Save the Children oo sheegtay in todobaadyo gudahood ay 3 gabdhood u dhinteen jarjarid

Hay'adda Save the Children ayaa ka dardaar werinaysa gabdhaha weli loo gudo qaabka fircooniga ah oo ay sheegtay in qaarkood ay u dhinteen dhibaatadaas.
Qoraalka ayey hay'addu ku sheegtay in dabayaaqada todobaadkii hore laba gabdhood oo walaalo ah, oo 10 jir iyo 11 jir kala ahaa ay dhinteen ka dib markii lagu jarjaray tuulo ku taala xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinaca Puntland. Intii isbitaalka loo sii waday ayey dhinteen.
Laba bilood ka horna waxay hay'addu sheegtay in gabar 10 jir ah ay dhibaatadaas oo kale u dhimatay.
"Gabdho kale oo todoba ka badan, da'dooduna u dhaxayso 5-8 ayey soo badbaadisay Save the Children, ka dib markii jaray, waxaana iminka lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan oo ku yaalla Goldogob iyo Beledweyne" ayey ku tiri qoraalkeeda hay'adda Save the children.

Xigashada Sawirka, Alamy
C/qafaar Cilmi Xaange waa madaxa hay'adda Save the Children ee Puntland, wuxuu qabaa in "walow sannadihii u dambeeyey uu fahamka dadka isbeddelay, misna 90% gabdhaha ku nool geyiga Soomaaliyeed waxay halis ugu jiraan in la jaro, waana xaalad ay walaac weyn ka muujinayso hay'addu" ayuu ku yiri BBC.
Timothy Bishop oo ah agaasimaha Save the Children u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegaya in "arrintan lagu joojin karo haddii qoysaska iyo bulshada ay yiraahdaan 'bes intaas nagu filan - ma sii wadi karno jirdilka iyo khatarta la galinayo nafta carruurteenna'".
Arrintaas ka sokow wuxuu Bishop sheegay in loo baahan yahay shuruuc adag oo gabdhaha ilaalisa, qolyaha dhibaatada gaystana ciqaabta.

Xigashada Sawirka, EPA
Sida ciqaabahaas loo dhaqan galin karo ayuu C/qafaar Cilmi Xaange ku tilmaamay in maxkamadihii iyo hay'adihii sharciga oo dhamaystiran loo baahan yahay in la helo. "Seddex gabdhood oo usbuuc gudihiis dhintay baan kuu sheegay, Qofkii dhibaatadaas kallifay oo gabdhahaas jarjaray naf buu gooyay, waa wixii ay diinta islaamku ka qabto in la waafajiyo" ayuu yiri.
Maamullada dalka ka jira iyo dawladda dhexe midkoodna weli kama uusan hadlin dhibaatadan baaxaddan leh ee ay ka hadlayso hay'adda Save the Children.










