Gabadha TB Joshua: Waa la jirdilay kadib markii ay ka hor timid aabaheed

Nigeria

BBC ayaa soo bandhigtay sida hoggaamiyihii geeriyooday ee kaniisadda weyn TB Joshua, oo lagu eedeynayo inuu geystay dembiyo galmo oo weyn, uu gabadhiisa uu dhalay guri ugu xiray una jirdilayay muddo sanado ah kahor inta uusan ka dhigin derbijiif ku nool waddooyinka Lagos, Nigeria.

Digniin: Waxaa ku jira faahfaahinno laga yaabo in akhristeyaasha qaar ay dhibsadaan

"Aabbahay wuxuu qabay cabsi, cabsi joogto ah. Wuxuu aad uga baqayay in qof uun uu hadli doono," ayay tiri mid ka mid ah gabdhaha baadariga, Ajoke – qofkii ugu horreeyay ee ka hadla arrintan ee BBC uga warrama tacaddiyada ay ku aragtay kaniisadda aabbaheed, ee Synagogue Church of All Nations (Scoan).

TB Joshua, oo geeriyooday sanadkii 2021 isagoo jiray 57 sano, ayaa lagu eedeeyaa tacaddiyo baahsan iyo jirdil socday ku dhowaad 20 sano.

Ajoke oo hadda 27 jir ah, ayaa qarsoodi ku nool waxayna iska reebtay magaca awowgeed ee "Joshua" - BBC ma shaacineyso magaceeda cusub.

Wax badan lagama oga hooyada dhashay Ajoke, oo la rumeysan yahay inay ka mid ahayd xubnihii kaniisadda TB Joshua. Ajoke ayaa sheegtay inay soo korisay Evelyn, oo uu ka dhintay Joshua, xilli hore intii ay xusuusan kartay.

Ilaa ay toddobo jir kasoo gaarto, Ajoke waxay sheegtay in carruurnimadeedii ay farxad badan kusoo qaadatay, iyadoo qoyska Joshua fasaxa damaashaad la aadi jirtay meelaha sida Dubai.

Balse maalin bey wax walba isbeddeleen. Waxaa laga joojiyay inay aaddo iskuulka sababo la xiriira khalad yar oo ay sameysay, weriye ayaana warbixin ka qoray isagoo ku sheegaya inay tahay ilmaha aan sharciga ahayn ee TB Joshua. Waa laga saaray iskuulka waxaana la geeyay xerada Scoan ee ku taalla Lagos.

"Waxaa laygu qasbay inaan u wareego qolka dadka ku xiran kaniisadda. Si iskey ah uma noqon dadka taabacsan. Waa leygu qasbay inaan ku biiro," ayay tiri.

Dadka taabacsan waxay ahaayeen koox daacad u ah oo u adeegi jiray TB Joshua waxayna kula noolaayeen meel isku xiran oo kaniisadda ka tirsan. Waxay ka yimaadeen daafaha dunida, iyadoo qaar badan ay xerada joogeen tobnaan sano.

Waxay ku noolaayeen shuruuc adag oo loo dejiyay: waxaa laga mamnuucay inay wax ka badan saacado yar seexdaan markiiba, waxaa laga mamnuucay inay isticmaalaan telefoonnadooda amaba ay eegaan iimeyladooda gaarka ah, waxaana lagu qasbay inay TB Joshua ugu yeeraan "Aabbe".

"Dadka taabacsan waxay ahaayeen kuwo la marin-habaabiyay oo dadkana caawiya labadaba. Qof walba wuxuu uun ku socday amar – sida mashiin. Qofna waxba su’aal kama keeneynin," ayay tiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Carruur ahaan, Ajoke shuruucda uma aysan raaci karin sida dadka kale: way diidday inay istaagto markii uu baadarigu soo galay qolka waxayna ka hor timid amarrada adag ee hurdada.

Tacaddiyada ayaa wax yar kadib billowday.

Wax aan ka dheereyn kadib markii ay halkaas tagtay, iyadoo toddoba jir ah, waxay xusuusataa in loo garaacay sababo la xiriira inay sariirta ku kaadisay kaddibna lagu qasbay inay xerada kusoo wareegto iyadoo qoorta loo suray halku dhig dhahaya "waxaan ahay qof isku kaadisa."

"Farriinta ku saabsan Ajoke waxay ahayd inay qabtay sheydaamo xun oo u baahnaa in laga saaro," ayay tiri mid ka mid ah dadkii hore u taabacsanaa Joshua.

"Waxaa jirtay xilli uu socday kulamada dadka taabacsan - isagu [Joshua] wuxuu sheegay in dadku ay garaaci karaan. Qof walba oo ku noolaa qeybta haweenka wuu garaaci karaa waxaana xusuustaa dadka oo iska dharbaaxaya marka ay agmarayaanba," ayay tiri.

Isla markii ay Ajoke usoo wareegtay kaniisadda ku taallay xaafadda Ikotun ee Lagos, waxaa loola dhaqmi jiray sida qof aan meesha ka tirsaneyn.

"Waxay ahayd, likesida qof, loo aqoonsaday laxda madow ee qoyska," ayay tiri Rae, oo kasoo jeedda UK, taasoo 12 sano ku nooleyd kaniisadda iyadoo dadkii baadariga ku xirnaa ka mid ahayd. Sida inta badan dadka kale ee taabacsanaa ka mid ah ee ay BBC wareysatay, waxay door-bidday inay keliya adeegsato magaceeda hore.

Rae waxay xusuusataa xilli markii Ajoke ay muddo dheer seexatay, oo uu Joshua ugu qeyliyay inay soo toosto.

Nigeria

Xigashada Sawirka, AFP

Qof kale oo xerta ka mid ahayd ayaa geysay suuliga qubeyska waxayna "ku garaacday usha korontada kaddibna biyaha kulul ayay ku daartay ", ayay tiri.

Mar ay arrintaas dib u gocatay, ayay Ajoke tiri: "Sida ugu dheer codkeyga baan u qeylinayay, waxayna igu sii daayeen biyaha inay ku shubmaan madaxeyga muddo dheer."

Tacaddiyada noocaas ah marnaba ma dhammaaneyn, ayay tiri.

"Waxaynu ka hadleynaa sanado iyo sanado tacaddiyo ah. Tacaddiyo joogto ah. Jiritaankeygii carruur ahaan ee hooyo kale leyga dhalay ayaa wax walba hoos u dhigay isagu [TB Joshua] ayuu sheegtay si uu isu difaaco."

Tacaddiyada ayaa kasii daray isuna sii beddelay heer kale markii ay 17 jir ahayd ayna aabbaheed uga hor timid "iyadoo qofkii ugu horreeyay ah, dadkii la kulmay tacaddiyadii galmo".

"Waxaan arkay haweenkii taabacsanaa oo qolkiisa aadaya. Waxay maqnaan jireen saacado. Waxaan maqli jiray waxyaabaha sida: 'Oh tani way igu dhacday. Wuxuu isku dayay inuu ila seexdo.'Dad aad u badan ayaa isla sidaa oran jiray," ayay tiri.

BBC ayaa la hadashay in ka badan 25 qof ooh ore u taabacsanaa baadariga oo isku qiso ah – kasoo kala jeeda UK, Nigeria, US, Koofur Afrika, Ghana, Namibia iyo Jarmalka – kuwaasoo ka warramay dhacdooyin xooggan oo khibraddooda ah oo is waafaqaya amaba la kulmay tacaddiyo galmo.

"Ma aanan sii aqbali karin. Si toos ah ayaan ugu tegay xafiiskiisa isla maalintaas. Codkeyga ugu dheer baan ku qeyliyay: 'Maxaad sidaan u sameyneysaa? Maxaad u dhaawaceysaa dhammaan haweenkan?'

"Waan iska daayay wax walboo cabsi ah oo aan ninkaan ka qabay. Wuxuu isku dayay inuu i cabsi geliyo, balse indhaha ayaan ka eegayay," ayay tiri.

Emmanuel, oo qeyb ka ahaa kaniisadda muddo 21 sano ah in ka badan 10 sanona ku noolaa xerada isagoo xerta ka mid ahaa, ayaa maalintaas aad u xusuusta.

"Isagu [TB Joshua] wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee bilaaba inuu garaaco … kadibna dadka kale ayaa kusoo biiray," ayuu yiri.

"Wuxuu dhahayay: 'Ma qiyaasi kartaa waxay ay iga sheegeyso?' Xitaa intii ay sida xooggan u garaacayeen, weli isla sidii ayay dhaheysay."

Ajoke ayaa sheegtay in laga soo jiiday xafiiska lana geliyay qol ka fog xubnaha kale ee kaniisadda, halkaasoo lagu xabbisay laguna go’doomiyay wax ka badan sanad.

Waa nooc ka mid ah ciqaab ka dhex jirtay Scoan oo loo yaqaanno "adaba", waa wax Rae ay sidoo kale la kulmeysay muddo labo sano ah.

Intii xilligan lagu guda jiray Ajoke waxay sheegtay in si joogto ah loogu garaaci jiray sun iyo silsilad, aalaaba si maalinle ah.

"Waxaan la yaabaa sidii aan u noolaa xilliyadaas. Xitaa maalmaha qaar ma aanan istaagi karin kaddib garaacitaanka. Xitaa ma aanan qubeysan karin. Wuxuu aad isugu dayayay inuu dadka ka hor istaago inay i dhegeystaan."

Maalin markii Ajoke ay 19 jir ahayd, waxay sheegtay in loo gelbiyay albaabbada kore ee kaniisadda halkaasna lagaga tegay. Kooxda ammaanka kaniisadda, oo hubeysnaa, ayaa loo sheegay inaan mar dambe gudaha loo oggolaan doonin. Tani waxay ahayd lix sano kahor inta uusan aabbaheed geeriyoon.

"Waxaan is arkay aniga oo hoy la’aan ah. Ma aanan heysan cid aan la hadlo. Cidna ima aysan rumeysan karin. Waxna iima diyaarin noloshaas," ayay tiri.

Iyadoo ahayd haweeney da’yar ah oo aan wax lacag ah heysan, Ajoke waxay sameysay wixii ay awoodday ee ay ku badbaadi kartay sanado badan ayayna waddooyinka ku qaadatay.

Markii ugu horreysay waxay BBC lasoo xiriirtay sanadkii 2019 kadib markii ay daawatay barnaamijka BBC Africa Eye – waxaana markaa billowday baaritaan dheer oo BBC ay ku sameysay daah ka qaadidda tacaddiyada ka jiray Scoan.

BBC ayaa la xiriirtay Scoan oo ay wax ka weydiineysay tacaddiyada baaritaankan. Uma aysan jawaabin, balse way beeniyeen sheegashooyinka ka dhanka ah TB Joshua.

"In sheegashooyin aan jirin laga sheego TB Joshua ma aha wax cusub… Midna eedeymahaan wleigood lama caddeyn," ayay tiri.

Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iyadoo caawinaad laga helayo qof hore uga tirsanaa dadka taabacsanaa Joshua iyo qaar ka mid ah saaxiibbada u dhow, Ajoke ayay dhowaan u suurto gashay inay kasoo tagto waddooyinka. Balse waxay u horseedday inay la daalaa-dhacdo caafimaadka maskaxdeeda.

Weli kadib wax walba oo ay la kulantay, waxaa ka go’neyd inay runta ka sheegto aabbaheed.

"Mar walba oo la i garaaco, mar walba oo la i bahdilo, waxay keliya i xusuusineysa in wax ay ka khaldan yihiin hannaanka," ayay tiri.

Dad hore u taabacsanaa Joshua ayaa BBC u sheegay inay arkeen Ajoke oo ninkan ka hor imaaneysa inay ka mid ahayd sababaha ugu waaweyn ee ay uga shakiyeen iimaankii ay ku qabeen TB Joshua.

"Wuxuu dhammaanteen nagu hayay addoonsi, addoonsi buuxa," ayuu yiri Emmanuel.

"Ajoke waxay ahayd geesiyad ka hor timid. Waxaan u arkaa geesiyad."

Runtu, Ajoke waxay sheegtay, inay tahay waxa ugu muhiimsan iyada: "Waan lumiyaya wax walba, gurigeyga, qoyskeyga, balse aniga ahaan, waxay iigu dhan tahay runta.

"Inta aan neefsanayana, taasi waan difaaci doonaa, ilaa marka ugu dambeysa."

Riyooyinkeeda waa in maalin un ay dib ugu laabato iskuulka ayna dhammeysato waxbarashadeedii laga kala gooyay.

Baaritaankan Africa Eye waxaa sameeyay Charlie Northcott, Helen Spooner, Maggie Andresen, Yemisi Adegoke iyo Ines Ward.