Maxaa ka jira in burcad badeedda Soomaalida ay ka faa'iideen weerarrada Xuutiyiinta

Burcad badeed

Xigashada Sawirka, AFP

Weli waxaa sii xoogaysanaya dagaallada u dhaxeeya ciidamada uu Maraykanku horkacayo ee maraakiibtooduu fadhiyaan badda cas iyo xoogagga Xuutiyiinta Yemen.

Talaabadii ugu dambaysay ayey xuutiyiintu sheegteen inay duqeeyeen Markab ganacsi oo Maraykanka laga leeyahay. Markabkaas oo la yiraahdo KOI ayaa ku safaraya calanka Liberia.

Sidaasoo ay tahay ayaa waxaa soo baxaya in ay sii socdaan weerarrada burcad badeedda Soomaalida ee dib u soo laba kacleeyey markii Xuutiyiinta ay bilaabeen inay bar tilmaameedsadaan Maraakiibta reer galbeedka ee maraysa Baabul Mandab.

Burcad badeedda Soomaalida ayaa la sheegayaa in ay heleen hub heerkiisu sarreeyo, taasoo loo malaynayo inay ka heleen dhinaca Al Shabaab oo leh hanaan uu hubku ku soo gaaro.

Waxaana dhinaca kale jira shaki ku saabsan in Al Shabaab iyo burcad badeedda uu ka dhaxeeyo ugu yaraan in aysan xurguf dhex marin.

Maamullada Soomaaliya ka jira qaarkood oo BBC ay la xiriirtay midkoodna ma uusan xaqiijin in Al Shabaab iyo burcad badeedda ay wax ka dhaxeeyaan.

Al Shabaab

Xigashada Sawirka, AP

2017 ayey ahayd markii ay soo baxeen baaritaanno ay sameeyeen Maraykanka iyo Qaramada Midoobay oo lagu ogaaday inay jiraan xubno ka tirsan burcad badeedda oo taageero u fidinayey Al Shabaab iyo Daacish.

Xilligaas waxaa lagu eedeeyey burcad badeedda inay hub iyo rasaas siiyeen Al Shabaab.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Weerarrada Xuutiyiinta waxay dhiirri galinayaan burcad badeedda, wixii ka dambeeyey 2017 burcad badeedda waa lala dagaallamay in badanna waa laga xir-xiray” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amaanka.

Wuxuu intaa ku daray in Al Shabaab loo soo marsiiyo hubka dhinaca burcad badeedda. Haddaba iskaashi intaa ka balaaran ma dhex mari karaa AL Shabaab iyo Burcad badeedda?

“Wuu dhex mari karaa, wuxuuna ku dhex mari karaa, Al Shabaab iyo Daacish baahi dhaqaale ayey qabaan, waxayna rabaan inay sii wadaan qaab kasta oo ay dagaalka u sii wadi karaan, Burcadbadeedduna waxay yaqaanaan sida maraakiibta loo qafaasho, marka qaabkaas wuxuu keenayaa in la kala faa’iidaysto, oo burcadduna markay barriga yimaadaan aysan dhibaato la kulmin, ayna joogi karaan meelaha ay Shabaab joogaan”. Waxay helayaan in ay dhexdhexaad u noqdaan Xuutiyiinta oo haysta hubka casriga ah ee Yemen iyo Al Shabaab” ayuu yiri Kaboole.

Muxuu haddaba noqonayaa culayska ay burcadbadeeddu ku keeni karaan hawlgalka ka socda Badda cas?

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, AP

Warar laga soo xigtay Maraykanka waxay sheegayaan in ciidanka Maraykanku ay burburiyeen ilaa 10 dayaaradood oo kuwa bilaa duuliyaha ah iyo xaruntii laga maamulayey.

Axmed Kaboole wuxuu aaminsan yahay in qiimaha badeecadaha lagu qaado uu sare u kacayo sababao la xiriira amni darrada ka taagan badda cas.

“Dhaqaalaha ugu badan adduunka badda cas ayuu maraa, wuxuuna sii galaa bariga Afrika, Aasiya, ilaa iyo Yurub, haddii maraakiibta uu marinkaas ku adkaado waxaa imaanaysa in badeecada loo baahan yahay uu kala go’ ku yimaado” ayuu yiri Kaboole.

Dr Ian Ralby oo ka tirsan hay’adda la talinta arrimaha badaha ee IR Consilium wuxuu qabaa in maraakiibta ka weecatay badda cas ay keeni karaan in burcad badeeddu dibadda u soo baxdo.

“Xirfaddii burcad badeedda meesha kama aysan bixin. In badan oo weerarrada ay qaadaan burcad badeedda soonmaaliyeed ah waa kuwo ku wajahan maraakiibta iyo doomaha hawlaha sharci darrada ah qabta” ayuu yiri Ian.