Suuqa gabdhaha la bisan loo iib geeyo ee ay doobabka u guur doontaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaalo yar oo ku taalla bartamaha dalka Bulgeeriya ayaa sanad kasta waxa buux dhaafiya gabdho yar yar oo is iibgaynaya ama waalidiin damacsan in ay rag ka iibiyaan hablaooga.
Suuqaan oo gabdhaha yaryar iyo kuwa qaangaarka ah loo iib geeyo ayaa waxaa loo raadiya niman ay guursadaan oo ay mustaqbalka la wadaagaan.
Meeshan asal ahaan waxaa loo yaqaan suuqa aroosadda ee Gypsy. Haddii qof uu booqdo magaalada Stara Zagora ee Bulgaria wuxuu kula kulmi karaa jidadkeeda magaalada oo mashquul badan dadkuna farxad ka muuqaato.
Magaaladdan ayaa waxa la iskaga imaada daafaha caalamk iyago dadka magaaladan soo booqanaya ay kamid yihiin rag guur doon ah oo raadinaya hablo ay da'doodu yartahay.
Waa marka kaliya ee dhammaan dadka reer Kalaidzhis ay si wadajir ah isugu soo baxaan oo ay ugu dabaaldegaan maalintan oo dhan qoob ka ciyaar, muusig, iyo cunto.
Gabdhaha da'da yar ee aad loo soo qurxiyay ayaa ku sugan suuqan aroosadda. Hooyayaashood ayaa sidoo kale la socda iyaga oo niyadda ku haya inay gabadhooda hesho nin ay guursato.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hooyooyinku aad bay ugu hanweyn yihiin gabdhahooda markay koraan inay u hoggaansami karaan dhaqanka bulshadooda.
Dhaqankan ayaa ah dhaqan aad u facweyn oo ay leeyihiin bulshada Kalaidzhis oo ay muddo badan ku soo dhaqmayeen iyagoo aad u aaminsan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gabdhaha waxaa lagu soo xardhaa dhar qurux badan iyo dahab. Dadka reer Kalaidzhis waxay la macaamilaan oo ay wada xaajoodyo adag oo ku saabsan qiimaha arooska la galaan ragga ugu dambeyntii ku xalliyaan guurkooda.
Suuqan ayaa waxa la sheegay in uu sanadkiiba furan yahay afar jeer kaasi oo ay dhamaan imaanayan Raga Doobabka ah ee doonaya in ay guursadan Hablaha.
Gabdhaha looga baahanyahay suuqan ee la iibgayn karo ayaa ah kuwa da'doodu ay udhaxayso 15 ilaa 19sanno jir aan horrey nin usoo marin,waxaana hablahaasi la mariya baaritaan lagu ogaanayo gabarnimadooda.
Suuqan ayaa waxa la sheegay in uu si caadi ah ushaqeeyo muddo sanado ah,waxaana ugu nasiib badan hablaha la iibsanayo kuwa jira da'da 15sano.
Fursada hablaha kawayn da'da 19sano ayaa waxa aad u yar fursada lagu iibsanayo,waxaana hooseya qiimaha lacagta lagu iibsanayo.
Hablaha la iibsanayo ayaa waxa la ogaaday in ay inta badan ka soo jeedan qoysaska danta yar ee ku nool dalkaasi.

Xigashada Sawirka, .
Tani waa maalinta kaliya ee gabdhaha loo ogol yahay inay la kulmaan ragga haddii kale, looma ogola shukaansiga.
Sidoo kale nimanku waa inay beeshooda ka tirsan yihiin. Guurka ka baxsan bulshooyinka ama qowmiyadaha kale waa mamnuuc. Gabdhaha yar yar ayaa ragga looga iibiyaa lacag dhan 7500 ilaa 11300 oo doolar kadib markii ay gorgortan galaan.
Haweenkan ayaa ku mashquula cunto karinta iyo nadiifinta guryahooda marka la guursado. Waxaa loo yaqaanaa adeegayaal aan mushaar siin raggooda.
Cilmi-baare ka tirsan Akademiyada Sayniska Bulgaariya, oo la yirahdo Velcro Krustev ayaa laga soo xigtay "Ninku wuxuu iibsanayaa gabadha bikradnimadeeda, ee ma iibsanayo xaaska". Sidan waxaa lagu daabacay New York Times waxaana aaminsanahay in si sax ah loo sheegay.”
Dhaqankan ayaa ah dhaqan aad u xun oo ka dhexeeya bulshada Kalaidzhis in ay u guuriyaan gabdhahooda da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 20 sano.
Gabdho yar ayaa xitaa laga saaraa iskuulada fasalka 8aad, iyagoo ka cabsi qaba in qof kale oo aan qaabaa’ilka ka tirsanayn uu xado oo qoyskoodu hadhow u suurogelin inay ku iibiyaan qiimo fiican. Tani waa sababta, habluhu waxay ku xiran yihiin guryahooda.
Tani waxay keenaysaa in boqolkiiba tiro aad u badan ay waxbasraho la’aan noqdaan. Kaliya 10 % dumarka reer Bulgaria iyo 16% raggooda ayaa haysta waxbarashada dugsiga sare sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka.













