Maxay yihiin baarashuudyada ka yaabiyay caalamka ee ay Xamaas ku weerareen Israa'iil?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, ALQASSAM.PS

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa soo bandhigay hub cusub oo dagaalyahannadooda ay u adeegsadeen markii ugu horreysay weerarka ay subixii 7-da October ku qaadeen Israa’iil, waxaana hubkaas ugu mudan barashuudyo.

Dagaalyahannada Izz al-Din al-Qassam Brigades, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa, ayaa weerar ku qaaday xarumaha milatariga Israa’iil iyo magaalooyin ku hareereysan Marinka Gaza, kaasoo ahaa weerar kedis ah oo ay ku magacaabeen “Daadadka Al-Aqsa.”

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Richard Hecht ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannada Falastiiniyiinta ay barashuudyo uga soo daateen badda iyo dhulka.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday ayaa muujinaya Al-Qassam Brigades oo barashuudyo u adeegsanaya weerarkooda, waana markii ugu horreysay ee ay adeegsadaan.

Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayay u suurto gashay inay hawada uga gudbaan derbiga Gaza iyagoo adeegsanaya barashuudyo ay ku rakiban yihiin kuraas qaadda hal qof ama labo, iyagoo sidoo kale caga dhigtay deegaanno ku hareereysan Gaza.

Barashuudyada militariga ayaa loo adeegsadaa in adeegyada hawada loogu qabto ciidamada, iyadoo ujeeddadu ay tahay in gudaha loogu sii galo leymanka cadowga ee ka dambeeya furinta dagaalka.

Kooxda barashuudyada ayaa loo adeegsaday dagaal markii ugu horreysay, waxaana adeegsaday Jarmalka iyo dalalkii isbahaysiga la lahaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Weerarka Xamaas ayaa dadka soo xusuusiyay weerarkii ay fuliyeen labo Falastiini ah, nin Suuriyaan aha aiyo Tuniisiyaan waxaana qabanqaabiyay hoggaankii Kooxda Xoreynta Falastiin, bishii November 1987.

Israa'iil

Xigashada Sawirka, ALQASSAM.PS

Qoraalka sawirka, Waa muuqaal ay daabaceen warbaahinta garabka milatari ee Al-Qassam Brigades
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarkii ugu dambeeyay, dagaalyahannada Xamaas ayaa adeegsaday barashuudyo ay ku qalabeysan yihiin matoor awood badan lehna hab loo xakameeyo, taasoo u suurto gelisay in laga soo kiciyo dhulka, iyadoo aan loo baahan in hawada ay ku dejiso diyaarad.

Matoorka ayaa gacan ka geysanaya inuu barashuudka siiyo awood uu ku jaro ilaa 56 kilometers saacaddiiba.

Barashuudyadan ayaa duuli kara muddo saddex saacadood ah, qiyaas ahaan 5,000 oo mitir meel ka sarreysa dhulka.

Waxay qaadi karaan culeyska 230 kilogram.

Dalladahan ayaa qaadi kara hal qof amaba qalab saddex qof qaadi kara oo lagu sii dhex rido.

Muuqaallo ay soo bandhigeen garabka Izz al-Din al-Qassam Brigades, ayaa muujinaya baarashuudyadan oo laga soo kicinayo dhulka, mid walbana waxaa hoggaaminayay hal ama labo dagaalyahan.

Muuqaallo kale ayaa laga arki karau dagaalyahanno rasaas kaoso furaya hawada, kahor inta aysan saldhigan oo qabsan saldhigyada Israa’iil. Baarashuudyada qaarkood ayaa siday dagaalyahanno watay mootooyin.

Xamaas ayaa kooxdan jiirtay derbiga ugu magac dartay "Saqr Squadron.

Maxaysan ciidamada Israa’iil uga hadlin barashuudyada?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada Xamaas oo ku wajahan aagagga Marinka Gaza kaddib markii ay galeen

Muuqaallo ay sii daayeen warbaahinta Xamaas ayaa muujinaya dagaalyahanno hubeysan oo baarashuudyo wata oo kasoo duulaya Gaza.

Qaarkood ayaa u muuqday inay jawi hoose ku duulayaan, qaar kalena jawi sare, si cad ayaana looga arki karay hawada sare ee hareeraha Marinka Gaza.

Weerarka kooxdan ayaa dhaliyay su’aalo ah sababta aysan ciidamada Israa’iil uga war helin.

Dhanka Israa’iil weli lama sheegin sababta ciidankeeda hawada aysan ula socon dagaalyahannada ka gudbayay marinkooda hawada, gaar ahaanna baarashuudyada sida cad looga arki karo sawirrada iyo muuqaalladii dadkii arkayay ay teleofonnadooda ku duubeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hannaanka difaaca cirka ee Israa’iil, sida hubka Iron Dome iyo raadaarrada, aanan loo naqshadeyn inay la socdaan walxahan duula oo kale.

Xamaas ayaa weerarkeedii yaabka lahaa ku billowday ganidda 5,000 oo gantaal, sida maalintii ugu horreysay laga soo xigtay madaxa Al-Qassam Brigades, Muhammad Al-Deif.

Gantaallada waxaa ku xigay duullaan ay dagaalyahannada Xamaas kasoo qaadeen dhulka iyo cirka iyagoo adeegsanaya doomo halka cirkana ay u adeegsanayeen baarashuudyo.