Dhaqtarad saddex bil ka hor qalin jabisay oo 34 maalin qaliimo xiriir ah ku jirtay

Gabadhii ay umulisada u ahayd ee lagu samiyay Sarah

Xigashada Sawirka, SARA ALSAQQA

Sarah Al-Sakka waxay gashay taariikhda; Waxay noqotay dhakhtarkii ugu horreeyay ee dumar ah oo ka hawlgala marinka Gaza ka dib markii ay qalin jabisay bishii Agoosto ee la soo dhaafay.

Sarah oo 31-jir ah ayaa tiri, "Waxaan lahaa hammi iyo yoolal badan oo aan ku hagaajinayo daryeelka caafimaadka," waxayna sidoo kale rajaynaysay inay awood u yeelato inay maalin uun furto xarun caafimaad oo ay iyada gaar u leedahay.

Laakiin sideed toddobaad ka dib qalin-jabinteeda, waxa kaliya ee ay ka walaacsanayd ayaa noqday qoyskeeda inay badbaadaan - dagaalku wuxuu bedelay hamigii ku jiray qof walba.

Markii ay qalin jabisay, Sarah waxay shaqadeeda ka bilowday isbitaalka Al-Shifa Medical Complex, oo ah cisbitaalka ugu weyn Gaza, kuna yaala waqooyiga.

Subaxnimadii 7-dii Oktoobar, Sarah waxay qoyskeeda la qaadanaysay maalinteedii fasaxa, ka hor intaanay walaasheed ka yar oo 17 jir ah ka bixin guriga, waxay maqleen dhawaqa madaafiicda waxayna walaasheed ka celiyeen inay aado dugsiga.

Markii ay furtay taleefankeeda si ay u ogaato waxa dhacaya, Sarah waxay aragtay war ku saabsan weerarka Xamaas ee Israa'iil.

Xamaas ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku dishay 1,200 oo qof, ayna qafaasheen ilaa 240 qof.

Tan iyo markii ay ku soo laabatay shaqada, tirada badan ee dadka dhaawaca ah ayaa culeys saaray kooxda caafimaadka,

Xigashada Sawirka, SARA ALSAQQA

Tan iyo markaas, duqeymo cirka ah oo aargoosi ah iyo weerar dhulka ah oo ay Israa’iil qaadday ayaa burburiyay Gaza, waxaana ku dhintay in ka badan 15,500 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sarah waxa ay heshay codsi deg deg ah oo ah in ay ku soo noqoto shaqada, markii ay timidna, waxa ay aragtay waxa ay ku tilmaantay “xasuuq. Waxaa jiray dad dhaawac ah oo ku qulqulaya isbitaalka.

Tan iyo markii ay ku soo laabatay shaqada, tirada badan ee dadka dhaawaca ah ayaa culeys saaray kooxda caafimaadka, Sarah waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay " xubnahooda aad u jajab-naayeen ama ay soo gaareen noocyo kala duwan oo gubasho daran ah."

Markii Israa’iil ay billowday duqeymaha cirka, waxa ay dadka reer Qaza ka codsatay in ay ka guuraan woqooyiga oo ay u guuraan koonfurta, iyada oo sheegtay in ay ammaan ahaan halkaas ku badbaadi karaan, balse Sarah waxa ay go’aansatay in ay sii joogto si ay u caawiso dadka.

Waxay tiri: "Waxaan u shaqeynay si aan kala joogsi lahayn in ka badan 34 maalmood oo isku xigta, nasasho la'aan, iyo in aan dib u soo laaban

Waxay qeexaysaa sida xaaladuhu si dhakhso ah u xumaadeen: "Duqeeyn kasta ka dib, boqolaal dhaawac ah ayaa la keenaya hal mar, mana aysan suurtogal ahayn in la wada daweeyo."

Dad badan ayaa u qaxay cisbitaalka iyo agagaarkiisa, iyagoo u maleeyay in ay halkaas badqab ku heli karaan.

Xigashada Sawirka, SARA ALSAQQA

Dad badan ayaa u qaxay cisbitaalka iyo agagaarkiisa, iyagoo u maleeyay in ay halkaas badqab ku heli karaan. Goobta waxaa soo buux dhaafiyay dad cusub; Qaarkood waxa ay degeen dariiqyada, qaar waxa ay seexanayeen sagxada iyo armaajooyinka dhexdooda, qaarna waxa ay isku dayeen in ay carruurta ku maaweeliyaan alaabta oo ay ku ciyaaraan.

Isbitaalku waxa ku adkaaday helitaanka sahayda aasaasiga ah sida dawooyinka iyo galoofyada nadiifka ah, Sarahna waxa ay ahayd in ay go'aansato cidda ay mudnaanta siinayso daawaynteeda, iyada oo ku salaynaysa fursadaha uu ku badbaadyo.

Waxay sheegtay in dareenkeeda caawimo la'aantu uu ahaa mid aad u xun, "Waa ay i niyad jabisay sababtoo ah waxaa jiray nafo aan waxba galabsan oo aanan badbaadin karin, inkastoo aan ku dadaalay aniga oo aan wax qalab ah haysan."

Sarah waxay la kulantay rajo iftiimaysa habeen ka mid ah habeenada.

Xigashada Sawirka, SARA ALSAQQA

Sarah waxay la kulantay rajo iftiimaysa habeen ka mid ah habeenada.

Habeenkaas, markii ay madaafiicda dhacayeen, lana maqlayay dhawaqa qaraxyada, Sarah waxay ku guulaysatay inay umuliso haweeney markii ugu horreysay nolosheeda, ka dib markii iyada iyo hooyadeed ay ku xayirmeen qolka qalliinka, iyadoo bambooyin ay ku soo dhacayeen bannaanka.

Marka hore, Sarah waxay si quus ah isku dayday inay hesho dhakhtar umuliso ah, laakiin waxba uma suurogelin: "Qofna ma iman." Ilaa 6-dii subaxnimo, laakiin ma aysan sugi karin in ka badan intaas.

Sarah waxay tiri: "Waan tukaday waxaana Alle ka baryay inuu i caawiyo oo hooyada iyo dhallaankuba badbaadiyo."

Hooyadii waxa ay dhashay gabar, ay xuddunta qoorta ugu duuban tahay. Sarah waxay wax ka qabatay arrinta waxayna xaqiijisay caafimaadka iyo badbaadada ilmahaas.

Gabadhii yareyd ayaa waxaa loo bixiyay Sarah, iyada oo hooyada uga mahadcelisay waxa uu dedaalka ay sameeyay.

Mid ka mid ah waxyaabihii ugu adkaa ee Sarah soo martay ayaa ahaa inay la xiriiri weysay qoyskeeda ka dib markii ay go’aday isgaarsiinta iyo adeegga internetka.

Waxay tiri, "Hooyadeed, afar walaaleheed ah, iyo ayeeydeed waxay ku sii jeedeen magaalada Rafah ee koonfurta markii khadadka isgaarsiintu ay go'een. Ma garanayn inay nool yihiin iyo inay dhinteen." Sarah waxay ka baqeysay in qoyskeeda la duqeeyo. "Waxba ma aanan samayn karin, waxna ma qaban karin."

Ugu dambayntii waxay maqashay in qoyskeedu nabad qabo, laakiin markii uu khilaafku sii xoogaystay, Saarah dhibatooyinkii way ku sii bateen, oo ay waxaa dhacday cunto iyo biyo la'aan.

Markii ay nalalku dameen, waxay ku qasbanaatay inay toosh oo ay ku samaysay qalliin iyadoo madaafiicda ay ku dhacayaan hareeraha isbitaalka.

"Muddadaas waxa ay ahayd marxaladdii noloshayda ugu xumayd, waxaan ku tilmaami karaa cadaabta ifka," ayay tiri.

Markii duqeyntu ku soo dhawaatay, qorshaha ciidamada Israa’iilna ay ku doonayeen inay gudaha u galaan isbitaalka ay caddaatay, Sarah waxay ka baqday in joogitaankeeda ay halis gelin doonto nolosheeda, sidaa darteed waxay go’aansatay inay ka tagto oo aado Rafah si ay ula midowdo qoyskeeda oo hadda gabaad ka dhiganaya guriga adeerkeed.