Dhaqankan guurka ee ay Soomaalida iska shabbahaan dalkan ku yaal bartamaha Aasiya

Guurka la bixitaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqammo badan oo ku saabsan guurka iyo dhisidda qoys cusub. Waxaana ka mid ah hababka ay da’ yarta is calmada u maraan sidii ay u dhisan lahaayeen qoys cusub.

Mid ka mid ah waddooyinkan waxaa ka mid ah in la doono gabadha, iyada oo wiilka iyo gabadha midna uusan goobjoog ahayn badanaa, halkaas oo dhaqanka labada dhinac ay kala doontaan gabadha.

Mid kale oo dhacda waa in gabadha ‘lala baxo’ uuna la baxo wiilkii doonayey ama dad isaga wakiil u ah.

Ka hor inta aynaan u galin bulshooyinka kale ee ay Soomaalida iska shabbahaan dhaqanka guurka iyo waxa ay ku kala duwan yihiin; waa maxay la bixitaan ama la roorid? Cidba sida ay u taqaan.

Waa maxay la bixitaanku ?

Cabdinuur Rashiid Xasan oo ka soo jeeda mid ka mid ah deeganada looga dhaqmo la bixitaanka ayaa BBC u sharxay waxa uu yahay la bixitaanku.

"Wiilka iyo gabadhu marka ay is fahmaan ayey go’aansadaan in ay israacaan iyada oo uusan ogeyn waalidku siiba kan gabadha, kadibna waxaa la geynayaa reerka wiilka halkaas oo lagusoo dhawaynayo" ayuu yiri.

"Gabadha marka la gaarsiiyo reerkii loo waday waa loo imaanayaa, dhalin yartaa u imaanaysa, waxaa imaanaysa farxad iyo dhaqankii caadiga ahaa. Waa la isu imaanayaa” ayuu yiri Cabdinuur oo sawir ka bixinay marka gabadha la gaarsiiyo reerkii loo waday.

Intaas ka dib, odayaal ka socda reerka gabadha uu wiilkoodu lasoo baxay ayaa la dirayaa loona dirayaa reerkii gabadha lagalasoo baxay si ay u sameeyaan doonistii rasmiga ahayd.

Inta laga aqal geynayo waxay la joogaysaa gabdhaha reerka la soo baxay, halkaas oo ay ku sugnaanayso ilaa laga arooso ama ay qoyskeedu dib u soo ceshanayaan, taas oo iyaduna ah wax dhici kara.

Kadib waxaa baxaya odayaal wiilka dhankiisa ka socda, ama aabihii haku jiro ama adeerkiis, reerkii gabadha ayey aadayaan, "gabadhii hanala siiyo" ayey dhahayaan halkaas ayaana lagu kala qaadanayaa wixii xeer soomaaliga ahaa, gaba’ii ama ducadii sidaas ayaana lagu kala qaadanayaa wax walba,” ayuu yiri cabdinuur.

Aroos ayaa loo dhigayaa intaas kadib, sidaas ayeyna qoys ku noqonayaan.

Waa maxay faa’iidada la bxitaanku haddiiba koley la doonayo gabadhii?

Aroosad Soomaali oo cillaaman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aroosad Soomaali oo cillaaman
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Su’aashan waxaan mar kale waydiinay Cabdinuur oo ku jawaabay, “ wuxuu fududeynayaa… haddii loo fadhiisto oo ay noqoto in gabadhii la doono, koley waqti dheer ayey qaadanayasaa,” ayuu yiri Cabdinuu oo kusii daray “waxaaba laga yaabaa in wiilka aabihiis dhaho hadda ma aha waqti munaasib ah ee markuu roobku da’o ayaad guursanaysaa”.

Dhanka kale dhaqan ahaan haddii ay labada dhalinyarada ahi is jeclaadaan isna raacaan, waxay u badan tahay in labada dhinacba ay markaas fududeeyaan guurka.

“Dhaqan ahaan haddii wiilka iyo gabadhu isla baxaan waa in la isu guuriyo,” Cabdinuur ayaa sidaas yiri.

Sida aan Cabdinuur kasoo xigannay, way dhacdaa mararka qaar in labada dhinac (reerka gabadha iyo kan wiilka) uu midkood go’aansado inuu hor istaago guurkaas, waxyaabo la xiriira xeerarka dhaqan ee ka dhexeeya labada cid ama sabab kaleba.

Marka uu wiilku la soo baxayo gabadha waxaa mararka qaar kala shaqeeya oo la ogeysiiyaa wiil ka mid ah gabadha ilma adeerradeed, kaas oo hadiyad loo reebo. Marka gabadha ay waayaan qoyskeedu amaba uu hubsado inay fogaadeen ayuu wiilkii ka qayb qaatay la bixitaanku ogaysiinayaa gabadha qoyskeeda si loo ogaado inaysan wax kale ku dhicin gabadhii.

Masaafada muxuu kaga duwan yahay la bixitaanku?

Masaafadu ama meher xadku wuu ka duwan yahay la bixitaanka. Ka sokow inay is raacaan wiilka iyo gabadhu, wuxuu meherku dhacaa iyada oo aysan ogeyn reerka gabadha, si guudna waaba la qariyaa billow ilaa dhamaad.

Arrintan ayey su’aal geliyaan culumada qaar inay banaan tahay diin ahaan.

Gabar aroos loo afduubayo

Xigashada Sawirka, globalgiving.org

Qoraalka sawirka, Dhaqankani wuxuu ka Soomaalida uga duwan yahay in gabadha xoog lagu afduubo, wallow aan xoog lagu aroosin

Soomaalida oo kaliya miyaa taqaan la bixitaanka?

Inkasta oo ay dhowr waxyaabood ku kala duwan yihiin, haddana waxaa jira bulshooyin muslimiin ah oo gabadha gurigooda laga saaro fasaxa iyo ogaanshaha waalidka la’aantiis.

Dalka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha qaaradda Aasiya oo 83% ay dadkiisu yihiin Muslimiin sunni ah ayaa gabdhaha lala baxaa.

Dhaqanka bulshadani wuxuu kaga duwan yahay kan la bixitaanka, in mararka qaar ay dhacdo in gabadha la wato iyada oo aan raalli ka ahayn, waana taas sababta loogu tilmaamo 'guurka afduubka'.

Inkasta oo dhaqanakani yahay mid sharci darro ka ah dalkaas, haddana waa wax la oggol yahay bulsho ahaan, waxaana la qiyaasaa in wax ka badan 11 kun oo guurka afduubka ahi dhaco sannad walba.

Caadi ahaan, ninka u dhashay dalkan, isaga iyo dhowr saaxiibadiis ah ayaa kiraysta baabuur, waxay dulmeeraan dhaqdhaqaaqyada aroosada, ka dibna gabadha ayaa waddada amaba meel kale laga soo afduubtaa, oo ay geeyaan guriga qoyska wiilka. Kadibna odayaal ayaa sida Soomaalida loo diraa qoyskeeda.

Gabadha la afduubay ayaa la hayaa ilaa qof qoyskeeda ka tirsan uu yimaado si loo ogaado inay aqbalayaan "guurka" iyo inay ogolaato inay guursato afduubaha.

Inkasta oo badanaa ay gabdhuhu aqbalaan guurka noocan ah haddana waxaa dhacda in qaarkood ay diidaan amaba qoyskeedu uu diido taas oo qasab ka dhigta in ugu dambeyn gabadha lagu celiyo gurigooda.

Halka ay wiilka iyo gabadhu sheekaystaan Soomaalida, bulshadan, wiilka ayaa ka hela gabadh uusan la sheekaysan ka dibna sidaas ayaa lagula baxaa.

Dalka Indonesia oo ay ku nool yihiin muslimiiinta ugu badan ee hal dal ku nool caalamka ayaa inkasta oo aan laga soo warin la bixitaanka, waxaa isagana looga dhaqmaa ismasaafaysiga oo ay Soomaaliduna ku dhaqanto.

Si kastaba, dhaqammada guurka ee bulshooyinka caalamka ayaad ku arkaysaa qaar badan oo lala yaabo. Waxaan dhawaan baahinnay dal raggisa la afduubo xoogna loogu guuriyo gabar aysan iyagu calmanin.