Jabhadda OLF ee dagaalka kula jirta Raysal wasaare Abiy oo ka hadashay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Xigashada Sawirka, FACEBOOK/QE'EE OROMOO
Jabhadda Hubeysan ee Xoreynta Oromada ee magaceeda loo soo gaabiyo OLF oo markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay wada gaareen madaxwaynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa walaac ka muujisay arrintaas, waxaana ay sheegeen in raysal wasaare Abiy "uu doonayo inuu indhaha caalamka kaga weeciyo isku dhacyada iyo culeysyada gudaha ka haysta."
Jabhadda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la xushmeeyo midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dadka qaxootiga ah ee ka soo kala jeeda labada dhinac ammaankooda la ilaaliyo oo aan wax dhib ah loo gaysan.
Bayaanka ay soo saareen jabhadda Oromada ee OLF ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixinayay "halista iyo xasilooni darrada ka dhalan karta heshiiskan is afgaradka ah ee ay wada gaareen Somaliland iyo dowladda Itoobiya."
Waxaa sidoo kale ay jabhadda hoosta ka xarriiqday inkastoo heshiiskani uu yahay mid faa'iido yeelan kara, in haddana loo baahan yahay in la xushmeeyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, REUTERS
Bayaanka OLF ayaa lagu xusay in heshiiska noocan oo kale ah loo baahan yahay in oggolaanshiyo laga helo dowladda Fedraalka ee Soomaaliya oo matasha shacabka Soomaaliya.
Saraakiisha OLF ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in heshiiskani u raii'sul wasaare Abiy Axmed uga gol-leeyahay ujeeddooyin siyaasadeed oo ah in uu doonayo inuu indhaha caalamka uga jeediyo dhibaatada iyo xasilooni darrada ka jirta gudaha Itoobiya.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay jabhadda hubeysan ee OLF ayaa waxay ku sheegeen in Abiy uusan matalin danaha shacabka Oromada sida ay hadalka u dhigeen.
Bayaanka jabhadda OLF ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed uu doonayo in xasilooni darro uu ka abuuro gobolka Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale ay jabhadda OLF sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay wadahadal iyo xiriir la yeeshaan dowladda Soomaaliya, si looga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka.
Jabhadda ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay ka shaqeynta nabadda iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Jabhadda OLF ayaa sannadihii ugu dambeeya ka dagaallamaysay gobolka Oromiya iyaga oo sheegay in ay u dagaallamayaan xuquuqda dadka Oromada ah.
Xoogagga OLF ayaa weerarro sanadkii aan soo dhaafnay ka fuliyay gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Oromiya.
Wadahadal ay dawladda Fedraalka Itoobiya la yeesheen kaasi oo ka dhacay dalka Tansaaniya ayaa guuldarreystay bishii November ee sanadkii la soo dhaafay, iyada oo midba midka kale uu ku eedeeyay mas'uuliyadda guuldaradaasi.

Xigashada Sawirka, SOICIAL MEDIA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadalka jabhadda ayaa imaanaya toddobaad uun kadib markii Somaliland oo gooni isu taag ku dhawaaqday in ka badan 30 sano ka hor ay ogolaatay in Itoobiya bad kiro ah laga siiyo badda cas, hase yeeshee heshiiskaas ayaa waxaa si adag uga soo horjeestay Soomaaliya oo Somaliland u aqoonsan inay tahay gobol ka tirsan.
Heshiiska ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland toddobaadkii hore ayaa la sheegay in Itoobiya ay ogolaatay inay hesho 20 kiilomitir oo xeeb ah oo ku taal Badda Cas si ay uga dhisato deked iyo saldhig ciidan.
Sida lagu heshiiyey, beddelkeedana waxa la sheegay in Somaliland ay saami ku yeelan doonto diyaaradda Itoobiya iyo sidoo kale in loo aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya.
Inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana ma jiro waddan aan Itoobiya ahayn oo weli sheegay inuu aqoonsanayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo dhinaca telefoonka ah kula yeeshay madax kala duwan, ka dib markii ay Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland kaas oo la sheegay inuu awood u siinayo inay hesho marin badeed.
Warbixintan waa la cusbooneysiiyay, iyada laga reebay xog horey ugu jirtay, oo aan la hubin.













