Gabadhii xaamilada ahayd ee ninkeeda lagu eedeeyay in uu gubay oo ku geeriyootay Muqdisho

Xigashada Sawirka, Camaadi Sheekh Cabdicasiis
Sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ehalada Luul Sheekh Cabdicasiis oo ahayd gabar xaamilo ah oo ninkeeda ku eedeysan yahay in uu ku gubay dhawaan Muqdisho ayaa saaka ku geeriyootay cisbitaalka Digfeer.
Camaadi Sheekh Cabdicasiis oo ay walaalo yihiin Luul ayaa BBC-da u xaqiijiyey geerideeda isagoo xusay in salaadii subax ka dib ay u geeriyootay dhaawacii darnaa ee ka soo gaaray gubashada.
Allaha u raxmadee Luul ayaa maalmihii la soo dhafaay dhawaceeda lagula tacaalayey cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho qaybta xaaladaha culus.
Dhacdadaas oo ahayd mid argagax leh ayaa ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ka dib markii ninkeda nolosha ku gubay.
"Walaashay Luul xaalad culus ayey soo martay, waxay gashay koomo, waxaana la dhigay qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer" ayuu yiri Camaadi.
Waxaa uu ku eedeeyay in ninka guursaday walaashiis dhawaan uu ka dambeeyay dabka. Waxa uu sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeyay ninkaas oo ay isguursadaan muddo hadda laga joogo lix bilood oo ay qoysku og yihiin.
"Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay" ayuu hadalkiisa sii raaciayay.
Sidee ayay wax u dhaceen?

Xigashada Sawirka, Doodishe
“Waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd, sida aan xogta ku heleynana waxaa ku eedeysan oo falkaas geystay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaas.” Waxaa sidaas BBC-da u sheegay gaashaanle Saadaq Doodishe.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu Boolsiku sheegay in seyga gabadha oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku gubay qolka, isagiina gaari u sii diyaarsanaa uu ku baxsaday, Sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Saadaq Doodishe.
“Falkaan marka uu dhacay ka dib ayaa dadkii deriska la ahaa ama goob-joogeyaashii ama ciidamada ammaanka gaar ahaan saldhigga ciidamada Booliska ee degmada Dharkeynleey falkaas ku baxay, wixii ugu horreeyay ee awoodda la iskugu geeyay ayaana ahaa in hooyada la badbaadiyo,” ayuu yiri gaashaanle Doodishe.
Luul ayaa la sheegay in la badbaadiyay ka dib markii ay qeyliyeen carruurteeda oo ku jiray qolalka kale ee guriga oo ku argagaxay dabka taas oo sababtay in dadka dariska ah ay isu soo baxaan ayna sidaas ku badbaadiyaan hooyadan oo xaalad quus ah ku jirtay. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada aammaanka degmada oo goobta soo gaaray ay door ka qaateen badbaadinteeda.
Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.
Xaggee ayuu ku dambeeyay Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninka xaaskiisa gubay?

Xigashada Sawirka, REUTERS
Markii la soo badbaadiyay hooyada la gubay ayaa waxaa xoogga la saaray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanaha falka geystay.
“Nasiib darro eedeeysanaha ayaa waxaa markii uu falka geystayba oo uu dabka bilaabanay ka baxsaday goobta welina gacanta laguma dhigin laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in hawlgallo arrintaas u gaar ah magaalada ka socdaan meel-kasta oo laga heli karo.” Ayuu yiri Doodishe.
Waxa uu sheegay in Sayid uusan ahayn qof raadkiisa, magiciisa iyo muuqaalkiisa la wayn karo. “Waa qof xitaa la yaqaano codkiisa ma ahan marka howlagallada eedeysanaha gacanta loogu dhigayo waa ay socdaan waxaa rajeynaynaa in haddii uu Alle idmo sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ugu soo dhigno.”
Gaashaanle Doodishe ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid xanuun badan oo damiirka dadka taabaneyso sababtoo ah ayuu yiri in “marwo hooyo ah, xaaskiiska ah, xaamilo ahayd dab loo isticmaalo marka wax si fudud aan u dhihi karno waxaas ayaa sabab u ah ma ahan waxaa dhigi kara dhakhaatiir ku takhasusutay cilmi nafsiga oo baari karta in waxaani ay dhimirka yihiin ama ay daroogo iyo muqaadaraad la xiriira yihiin waa wax baarista ku soo bixi doona, booliska ayaana hadda wada baaritaan la xiriira falkan.”
Waxa uu sheegay in sababta ay waxaan u dhaceen ay kala caddaan doonto marka eedeeysanaha la qabto oo baaritaan lagu sameeyo.













