Ciqaabta guurka Hindiya, dookheeda ayaa loo daldalay

( Digniin: sheekadaan waxaa ku jira waxyaabo ay dhibsan karaan dadka nugul)
Booliska degmada Thanjavur ee dalka Hindiya ayaa gacanta ku dhigay waalidiintii dilay gabadhooda, ka dibna dab qabadsiiyay, ka dib markii ay guursatay wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qoys dabaq hoose ah.
Bhaskar iyo wiilkiisa Naveen waxay ka mid yihiin bulshada la faquuqo ee Hindiya waxaana dacwad ay ka gudbiyeen saldhigga 7-dii bishan.
Waxa uu ku andacooday in wiilkiisa Naveen guursaday gabar lagu magacaabo Aishwarya oo 19 jir ah, oo deggan tuulo ay deris yihiin taas oo markii danbe ay dileen waalidkeed oo ay gubeen meydka iyaga oo aan cidna u sheegin.
Booliisku waxay qaadeen tallaabo, waxaana markii hore la baaray waalidiinta Aishwarya, ka dibna waxaa loo soo xiray dambiga ku lug lahaanshiyaha dilka ah.
Kooxo ka tirsan BBC-da ayaa gaaray tuulada si ay u baaraan kiiska si loo ogaado waxa dhacay .
Sidee loo dilay Aishwarya? Waa sidee xaalada deegaanka dilka ka dib maxayse boolisku ka yidhaahdeen?
maxaa dhacay?

Naveen ayaa dacwad u gudbiyay saldhiga booliiska Vatikottai 7-dii bishaan. Naveen iyo Aishwarya waxay is jeclaayeen shanti sano ee lasoo dhaafay.
Naveen waxa uu ka shaqaynayay warshad gaar loo leeyahay oo dib u habaysa warshadaynta balaastigga, kuna taal Tiruppur labadii sano ee la soo dhaafay, halka Aishwarya ay ka shaqaynaysay warshad dharka ah oo ku taal aagga Paladam ee degmada Tiruppur hal sano iyo barakii la soo dhaafay.
Cabashada uu u gudbiyay booliiska, Naveen waxa uu ku sheegay in 'waalidiinta iyo qaraabada Aishwarya ay isku dayeen in ay kala fogeeyaan ka dib markii ay ogaadeen xiriirka jacayl ee ka dhaxeeya , laakiin waxay is guursadeen December 31-dii ee sannadkii hore.
Waalidiinta iyo qaraabada Aishwarya ayaa dacwad ka dhan ah Naveen u gudbiyay booliiska Paladam, ayaga oo aan boolisku wax tilaabo ah qaadin ayay Aishwarya u dib ugu laabatay guriga waalidkeed.
Naveen waxaa uu sheegay inay heleen xog ku saabsan in Aishwarya lagu dilay subaxnimadii hore ee Janaayo 3 iyadoo aan cidna loo sheegin tuulada, waalidkeed ayaa gubay meydkeeda.

Xigashada Sawirka, BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii ay booliisku tageen tuulada Niwavedi ee Aishwarya ay ku noolayd, waxaa la arkayay dadka oo wareegaya, balse markii la ogaaday sababta ay booliisku halkaas u yimaadeen, dadku waxay si tartiib tartiib ah u aadeen guryahooda, albaabada guryaha ee tuulada ayaa la xiray, waxaana jiray buuq.
Kooxda ka socota BBC-da ayaa tagay guri yar oo ku yaalay gees ka mid ah tuulada, kaas oo la sheegay in uu ahaa guriga Aishwarya oo falku ka dhacay.
Ciidamada booliska ee halkaasi ku sugan ayaanan u ogolaan qofna inuu u dhawaado goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay.
Danbi baarashaasha booliiska ayaa bilaabay in ay diiwaan geliyaan kiiska, goobta la sheegay in lagu dilay Aishwarya.
Sargaal sare oo la hadlay kooxda BBC-da ayaa xaqiijiyay in Aishwarya la daldalay.
Intaa ka dib, BBC ayaa sidoo kale isku dayday inay la hadasho dadka xaafadda ee dariska la ah goobta dilka uu ka dhacay.
Dadka ku nool agagaarka guriga Aishwarya ayaa beeniyay inay goob joog ka ahaayeen dhacdadan, balse qaar ayaa ku dhiiraday inay sheegaan inay arkeen Aishwarya aabaheed oo jiidaya.
Haweeney ku nool guri ku dhow guriga Aishwarya, oo magaceeda qarisay ayaa tiri, "Ma xasuusto taariikhda, laakiin waxaan xasuustaa inay ahayd xilli habeen ah, meel walbana mugdi bay ahayd, hal qaylo ayaan maqalayay.

Xigashada Sawirka, bbc
Mid ka mid ah saraakiisha baarista ee baaraya kiiska dilka oo la hadlay BBC Tamil Waxa uu sheegay in markii Perumal iyo xaaskiisa Ruja ay su'aalo weydiinayeen, ay arrinta oo dhan u sheegeen booliiska.
"Markii uu (Perumal) ka soo degay gaariga, gabdhiisa Aishwarya, ayuu si toos ah ugu jiiday geed raqay ah hoostiisa, markii uu halkaasi geeyay ayuu xaaskiisa ka codsaday inay u keento kursi iyo xadhig sidaasna gabadha geed loogu xiray oo laga lalmiyay.
Waxaa uu intaa ku daray in Aishwarya ay raaligelin siisay aabaheed ayna ka codsatay in uusan dilin.
Sarkaalka baarista qeyb ka ahaa ayaa kooxda BBC la wadaagay hadallado ay u sheegeen eedaysanayaasha oo hadda qirtay dambigooda.













