Shaqaalaha markabkii ay burcad-badeedda Soomaalida sii daayeen: "Waxaan ku dhex tukan jirnay markabka iyadoo qori nalagu hayo"

Xigashada Sawirka, AFP
Markabkii MV Abdullah, oo ay qabsadeen siina daayeen burcad-badeedda Soomaalida horraantii sanadkan, ayaa isagoo badqaba ku laabtay Bangladesh waxaana la socday dhammaanba 23-kii shaqaale ee saarnaa.
Markabka ayaa gaaray dekadda Chittagong, shaqaalahana waxaa soo dhoweeyay qoysaskooda iyo qaraabadooda.
Abdullah ayaa xeebaha Puntland laga afduubtay bishii March xilli uu kasoo shiraacday Mozambique kuna sii jeeday Imaaraatka Carabta isagoo shiday shidaal. Shaqaalaha iyo markabka ayaa afduub loo heystay 33 maalmood iyadoo burcad-badeeddu ay ku gorgortamayeen heshiis madax-furasho ah oo ay la galeen milkiilaha markabka iyo shirkadda caymiska.
Ciidamada Puntland ayaa hore u sheegay in dhowr ka mid ah burcadda la xiray wax yar kadib markii ay markabka sii daayeen.
Shirkadda leh markabka ee SR Shipping, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in "heshiis" lala gaaray burcad-badeedda.
Inkastoo ay afduub la kulmeen, haddana shaqaalaha u dhashay Bangladesh ayaa sii watay safarkooda. Markii ay Soomaaliya kasoo tageen waxay usii gudbeen Imaaraatka Carabta si ay rarka u dejiyaan, kadibna waxay sii aadeen Bangladesh oo ay gaareen labo toddobaad kadib.

Xigashada Sawirka, UNB
Wargeyska dalkaas kasoo baxa ee Daily Star ayaa baahiyay dabaaldegga farxadda leh ee qoysaska shaqaalahan. "Nolosheenna ayaa dib usoo cusboonaatay. Waxaan u maleynayay inaan weligey arki doonin isaga balse Ilaah mahaddii, wuu iisoo laabtay," ayay tiri Jannatul Ferdous, oo ah xaaska Mohammad Noor Uddin.
Duqa magaalada Chittagong ayaa isaguna salaan ugu tegay shaqaalaha, iyadoo uu la socday madaxa maamulka dekadda iyo madaxa shirkadda SR Shipping.
Shaqaalaha ayaa sheegay inay aad ugu faraxsna yihiin inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, isla markaan akhibradda afduubkooda ay ahayd mid naxdin leh. "Burcaddu aad ayay u hubeysnaayeen waxayna ahaayeen kuwo niyad-jabsan, taasoo ina gelisay argagax iyo cabsi," ayuu Mohammad Shamsuddin u sheegay Daily Star. "Waxaan ku dhex tukan jirnay markabka iyadoo qori nalagu hayo."
Burcadda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la siiyay $5 milyan oo doollar si ay shaqaalaha usii daayaan, amaba ilaa $220,000 oo laga bixiyay calaa qof. Dhexdooda ayaa lacagta kala qeybsaday wayna iska sii tageen.
Koror dhanka afduubka ah ayaa bilihii lasoo dhaafay laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya.
Dhowr maraakiib ayaa lagu beegsaday xeebaha Soomaaliya tan iyo dabayaaqadii bishii November.
Khubarrada ammaanka ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka xeebaha Soomaaliya kadib markii ciidamada ilaalada xeebaha ee shisheeye ay diiraddooda saareen Badda Cas, halkaasoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku weerarayeen maraakiib.

Xigashada Sawirka, AFP
Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in labo burcad-badeed ay u sheegeen in $5m oo madax-furasho ah la siiyay si ay udii daayaan markabka MV Abdullah iyo shaqaalihiisa.
"Waxaan eegnay in lacagtu been abuur tahay iyo inkale. Kadibna waan kala qeybsannay lacagta waana baxnay, innagoo ka baxsaneyna ciidamada dowladda," ayay Reuters kasoo xigatay mid ka mid ah burcad-badeedda, Cabdirashiid Yuusuf.
Shirkadda markabka leh ee KSRM Group, ayaa sheegtay in markabkan iyo shaqaalihiisa lasii daayay kadib wadaxaajood lala galay burcad-badeedda.
"Waxaan heshiis la galnay burcad-badeedda," ayuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Mizanul Islam oo ah madaxa SR Shipping.
"Wax badan kama dhihi karno lacagta," ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay: "Dhammaan dhaqaalaha way badqabaan."
Markabka ayaa kadib usii shiraacday Imaaraatka Carabta, iyadoo ay sii galbiyeen maraakiib dagaal.
Markabka MV Abdullah

Xigashada Sawirka, EUNAVFOR
Markabkaan la sii daayey ee MV Abdullah, ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay ‘Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca ‘MV Abdullah’.
Markabka ayaa 4-tii Maarso ayaa safarkiisa ka soo bilaabay dekedda Maputo ee dalka Mozambique ee Afrika. Waxaa lagu waday in 19-ka bishan Maarso uu gaaro dekedda Hamriyah ee dalka Imaaraadka Carabt, ka hor inta uusan gacanta u galin burcad baddeeda Soomaalida.
Wuxuu siday shixnad dhuxul ah oo dhan 55,000 oo tan sida shirkadda markabku shaaciyeen.













