‘Cabsi ugama qabno cudurka kudka xoolaha Soomaalida’: Dhakhaatiirta xoolaha Soomaaliya oo beeniyay cabsi laga qabo cudurkaas

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiil ka tirsan wasaaradaha caafimaadka Soomaaliya iyo Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha ayaa beeniyay inay jirto cabsi laga qabo in xoolaha Soomaalida uu kusoo laabto xanuunka kudka.
Waxay ka falcelinayeen warbixin ay daabacday BBC Somali oo uu dhakhtar kale uga digay cabsi laga qabo in uu xanuunkaas ku faafo xoolaha Soomaalida.
Hadalka dhakhtarkan ayaa dabo-socday baaqa hay’adda caafimaadka adduunka oo sheegtay in uu Kudku ka dilaacay shan dal oo ku yaal Barriga Afrika oo ay ku jiraan Kenya iyo Uganda.
Cabdiqaadir Cabdi Maxamed oo ah agaasimaha Ururka dhakhaatiirta Xoolaha ee gobolada dhexe, iyo dhakhtar Saleebaan Saalax oo ah agaasimaha wasaarada caafimaadka ee Galmudug ayaa beeniyay jiritaanka cabsi laga qabo xanuunkaas ee sida ba’an u waxyeeleeya xoolaha.
Saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee federaalka iyo Hirshabelle ayaa sidoo kale u sheegay BBC in aysan jirin wax astaamo ah oo la xiriira cudurka Kudka, ama cabsi laga qabo xanuunkaas oo halkaas ka jirta.
Dhakhtar Cabdiqaadir ayaa BBC u sheegay in uu jiro xanuun kale oo xoolaha ku dhaco oo ay dadku mararka qaar ku qaldaan kudka. Waxa uu intaas ku daray in aan la arkin wax astaan ah oo muujinaya xanuunka kudka, marka laga soo tago in xanuunkan ku dhacaya geelaha uu sababayo dhimasho deg deg ah.
“Ma jirto wax cabsi ah ama qalaac ah oo aan ka qabno xanuunkaas, xitaa haddii uu ka jiro dalal kale. Ma ahan in la abuuro dareenka noocaas ah,” ayuu yiri dhakhtar Cabdiqaadir.
Dhakhtar Saleemaan Saalax oo lasoo xiriiray BBC ayaa sidoo kale sheegay in kudka lagu qaldo xanuun kale oo ay Soomaalidu u taqaan Guux, isaga oo ka digay in wararka la xiriira cabsi laga qabo xanuunka kudka iyo xoolaha Soomaalida uu sababi karo saameyn weyn oo dhaqaale oo ku timaada xoolaha Soomaalida, si gaar ah kuwa dibeda loo dhoofiyo.
Waxa uu ugu baaqay warbaahinta iyo dadka caadiga ah ba inay ka taxadaraan la xiriirinta xoolaha Soomaalida cudurka Kudka.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in shan waddan oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Afrika uu ka dillaacay cudurka bakteeriyada ay keento ee kudka ay Soomaalidu u taqaanno.
Waxay sheegtay in in ka badan 1,100 kiis oo looga shakisan yahay cudurkan laga xaqiijiyey waddamadaan.
Sidoo kale 20 kiis oo dhimasho ah oo cudurkaan lala xiriirinayo ayaa laga diiwaan geliyey dalalka Kenya, Malawi, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.
Dalka Zambia ayaa ah waddanka ugu badan ee cudurku uu ka dillaacay, iyada oo sagaal ka mid ah 10-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalkaasi laga diwaan galiyay cudurka.
Laga soo bilaabo 20kii Nofembar, Zambia waxay soo sheegtay in 684 kiis oo laga shakisan yahay, cudurka dalka laga diwaan galiyay, sida laga soo xigtay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka.
Sidee cudurkan loo kala qaaadi karaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Taabashada tooska ah ee bukaanka cudurka qaba oo la taabto, ayaa ka mid ah sida loo kala qaado.
- Hawo qaadashada oo ay kuu soo raacdo bakteeriyada ka dibna aad ka liqdo sanka ama afka hawo wasakhaysan.
- Quudashada hilibka bukaan cudurkani hayo
- Taabashada carrada wasakhaysan ee hore bakhti ama hadhaa xoolo uu cudurkani dilay loogu aasay ama loo dhigay.
Dadka ugu badan ee cudurkani qaadi karaa waa dhakhaatiirta ama kaaliyayaasha caafimaadka xoolaha iyo shaqaalaha hiliblayda ah.
Cudurkan ayaa ah mid nla daweyn karo, balse mararka qaar waxaa dhacda ayada oo aan la ogaan uu dilo xoolaha.
Waa maxay saddexda calaamadood ee kudka?
Kudka wuxuu dadka ama xoolaha ugu dhacaa saddex qaab, sida ay sheegtay WHO:
- Kudka maqaarka: caabuqa ayaa gala halka dhaawaca ka ah xoolaha - waa nooca ugu badan uguna halista yar. Wuxuu ku billowdaa nabro jirka kaoso baxa, xanuun la'aan ah oo bar madow yeesha. Dadka qaar ayaa kadib waxay la kulmaan madax xanuun, murqo xanuun, qandho iyo mantag
- Kudka caloosha: Noocan ayaa sababa calaamado hore oo la mid ah sumowga cuntada, balse wuxuu keeni karaa xanuun ba'an oo caloosha ah, mantag dhiig ah amaba shuban daran
- Kudka limooniyada: Kani waa nooca ugu khatarsan wuxuuna marka hore u ekyahay sida hargabka, balse wuxuu keeni karaa dhibaatooyin ba'an oo neefsashada ah
Sidee kudka loogu beddeli karaa hub?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa suurtogal in kudka loo beddelo hub iyadoo bakteeriyada kudka si fudud looga heli karo dhulka, lagu sameyn karo sheybaar, uuna muddo dheer kusii jiri karo deegaanka.
Waxayna u baahan tahay qalab casri ah, iyo bakteeriyo asal ahaan ka timid kudka oo howsha lagu sii bilaabo.
Waxaa la sii deyn karaa iyadoo cidna aysan ka war helin. Bakteeriyada il ma qabatada ah ayaa lagu dari karaa budo, waxyaabaha la buufiyo, cunnada iyo biyaha, waana adag tahay in la arko, la uriyo ama la dhadhamiyo.
Waxaa xusid mudan weerarkii 2001, markaas oo kudka lagu weeraray siyaasiyiin Mareykan ah iyo xafiisyo warbaahin maalmo yar kadib weerarradii 11 September.
Tilmaam gaar ah: Warbixintan waa la cusbooneysiiyay iyada oo lagu kordhiyay xog cusub, lagana saxay xog iyo faahfaahin dheeraad ah oo horey ugu jirtay markii uu cinwaankeedu ahaa: Muxuu yahay xanuunka halista ah ee xoolaha Soomaalida looga baqayo inuu kusoo laabto?













