Sida qisadan haasaawaha ee 50 sano ka hor dhacday ay wali u tahay mid Soomaalida caan ka dhex ah.

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Abwaanad Cambaro Nuux Maxamed oo loo yaqaan ‘Laanta Bari’ ayaa BBC-da u sheegtay in allaha u naxariistee Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo loo garan ogaa ‘Hurre Walanwal’ uu ahaa nin qiimo badan, geesi ah, dun macaan, oo Soomaalidu u dhex ahayd, dhanka suugaantana ka ahaa mid hibo gaar ah lahaa.
Cambaro iyo Hurre waxay ahaayeen labaduba kuwa ku suntanaa taariikh xagga suugaanta, gaar ahaan dhaqanka miyiga iyo heesaha gole ka fuulka ah ee laga tiriyo isla goobta la joogo.
Waxa kale oo ay caan ku ahaayeen ciyaar dhaqameedka miyiga xiliyada barwaaqada jirto iyo cawaysyada aroosyada ka dhici jiray dhulka miyiga ah.
Hurre Walanwal todobaadkii hore ayuu ku geeriyooday laguna aasay magaada Burco.
Cambaro Nuux waxay hadda ku nooshahay deegaanka Widhwidh ee degmada Buuhoodle iyadoo da’adeedu ku dhow dahay boqol sano, balse wali waxay si fiican u xasuusata waayihii suugaaneed ee iyada Hurre Walanwal.
Sida ay ku bilaabatay silsiladda heesaha ay isku tiriyeen ayey BBC-da u sheegtay inay iyadu xiligaa 16 sano jir ahayd halka Hurre-Walanwal uu ka waynaa in door ah, sidoo kalana ay habro wadaag ahaayeen.
Xilliga sheekadu bilaabatay waxay Cambaro Nuux ku tilmaantay inay ahayd dayr barwaaqo ah oo sida roobku u biyo dhigay darteed xareedu meel walba waran tahay, laguna magacaabi jiray (dayrtii biyo badan), taasoo ku beegnayd horaantii sanadkii 1960 meeyadii.
Habeen ay aroos galayeen wiil ay ilmo adeer yihiin Canbaro iyo gabadh ay is xigeen Hurre Walanwal ayey billowdeen heestii silsilada noqotay ee dhex maray labadooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hurre ma aqoon Cambaro wuxuuse meesha ka mariyey suugaan uu kula dardaarmayey gabadha ay qaraabada yihiin ee aqal galaysa oo uu tusaalooyin badan siiyey.
Markii uu dhameeyey ayey Cambaro Nuux oo ku sugnayd goob ciyaareedka arooska, caana ka ahayd deegaanka oo ahaa howdka miyiga Buuhoodle arooskuna ka dhacay soo gashay oo su,aashan waydiisay Hurre walanwal.
Cambaro Nuux
Goortu waa habeenimo waana heel ciyaareed
Halqina waa isu soo galay oo hore laysu garan maayee
Inankaga heesaayoow horta aan is baranee haybtaada noo sheeg”
Jawaabtii Hurre Walan wal.
Hayb doon hadda tahay, hoygiina ina geeyoo
Hararkiina ii gogoloo, hooyadana iga qariyoo
Haasaawe ii qabo’oo, igu haybso dababeed
Labadaas meeris waxay fure u ahaayeen silsadii suugaaneed ee Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame iyo Abwaanad Cambaro Nuux Maxamed oo dhowr iyo kontan sano laga joogo markii laysu mariyey.
Waxaa intaa dheeraa jacayl duurxul ku bilowday iyo kaftan suugaaneed balse meel gaari waayey markii uu Hurre Walanwal ku heesay inuu Cambaro Nuux ka bixinayo Ari waayo deegaanka uu ku noolaa ayaa dhaqashada xooluhu u badnaayeen ari.
Waxaa kale oo suugaantooda isugu faanayeen degsiimada markaa ay kala deganaayeen oo ahayd cal iyo buur iyo guban iyo Deegaan ciid-san ah.
Waxay Cambaro intaa ku dartay in ciyaarahu ahaayeen kuwo dhaqan iyo asluub ku fadhiyey oo la isku dhaafsan jiray goobaha lagu kulmo, kaftankuna furnaa oo an la kala xanaaqi jirin.
Heeso shukaansigii Cambaro iyo Hurre Walanwal

Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Sida ka muuqato suugaanta dhexmartay Hurre iyo Cambaro waxaa ku jirto qayb haasaawe is dhaafsi ah iyo kaftan suugaaneed laysku duur xulayo.
Cambaro waxay BBC-da u sheegtay in ay ka carootay markii Hurre Walanwal ugu heesay inuu riyo ka bixiyo iyadoo ugu jawaabtay in iyada iyo gabdhaha la gayaanka ah aysan goyn ari oo geel kaliya lagu gudoomi karo.
Hurre Walanwal.
Haddan reerkayaga galo, oo gunta xerada ku hubsado
Lixdan ay ku gabax tidhi, oo ina gaadis wada dhalay
Riyahayaga ka soo guro, oo gurigiina soo tubo.
Adiga iyo gal xidheennadu
miyeydaan gaadda- ka ciyaar iyo
gucle iigu imanayn.
Jawaabtii Canbaro Nuux.
Inan yahow gun baa tahay, gole lagama oran karo.
Hadal gobi ku haasow doo la gartaana namada oran
Laakiin guurti baa tidhi, dantu waa gar iyo xarrig iyo silsilad aan la goyn Karin.
Buuraha gosheediyo guban baa ku hanaqaadday, riyaha u gumuraa gurigaa u hoyataan.
Nin ragoo la gowray baan gashigiisu kuu imane, geelu xoolo kuma jiro.
Waxay intaa ku dartay in Hurre ku sigtay in looba dilo inuu iyada ari ku doonayo oo rag iyada walaalaheeda ay damceen sidaas balse aysan suura galin.
Waxay inta badan suugaanteeda ku amaanaysaa qiimaha geela uu leeyahay oo ay u aragto mid gaar ah halka Hurre Walanwal uu ku amaanayo ariga oo dhanka degsiimadiisa lagu dhaqan jiray.
Allaha u raxmadee Cismaan Ibraahim Warsame ‘Hurre Walanwal’ wuxuu ka mid ahaa kuwa fogaan cabirka suugaanta ku suntanaa, waliba ku caanka ahaa inuu golaha markaa uu joogo ka tiriya isagoo soo xafidin ama soo qoran si lamida sida ay tahay Cambaro Nuux Maxamed.
Cambaro oo ka hadlaysay sida barigii ay ku noolayd miyiga isugu darsatay qurux eebbe ku abuuray oo ay kula baxday naanaysta ‘Laanta Bari’ iyo aftahanimo, ayadoo uusan jirin sanad sannad dhamaada oo gurigooda laga waayo rag guur doon oo ayada doonaya balse ay diidi jirtay.
Waxay BBC-da ay u sheegtay in markii danbe laga bixiyey soddon halaad oo geel ah markii ninkii calaf ugu dhacay helay.
Cambaro waxay BBC u sheegtay in si kastoo ayada iyo Hurre ay u dhex mareen hadallo sugaaneed oo ay isdhaafsadeen, misna ay is cafiyeen.













