush ah isla markaana "uu dad kale ka caawiyay helitaanka faa'iidooyin aan habboonayn oo ku saabsan magacaabista shaqaalaha."

Bishii February, madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa tallaabo aan caadi ahayn si fagaare ah kaga dhawaaqay isaga oo ku nuuxnuuxsaday ololeyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa ee ku aaddan ciidammada millitariga, kuwaas oo dhawaan horseeday xil ka qaadista janaraal sare oo ciidammada ka tirsanaa.

Xi Jinping ayaa sheegay in militarigu "sameeyay isbeddello waaweyn oo lagu wajahayo la dagallanka dhinaca musuqmaasuqa."

Tan iyo markii uu xukunka qabtay, Xi Jinping wuxuu bilaabay ololeyaal ballaadhan oo ka dhan ah musuqmaasuqa, kuwaas oo dadka naqdiya siyaasadda madaxweynuhu ay sheegaan in sidoo kale loo adeegsaday sidii qalab lagu la daggaalamo si looga takhaluso mucaaradka siyaasadeed ee waddankaasi.