Maxaad ka taqaan sida Soomaalidu u isticmaasho sumadda xoolaha

Sumado

Xigashada Sawirka, Mohamed E Tohow

Soomaalidu waxay qarniyaal isticmaalaysay, welina isticmaashaa sumadda xoolaha maadaama ay yihiin badankood dad xoolo dhaqato ah. Sumaddaas ma aha mid u gaar ah Geela oo kaliya, laakin waxaa sidoo kale la suntaa Lo’da, ariga, idaha iyo meelaha qaar, dameeraha.

Mid ka mid ah dadka dhaqan yaqaannada ah ee cilmi baarista ku sameeyey arrintan wuxuu BBC u shegay in laba nooc lo sunto xoolaha.

“mid waxaa la yiraahdaa Sumad bireed waxaana neefka laga looga dhigaa dhegaha ayadoo la adeegsanayo bir, waxaana summadahaas dhegaha lagu dhigo ka mid ah Fur, Falleer, iyo Sarin” ayuu yiri Maxamed Cilmi Tooxow oo ka tirsan akaadeemiyada cilmiga fanka iyo suugaanta oo si gaar ah baaritaan ugu sameeyey summadaha.

Waxaase aad u badan oo inta badan la isticmaalaa summadda dabka.

Sumad

Xigashada Sawirka, Mohamed E Tohow

Halkee sumadda xoolaha ka soo jeeddaa

Tooxow wuxu aaminsan ayahay in sumaduhu ay ka soo jeedaan far boqollaal sano ka hor ay Soomaalidu lahaan jirtay, taasoo hadda baaba’day balse sumaduhu ay yihiin raadkii ka haray fartaas qadiimiga ah.

“Ilaa 100 sumadood ayaan isu keenay, waxaana barbar dhigay faro dhowr kun oo sano ka hor jiray sida fartii cismaaniyiinta iyo tii faraacinada, waxaana ii soo baxday in sumadaha ay farahaas qayb ka ahaayeen.

“Dhulka Soomaalida waxaa ku yaalla ilaa 10 goobood oo calaamadaha muujinaya in far hore ay jirtay laga helay, waxaana ka mid ah God xardhane oo ka yaalla Sool, qubbiyaalo oo ku taalla Nugaal, Hilaayo, Karin Heegaale, Dhalanle, Heerka qorane, iyio Maduunaha o dhamaantood ku yaalla Sanaag kuwaasoo laga helay sawirro iyo qoraallo.

Buq Aqable iyo Dooyaale oo ka tirsan sanaag ayaa laga helay dhagxaan la qoray iyo sawirro, Qollad iyo Daammo oo Bari laga helay” ayuu BBC u sheegay Maxamed Cilmi Tooxow isagoo intaa ku daray in goobahaas dhamaantood lagu arkay far u eg sumadaha ay Soomaalidu xoolaha saartaan, ayadoo loo badinayo in fartaas ay jirtay intii uusan Islaamku Soomaaliya soo gaarin.

Sumad

Xigashada Sawirka, Mohamed E Tohow

Noocyada sumadaha ay Soomaalidu isticmaasho

Maxamed Cilmi Tooxow wuxuu sheegay in summadaha hadda jira ay ka mid yihiin isku tallaabta iyo laanqayrta oo laga isticmaalo DDS. Isla sumaddaas waxaa kalo laga istcimaalaa gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo jirta summad la yiraahdo Kiwaawe, waxayna u egtahay sida Kiwaawaha beeraha loo isticmaalo. Sidoo kale Nuun, Maqas, Alifyo, Isqoor, Deel, Deel alif leh.

Sumadaha kale ee uu Tooxoow sheegay in Soomaalidu isticmaasho waxaa ka mid ah Hangool, Miim, jeedal, baakoor iyo Idamo.

Maxamed Cilmi Tooxow - Cilmibaare

Xigashada Sawirka, Mohamed E Tohow

Qoraalka sawirka, Maxamed Cilmi Tooxow - Cilmibaare

Maxay muhiim u tahay sumadda

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maadaama ay sumaduhu, sida uu sheegayo Maxamed Cilmi Tooxow ay ka hareen far hore u jirtay ayaa “wixii ka haray ay qabaa’ilku qolaba wax ka qaateen si ay uga dhigtaan summad lagu garto xoolahooda”.

“Inta badan dadka isku deegaanka ah way isku garan jireen oo marka neef summad kale leh uu soo galo berrin aan laga lahayn waa loo qaban jiray, hadduu qof sheegtana su’aalo ayaa laga weydiin jiray sida uu neefku ku soo galay. Waxaa loo kala yaqaannay summadaha sidii hadba deegaan ahaan la isugu dhow yahay”.

Wuxuu intaa ku daray in weli dadka reer miyiga ah ay xoolaha summad ku dhigtaan. Mararka qaar waxaa dhacda in neef lama sumadood la saaro. “Xaaladaas waxay timaadaa marka neefku uu qofka sumadda labaad saartay ka soo galo deegaan kale, si uu u caddeeyo inuu isagu leeyahay oo ay deegaan kale ka soo gashay” ayuu sii raaciyey Tooxow. “Haddii sumad lagu arko xoolo la kala dhacay waa la isku qabsan karaa inta badan” ayuu yiri.

Marka laga yimaado xoolaha waxaa kaloo sumadda lagu dhigaa, sida uu Tooxow Sheegay, Geedaha waaweyn boqollaalka sano jira kuwaasoo tilmaamaya xudduudda qabaa’ilka. Wuxuu kaloo sheegay in lagu dhigo raararka ceelasha.