Muxuu yahay gudniinka gabdhaha maxayse tahay sababta loo sameeyo?

A cupped pair of hands holding a razorblade

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, This woman known as a 'cutter' in Mombasa, Kenya shows the razorblade she uses on multiple girls' genitals

Digniin: Qaar ka mid ah akhristeyaasha waxay qormadan ku arki karaan waxyaabo ay dhibsadaan.

Qiyaastii 200 oo malyan oo isugu jira gabdho iyo haween ku nool caalamka ayaa maray nooc ka mid ah gudniinka, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Inkastoo si buuxda gudniinka looga dhaqmo 30 waddan oo ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa sidoo kale laga sameeyaa dalal kale oo ka tirsan qaaradaha Aasiya iyo Laatin Ameerika. Sidoo kale wuxuu ka dhex jiraa dadka soo galootiga ah ee ku nool Galbeedka Yurub, Waqooyiga Ameerika, Australia iyo New Zealand, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxay hay'addan caalamiga ah dalbaneysaa in la joojiyo gudniinka, waxayna u asteysay maalinta dhammaadka dulqaadka gudniinka gabdhaha, oo ku beegan 6-da bisha Februay.

Gudniinka gabdhaha wuxuu sababi karaa dhibaatooyin dhinaca jirka iyo maskaxdaba ah, kuwaasoo saameyn ku yeelan kara aayaha dambe ee haweeneyda, sida ay sheegeyso Bishara Sheikh Hamo, oo ka tirsan bulshada qowmiyadda Booranta ee ku nool magaalada Isiolo ee dalka Kenya.

"Waxaa la i guday anigoo 11 jir ah", ayey tiri Bishara. "Ayeeyadey ayaa ii sheegtay in gudniinka uu yahay wax khasab ku ah gabar kasta, uuna yahay wax sharafteenna dhowraya".

Laakiin waxa aan Bishara loo sheegin waa in gudniinka ay ka dhaxli karto dhibaatooyin isugu dhira caado wareer iyo xanuunno badan oo aan ka hareynin inta ay nooshahay.

Markii la gaaray xilligii ay foolaneysay waxaa kaliya oo looga dhaliyay qalliin.

Hadda waa qof u ol'oleeya sidii loo ciribtiri lahaa gudniinka gabdhaha.

Muxuu yahay gudniinka gabdhaha?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay dunida ku nool yihiin qiyaastii 200 oo milyan oo gabdho iyo haween la guday ah

Gudniinka gabdhaha, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo FGM, waa ficil si ula kac ah loogu jaro qeybaha hore ee xubinta taranka haweenka.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay waxay ku qeexday fal lagu dhaawacayo xubnaha taranka haweenka.

Omnia Ibrahim, oo ah filim sameeye u dhalatay dalka Masar waxay gudniinka ku qeexday ficil waxyeelleynaya xiriirka dumarka iyo sida ay shakhsiyaddooda u dareemaan.

"Waxaa tahay sidii baraf. Waxba ma dareemeysid, waxba ma jeclaaneysid, waxba kuma hammineysid", ayey tiri.

Omnia waxay sheegtay inay dhibaato badan ka martay saameyntii kasoo gaartay gudniinka lagu sameeyay.

.
Qoraalka sawirka, Bishara waxay ku biirtay ol'olaha la dagaallanka gudniinka, ka dib markii ay dhibaato badan ka martay gudniinkii lagu sameeyay

Bishara waxay BBC-da u sheegtay in Kenya gudaheeda mar qura lagu guday iyada iyo afar gabdhood oo kale. "Indhaha ayaa la iga xiray, ka dib haweeneydii howsha fulineysay waxay gacmaha iiga xirtay gadaal. ka dibna gudniinka ayaa la igu fuliyay", ayey tiri.

Waxay sheegtay inay xanuun badan dareentay, xanuun baabi'iyaha kaliya ee ay heli kartayna uu ahaa dawo dhaqameed.

Gudniinka ayaa badanaa loo kala qeybiyaa afar nooc oo sii kala xoog badan.

Qeybta koowaad ayaase lagu qeexay tan lagu baabu'iyo dhammaan xubnaha dareenka dumarka.

Maxay tahay sababta loo sameeyo Gudniinka gabdhaha?

Kenyan Maasai women raise their hands as they gather during a meeting dedicated to the practice of female genital mutilation on June 12, 2014, in Enkorika, Kajiado, 75km from Nairobi.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Some Kenyan Maasai women voiced opposition to a FGM ban because of fears that uncut girls would not be able to get married or become promiscuous

Ujeeddooyinka mar walba la sheego ee sababta u ah gudniinka gabdhaha waxaa ka mid ah dhaqanka aqbalaadda ee bulshada, diinta, fikrad khaldan oo laga qabo nadaafadda, ilaalinta bikrada gabdhaha iyo qancinta ragga guursanaya haweenka la gudo.

Dhaqamada qaar gudniinka gabdhaha waxaa loo arkaa calaamad muujineysa qaangaarnimo iyo in gabadhu ay diyaar u tahay guur.

Inkastoo aysan jirin faa'iido caafimaad oo uu leeyahay gudniinka, haddana bulshooyinka ku dhaqma waxay ku adkeystaan inaysan joojinin.

Haweenka aan gudniinka marin ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan nadiif ahayn, caafimaad qabin, qiimana lahayn.

Badanaa gabdhaha waxaa la gudaa iyagoo aan raalli ka ahayn, khubarada caafimaadkana waxay falkaas u arkaan tacaddi ka dhan ah xuquuqda dumarka.

Marka gudniinka lagu sameeyo carruurta, waxaa loo yaqaannaa tacaddi ka dhan ah xuquuqda carruurta.