UK: Dood ka dhalatay mamnuucidda qalliinka lagu soo celiyo bikrada haweenka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qorshaha meesha looga saarayo qalliinka lagu soo celiyo bikrada haweenka ee England iyo Wales ayaa baarlamaanka la horkeenay.
Xildhibaanka muxaafidka ah ee Waqooyi Galbeed Durham, Richard Holden ayaa miiska soo saaray qodob ku saabsan Sharciga Caafimaadka iyo Daryeelka, kaas oo doonaya in la mamnuuco labada habraac.
Marka uu hindisahaan meelmaro, dhakhaatiirta ama umulisooyinka fuliya qalliinada noocaan ah waxay mutaysan karaan xabsi.
Qaarkood waxay ka baqayaan in haddii dambi laga dhigto qalliinada lagu soo celiyo bikrada ay xabsi galaan, si kastaba ha ahaatee khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in qalliinka bikrada dib loogu soo celinayo uu yahay xadgudub aan cilmi ku dhisneyn.
Laakiin dhinaca kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii nidaamkaas la mamnuuco ay sii kordhi karto khatarta ay haweenku qoysaskooda ka wajahaan.
Hawenka qalliinnada noocan ah lagu sameeyo ayaa la sheegay in kuwo badan oo ka mid ah ay yihiin Muslimiin, oo kasoo jeeda qoysas ku adag dhaqanka, waxayna halis ugu jiraan in la deyriyo, ama xitaa mararka qaar laga yaabo in la dilo, haddii ragga guursaday ama xubno ka tirsan qoysaskooda ay ogaadaan inay galmo soo sameeyeen guurka ka hor.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bulshooyin badan ayaa aaminsan in haweenka marka ay aqal galayaan ay ahaadaan kuwo aan horay gogol kale usoo marin, taasina ay tahay sida kaliya ee ay sharaftooda ku caddeyn karaan.
Habeenka Aqalgalka
Isbitaallada ku yaalla UK ee qalliinnada ku sameeya xubnaha taranka ee haweenka ayaa halkii qofka ka qaada lacag dhan £3,000, waxayna howsha dhakhtarka socotaa muddo hal saac ah.
Ururrada u dooda xuquuqda dumarka ayaa sheegay in isbitaallada noocaas ah ay kharash badan ka faa'iidaan haweenka muslimiinta ah ee ka cabsi qaba "inay ceeboobaan habeenka aqalkgalka".
BBC-da ayaa la xiriirtay mid ka mid ah isbitaalladaas, laakiin wax jawaab ah lagama helin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase ahaatee, Dr Naomi Crouch, oo guddoomiye ka ah ururka dhakhaatiirta haweenka ee Britain, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay gabdhaha iyo haweenka lagu khasbayo hannaan aysan wax faa'iido caafimaad ah ku jirin.
"Waajibaadka dhakhaatiirta waa lagu caddeeyay xeerka u yaalla ururka ay leeyihiin midowga dhakhaatiirka haweenka", ayey tiri.
Colin Melville, oo ah agaasimaha arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada ee ururka dhakhaatiirta haweenka, ayaa sheegay in dhakhtar walba uu ku khasban yahay inuu eego waxa ay haweeneydu raalli ka tahay oo ay iyada dalbatay.
Su'aasha ku saabsan saxnimada arrintan
"Haddii qofka bukaanka ah waxa uu sameynayo ay ku kallifayaan cadaadisyo dad kale uga imaanaya, markaas laguma tilmaami karo wax uu raalli ka yahay qofku. Haddii uu dhakhtar xaqiijiyo in cunug ama qof dhalinyaro ah uusan shakhsi ahaan raalli uga ahayn waxa lagu sameynayo, markaas waa inaan la fulinin qalliinka", ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qolyaha ol'olaha sameeya ayaa sheegay inaan wax badan laga ogeyn saameynta xilliga fog ah ee ay qalliinnadan ku yeelan karaan haweenka la mariyo.
Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen in dumarka qalliinnadaas dalbada aysan helin la talin ku filan, ka hor inta aan la guda galin howsha.
Miss Taheri waxay tiri: "Haweenkan waxay gaareen heer ay isu arkaan alaab ay dad kale leeyihiin, halkii ay iska soo qaadi lahaayeen inay bani'aadan yihiin".
"Dumarka Muslimiinta ah, waxa cadaadinaya waa dareen ceeb ka carar ah iyo inay ka baqayaan ciqaab".
"Kuwa kalena, waxaa ku kallifaya kalsooni darro ay ku qabaan jirkooda".










