Dowladda Turkiga oo cadaadis lagu saarayo soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa cadaadis isa soo taraya oo ku aaddan soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya, oo la sheegay inuu ka tegay Turkiga kaddib markii uu ku lug yeeshay shil dhimasho sababay oo ka dhacay Istanbul.

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir bajaajle ahaa, ayaa dhaawaca kasoo gaaray shilka ugu geeriyooday isbitaalka 6-dii Bishan Disembar, lix maalmood kadib markii uu ku dhacay gaari uu Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ku waday waddada mashquulka badan ee Istanbul.

Dowladda Turkiga ayaa amartay in lasoo xiro wiilka madaxweynaha waxayna ka hor istaagtay inuu dibadda u safro kadib geeridii bajaajlaha, balse wararka ayaa sheegaya in wiilka madaxweynaha uusanba Turkiga joogin oo uu ka tegay xilligii ay soo baxeysay warqadda lagu soo xirayo.

Axaddii, dhowr qof, oo ay ku jiraan bajaajleyda, ayaa dibadbaxyo ka dhigay Istanbul iyagoo dalbanayay in Maxamed uu wajaho maxkamadeyn ku aaddan geerida Gocer, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Labo bilood kaddib markii uu madaxweyne noqday, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Turkiga u tegay wada-hadallo bishii July 2022

Ekrem Imamoglu, duqa magaalada iyo siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartooda Twitter-ka kusoo wadaagay muuqaalka ay duubtay kaamirada ammaanka ee shilka ku saabsan.

Mar uu ka hadlayay cadaadiskan, ayaa Wasiirka Caddaaladda Yilmaz Tunc wuxuu sheegay isagoo aan faahfaahin ka bixin “in hannaan caalami ah” la bilaabay oo quseeya shilka.

“Iyadoo aan loo eegeyn mansabkooda, qof walba wuu u siman yahay sharciga hannaanka dhan ee soo qabashada eedeysanaha — oo uu ku jiro hannaan caalami ah — ayaa loo fulinayaa si taxadar leh,” ayuu Tunc Axaddii kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Tunc ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan sidoo kale lagu sameynayo saraakiisha booliiska ee sameeyay baaritaankii hore ee shilka lana sheegay inay u oggolaadeen in Maxamed la fasaxo.

Ma jirin xog ku aaddan halka uu Maxamed ku sugnaa, iyadoo saraakiisha Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Sidoo kale xariirro ay BBC-da la sameeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga si aan wax uga weydiinno arrintan ayaan suurtogelin.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale.

Booliiska ayaa booqaday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Dacwad oogaha Turkiga ayaa Sabtidii soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.

Turkiga ayaa xiriir dhow la lahaa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011 markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan — oo raysal wasaare ahaa — uu booqasho ku tegay Soomaaliya si uu taageero ugu muujiyo dalka oo la daalaa dhacayay abaar ba’an.

Turkiga ayaa gargaar bani’aadannimo geeyay dalka, wuxuu dhisay kaabayaasha wuxuuna saldhig militari ka furtay Soomaaliya halkaasoo uu ku tababaro saraakiil iyo booliis.

Maxaa Turkiga uga yaalla qofkii qof shacab ah shil ku dila?
Turkiga

Xigashada Sawirka, DHA

Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalana ku bartay cilmiga qaanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.

"Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyay.

"Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.

Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.

"Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”

Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Kiiska loo haysto wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.

"Muddo kadib ayaa ninkii dhintay, taas oo khsabtay in dib loo furo kiiska oo dib loo baaro, laakin sii dayntii hore waxaa ay ahyed mid sax ah oo sharciga ayaa sidaas qaba”, ayuu BBC da u sheegay sharci yaqaan Sakariye.

Falalka noocaan oo kale ah ayuu sheegay in inta badan ay ka dhacan dalka Turkiga oo aysan ahyen mid cusub.

"Sharciga waa loo siman yahay oo qof walba waa xukumi karaa, laakin waxaad muuda in kiiskaan uu hadal hayn abuurtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sharci yaqaan Sakariye.