Rag loo sheegay in lacag badan lagu siinayo si haween ay uur ugu yeelaan oo la khiyaamay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan waa ay yaqaannaan burcadda internetka, laakiin arrintan waa mid la yaab leh.
Horraantii bishii Diseembar, Mangesh Kumar (ma aha magiciisa saxda) isagoo isticmaalayaa bartiisa Facebook ayaa waxay indhihiisu ku dhaceen xayeesin ay ku qornayd "Dhammaan Adeegga Shaqada ee Uurka Hindiya". Wuxuu ahaa muuqaal wuxuuna go’aansaday inuu daawado.
Ka dib isagoo daneynaya shaqadan, ayaa wuxuu u maleeyay inay wanaagsan tahay. Naagtu waa inay uur yeelato, taas beddelkeedana waxaad heli doontaa lacag badan.
Hadda shaqadani waxay u muuqatay mid wanaagsan marka dusha sare laga eegayo laakiin waxay ahayd khiyaamo weyn. Mangesh oo 30 jir ah ayaa waxa uu bishii qaadan jiray 15,000 Rs, isagoo ka shaqayn jiray shirkad qaabilsan qurxinta aroosyada. Laakiin hadda waxa uu lumiyay 16,000 Rs maadaama uu ku dhacay khiyaanadan. Iyadoo lacagtaas ay ka khiyaameen ayaa hadan waxay ka sii dalbanayaan lacag kale oo dheeraad.
Waxaa la yaab leh in Mangesh kaliya aanu saameynin khiyaamadan. Magaalada Bihar ee Waqooyiga Hindiya, waxaa jira dhallinyaro badan oo arrintan ay saameysay.
Ku-xigeenka kormeeraha booliska Kalyan Anand, ahna madaxa unugga internetka ee degmada Nawada ee Bihar, ayaa BBC u sheegay, "tani waa khiyaamo aad u weyn oo dad badan ay ku lug leeyihiin. Nimankii wax-ma-garatada ahaa waxaa loo ballan qaaday mushaar aad u badan. Wuxuu doonayay inuu habeen hoteel la seexdo naag aan ilmo lahayn.”
Ilaa hadda, kooxdiisu waxay xir-xireen 8 qof, waxay qabteen sagaal taleefoonnada gacanta ah iyo mashiinka daabacaada, waxayna weli baadi-goob ugu jiraan 18 qof oo kale.
Laakiin helida rag dhibanayaal ah ayaa aad u adag.
Ku-xigeenka taliyaha booliska Kalyan Anand ayaa yiri, "Kooxdani waxay arrintan shaqaynaysay muddo sannad ah, waxaanu ku qiyaasnay inay boqolaal qof khiyaameeyeen, laakiin ceeb awgeed, ma jirto cid u soo baxday oo dacwad ka gudbisay."
BBC-da waxay la xiriirtay laba dhibbane. Mid ka mid ah ayaa sheegay in laga dhacay 799 Rs, balse ma uusan dooneyn in uu faahfaahin ka bixiyo.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mangesh ayaa dhawaan ku dhacay khiyaanadan. Wuxuu si faahfaahsan uga warbixiyey wixii ku dhacay.
Wuxuu yiri 10-daqiiqo kadib markii aan muuqaalka gujiyay ayuu taleefoonkaygu soo dhacay, qofka waxa uu ii sheegay in aan bixiyo Rs 799 si aan isku diiwaan geliyo shaqada.
Qofka soo wacay magaciisa wuxuu ku sheegay Sandeep. Sandeep wuxuu u sheegay Mangesh inuu u shaqeynayo shirkad Mumbai ku taal. Marka uu saxiixo, waxaa loo diri doonaa faah-faahinta haweeneyda uu rabo inuu uurka u yeelo.
Mangesh waxay ahayd inuu helo shan lakh rupees marka qabto shaqada oo ah xiriir galmo la sameeyo haweeneyda. Waxaana loo ballan qaaday 800,000 oo Rupee oo kale haddii ay naagtu uur yeelato.
Mangesh waxa uu leeyahay laba carruur ah oo yaryar. Waxa uu yiri, “Waxa aan ahay nin faqiir ah, waan ku kalsoonaa, waayo waxa aad ugu baahnaa lacag”.
Dhowrkii toddobaad ee xigay, Mangesh waxa la waydiistay 16,000 Rs taas oo 2,550 Rs oo ka mid ah la sheegay in loogu talagalay dukumentiyada maxkamadda.
Mangesh wuxuu tusay dhammaan rasiidyada iyo dukumeentiyada maxkamada ee been abuurka ah. Dukumentigan oo u ekaa mid rasmi ah ayaa waxa ku qoran magaciisa iyo sawirka nin ku labisan dareeska booliiska. Xagga sare, oo xarfo waaweyn ah, ayaa lagu qoray "Heshiiska Dhalashada Ilmaha" halka hoosena lagu qoray "Foomka Xaqiijinta Uurka".
Dadka khiyaanada sameeyay ayaa u soo diray sawiro todoba iyo sideed dumar ah waxayna ka codsadeen inuu doorto mid ka mid ah. Waxa kale oo uu u sheegay in uu ballansan doono qol hoteel oo ku yaalla magaalada uu deggan yahay Maangesh oo uu halkaas kula kulmi doono haweenayda.

Mangesh markii uu codsaday lacagta shaqada, waxa uu u soo diray boono dhan Rs 5,12,400 oo lagu shubay akoonkiisa bangiga. Balse waxaa lagu yiri bangiga ayaa xayiray lacagtaasi wuxuuna sheegay in lacagtaas la heli karo oo keliya marka ay bixiyaan canshuurta dakhliga oo dhan Rs 12,600.
Markaas, Mangesh waxa uu lumiyay mushaharkiisii dhan oo bishaas qaatay mana hayo lacag u uku bixiyo canshuurta la sheegay ee lagu bixinayo bangiga. Markaa buu waydiistay in loo soo celiyo lacagtiisii.
Laakiin Sandeep wuu diiday inuu bixiyo. Waxayna ugu hanjabeen in saraakiisha cashuuraha dakhligu soo u soo dhici doonaan gurigiisa oo ay ku xiri doonaan sababta oo ah Rs 5,00,000 oo lagu shubay akoonkiisa.
Mangesh waxa uu yiri “waxan ahay nin faqiir ah oo xoogsata ah, waxa iga lumay mushahar bil ah, mana rabin in aan fal dambiyeed galo, aad ayaan uga baqay waxayna taas sababtay in aan 10 cisho damiyey talefankaygii, mar qura ayaan damiyey. "
Sida laga soo xigtay DSP Anand, dadka ku lugta leh khiyaanadan waa kuwo wax bartay. Qaar baa xataa qalin jabiyay. Taleefannada gacanta, Laptop-yada iyo mashiinada daabacaada ayaa lagala wareegay. Dhinaca kale, dhibanayaasha ku lugta leh khiyaanadan ayaa ka kala yimid gobollo badan oo Hindiya ah. Intooda badan heerkooda waxbarasho way yar tahay.'
Mangesh wuxuu yiri, 'Wax fikrad ah kama helin in tani ay noqon karto khiyaamo weyn. Sababtoo ah mudane Sandeep waxa uu soo diray koobiyada kaararkiisa aqoonsiga. Waxaa la rumeysan yahay inuu yahay askari ka tirsan ciidamada Hindiya. Sawirka uu ku soo bandhigay WhatsApp-ka ayaa muujinayay haweeney ajnabi ah oo qurux badan oo gacmaha ku haysa ilmo dhawaan dhashay.'
Mangesh ayaa yiri, "bal ii sheeg, sidee ayaad u rumaysan kari waynaysaa sawirkaas?"
Khabiir dhanka sharciga internetka oo la yirahdo Pawan Duggal ayaa sharaxay in dadka Hindiya ay inta badan aaminsan yihiin oo ay dhif tahay inay si madaxbanaan u xaqiijiyaan macluumaadka internetka. Kiisaska noocan oo kale ah waxay ku dhacaan kalsoonida xad dhaafka ah awgeed.













