"Aaway Carabtii iyo Muslimiintii oo dhan? Waxaad nagu eeganeysaan silic": Hooyo Falastiiniyad ah oo iyada oo ilmaynaysa baaq dirtay

Haweeney saf ugu jirta gaaska cunto karinta ee Deir al-Balah oo ka carootay in la dayacay

Xigashada Sawirka, Hani Kali/BBC

Qoraalka sawirka, Haweeneydan oo saf ugu jirta inay hesho gaaska wax lagu karsado ayaa ku eedeysay caalamka inay dayaceen Falastiiniyiinta

"Aaway Carabtii iyo Muslimiintii oo dhan? Aaway dhammaan dadkii xuquuqul insaanka u hiilinayey?. Waxaad ku eeganeysaan shacabka Falastiin silica, gaajo iyo burburaan."

Haweeney da' dhexaad ah oo ku nool Qasa oo qeylineysa ayaa baaq u dirtay dunida iyada oo saf ugu jirta gaaska wax lagu karsado. Waxay si cadho leh kor ugu qaylinaysaa, iyada oo rajo-beel iyo niyad-jab wejigeeda ka muuqdo.

"Waxaan sugeynay safka si aan u buuxino hal dhululubo oo gaas ah tan iyo subaxdii hore. Waxaan tukaday salaaddii subax anigoo taagan."

Boqolaal qof ayaa safaf ugu jira gaaska cunto karinta ee bartamaha Qasa ee Deir al-Balah Talaadadii, 28ka Nofembar.

Xigashada Sawirka, Hani Kali/BBC

Qoraalka sawirka, Boqolaal qof ayaa saf ugu jira gaaska cunto karinta magaalada Deir al-Balah ee bartamaha Qasa

Waxay ii sheegtay inay ka soo barakacday Beit Hanoun oo ku taal woqooyiga Qasa, oo 2km uun u jirta soohdinta Israel.

“Ma sifayn karo burburka dhacay. Qoysas dhan ayaa laga tirtiray diiwaanka madaniga ah, oo la ciribtiray. Waxaa lagu dhex dilay guryahooda”. “Qasa gabi ahaanba waa la burburiyay ee noo naxariiso”.

Waxay hadda kula nooshahay qoyskeeda dugsi Qaramada Miodobay leedahay oo ku yaal magaalada Deir al-Balax ee bartamaha Qasa.

Nin dhalinyaro ah oo ku fadhiya gaaska wax lagu karsado ee Deir al-Balah

Xigashada Sawirka, Hani Kali/BBC

Qoraalka sawirka, Dadku waxay la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen aasaaskii ay ku noolaan lahaayeen

Kadib markii Xamaas ee gudaha Israa’iil 7-dii Oktoobar, oo ay ku dishay 1,200 oo qof ayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof, Israa’iil waxay bilowday duqeymo xagga cirka ah ka dibna waxay qaadday duullaan dhulka ah.

Ugu yaraan 14,800 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeynta iyo duulaanka Israel ilaa hadda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marinka Qasa waxaa ku nool 2.4m oo qof waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in 1.8m ay barakiceen kadib markii Israa’iil ay ku amartay in ay u guuraan koonfurta.

Boqolaal dad ah ayaa safka ugu jira gaasta cuntada lagu karsado. Niman dhallinyaro ah waxay ku fadhiyaan dhululubada gaaska oo ay safka ku sugayaan.Dadku waxaa ka muuqda daal iyo diif.

Tan iyo xabbad joojintii 24kii Nofembar, ilaa 200 oo baabuur gargaar ah ayaa gelayay marinka Qasa maalin kasta, qiyaastii kala bar wixii galay dagaalka ka hor.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay awoodeen inay qayb gargaar ah geeyaan waqooyiga halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Israa'iil, balse meel walba ay ka jirto gabaabsi weyn.

Nin kale oo safka ku jira ayaa aqbalay inuu ila hadlo. “Koob shaah ah iyo hal baakad oo buskud ah ma heli kartid, shalay dadku waxa ay wadaagayeen rooti iyaga oo waddada hurda.

“Roobkii aanu shalay u soo joognay iyo dhaxantii aanu soo marnay, halkan ayay dadku ku hoydeen, Illaahay ha nagu anfaco”.

Safka loogu jiro gaaska cunto karinta ee Deir al-Balah ee bartamaha Qasa

Xigashada Sawirka, Hani Kali/BBC

Qoraalka sawirka, Dadka waxaa hareeyay carro iyo baqdin iyadoo lagu qasbay inay safaf ku jiraan ilaa saddex maalmood si ay u helaan gaas

Israa'iil waxay joojisay dhammaan shidaalkii ay keeni jirtay bilawgii iskahorimaadka, ka dibna waxay ogolaatay xaddi xaddidan, oo hadda wadarta 140,000 oo litir labadii maalmoodba mar, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Israel ayaa sheegtay in shidaal dheeri ah ay isticmaali karaan Xamaas, ee dagaalka kula jira, kaas oo Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka ay ku shegeeen in uu yahay mid argagixiso.

Maxamed al-Qidrah wuxuu ku sugayaa sabar isagoo ku jira safka gaaska cunto karinta. “Saddex maalmood ayaanu joognay halkan, laba habeen ka hor ayaanu halkan nimid, 03:00 illaa hadda, ma aannu buuxin.

"Shidaal, daqiiq iyo wax kale ma heli karno, waxaad u baahan tahay inaad u istaagto wax walba oo aad u halgamayso sidii aad u heli lahayd." Maraykanka ayaa u diraya dalka Masar saddex diyaaradood oo gargaar ah, kuwaas oo sida agab caafimaad, cunto gargaar ah iyo agabka xilliga qaboobaha, kuwaas oo ay Qaramada Midoobay ka qaybin doonto Qasa.

Nin Falastiini ah iyo carruurtiisa ayaa beer ku dhex xulaya saytuun cusub oo hadda soo go'ay intii lagu jiray xabbad joojintii Khan Younis ee koonfurta Marinka Qasa 28kii Nofembar 2023

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta ayaa isku dayaya in ay badbaadiyaan waxa ka haray dalagga saytuunka inta lagu guda jiro xabbad joojinta koonfurta Qasa

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in dad ka badan kuwa ku dhintay qumeymaha inay u dhintaan cudurrada haddii aan dib loo soo celin kaabayaasha caafimaadka.

Dhanka kale, dallad gargaar oo ay Qaramada Midoobay hormuud ka tahay ayaa sheegtay in 60% dhismayaasha Qasa ay waxyeelo xoogan soo gaartay amnaba ay gebi ahaan ba burbureen.

Inta xabbad-joojintu socoto, waxaa jira calaamado nolosha ah oo ku soo laabanaya Qasa halkaas oo inta ka hartay dalagyada saliidda saytuunka ee sanadkan laga soo goosanayo.

"Waa inaan ka faa'iidaysannaa fursadan, ma jirto waqti," Fathy Abu Salax oo beeraley ah ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Waxa uu ku nool yahay Khan Younis ee dhanka koonfurta.

"Dagaalkan ayaa ina baabi'iyay, wax soo saar ma jiraan. Inta badan dalaggii waa la khasaaray," ayuu raaciyay.

 Falastiiniyiintu waxay sugaan in saytuunkooda lagu cadaadiyo warshad saliideed inta lagu guda jiro xabbad joojintii Khan Younis ee koonfurta Marinka Qasa 28 Noofambar 2023

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shidaalku waa gabaabsi yahay laakiin Falastiiniyiintu waxay weli iskudayayaan inay sii wataan dalagyada saytuunka, si gaar ah warshada miira saliida

Koronto la'aantu waxay sababtay ku tiirsanaanta shidaalka si ay ugu shaqeeyaan mishiinnada saliida saytuunka.

"Helitaanka shidaalku waa dhibaato qof walba soo food saartay," ayuu yiri beeraleyda Saytuunka iyo Maxamed Wafy.

"Isla markii aan xaqiijinay helitaanka shidaalka, waxaan awoodnay inaan furno xarumaha saliida saytuunka, xitaa haddii ay ku shaqeyneyso tamarta ugu yar," ayuu yiri.