Ciidamadii Afghanistan ee uu Ingiriiska "khiyaanay" oo haatan u laabanaya Taliban

Askart ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Afgaanistaan

Xigashada Sawirka, AFGHANISTAN MOI

Qoraalka sawirka, Askart ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Afgaanistaan

Ilaa 200 oo xubnood oo ka tirsanaa ciidamadii gaarka ahaa ee Afgaanistaan, oo ay tababartay isla markaana ay maalgelisay dowladda Ingiriiska, ayaa wajahaya masaafurin degdeg ah oo loogu musaafurinayo dalkooda oo ay maamusho kooxda Taliban, sida ay ogaatay BBC-da.

Xogo ay soo aruuriyeen shabakad ay leeyihiin kooxo reer Afgaanistaan ah ayaa muujinaya dhibaatooyinka waxa ay ugu yeereen “khiyaano iyo ceeb ay ku kacaday dowladda Boqortooyadda Ingiriiska”.

Askartan oo ah kuwo si gaar ah loo tobabaray ayaa u qaxay dalka Pakistan kadib markii ay kooxda Taliban la wareegeen xukunka dalka Afgaanistaan, waxaana Pakistaan ay hadda sheegtay in ay dalkeeda ka saari doonto qaxootiga Afgaanistaan oo askartan qeyb ka yihiin.

Dowladda Ingiriisku waxaa ay horey u sheegtay in kumannaan Afgaanistaan ah ay badbaadiyeen oo ay geeyeen meel nabad ah.

Jenaraal Sir Richard Barrons, oo 12 sano ka soo shaqeeyay ciidamada Ingiriiska ee Afgaanistaan, ayaa BBC-da u sheegay ku guuldaraysiga Ingiriiska ee ah in askartan lasoo raro "waa ceeb, sababtoo ah waxay ka tarjumaysaa tan in aan nahay dad iyo dal aan saaxiib galin” ayuu yir .

"Waa khiyaano sababi doonta in dadka nala soo shaqeeyay ay dhintaan ama noloshooda ku dhammeystaan xabsiga." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sanadkii 2021, ra’isul wasaaarihii xilligaas ee UK Boris Johnson wuxuu baarlamaanka dalkiisa u sheegay in adeegga ciidamada gaarka ah ee Afgaanistaan uu ahaa "mid aad muhiim u ah", isagoo ku daray in Ingiriisku uu sameyn doono "wax kasta oo uu awoodo si ciidankaas ay u helaan meel nabadda ay oo ay ku nooladaan”.

Cabsida soo wajahday ciidamada kumaandooska Afgaanistaan ayaa imaaneysa iyadoo la shaaciyay in dowladdu ay sidoo kale diiday baaqyo ka soo yeeray diblomaasiyiin sar sare oo ka tirsan dowladda iyo militariga Ingiriiska, baaqaas oo ahaa in magangelyo la siiyo hoggaamiyayaasha rayidka ah ee Afgaanistaan oo noloshoodu khatar ay ku jirto.

BBC-da ayaa heshay warqad sir ah oo bishii March 2022 loo diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo looga codsaday in magangalyo la siiyo koox ka kooban 32 guddoomiyeyaal hore, xeer-ilaaliyeyaal iyo saraakiil la soo shaqeeyay dowladdah Ingiriiska iyo Maraykanka ee Gobolka Helmand intii u dhaxaysay 2006 iyo 2014.

In ka badan 200 oo askari iyo 32-kan sarkaal ay codsaday in ay yimaadaan Boqortooyada (UK) iyada oo loo sii marayo Barnaamijka Dib-u-dejinta iyo Kaalmada Afgaanistaan (ARAP), oo loogu talagalay dadka u soo shaqeeya dowladda Ingiriiska .

Qaar badan oo ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada ayaa la diiday, halka qaar kalena ay weli sugayaan go’aan muddo ka badan sanad.

Guddoomiye hore ee degmado ka tirsan Afgaanistaan , ayaa BBC-da u sheegay in codsigiisii ahaa dib u dajin uu ka helo Ingiriiska la diiday labo toddobaad ka hor, in ka badan 20 bilood oo uu sugayay .

Waan ka barbar dagaallannay ciidanka Ingiriiska balse waana khiyaameen
Cali iyo kooxo saaxiibadiisa oo la sawirin askar ka tirsan UK
Qoraalka sawirka, Cali iyo kooxo saaxiibadiisa oo la sawirin askar ka tirsan UK
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Cali", oo ka mid ahaa askarta gaarka ah ee Afgaanistaan, ayaa hadda wajahaya cabsi ah in in Pakistan laga masaafuriyo ayaa BBC-da u sheegay in uu dareemay in UK ay dayacday oo ay khiyaamaysay.

Isagoo ku sugan qol yar oo amaan ah oo ku yaal Pakistan ayuu sharxay shaqadii ay lasoo qabteen ciidanka Ingiriiska, “Waxaan wada joognay habeen iyo maalin, intii aan tababarka ku jirnay waxaan seexannay hal teendho hoostooda, annagoo wax ku cunnayna hal saxan”

"Intii lagu guda jiray howlgallada waxaan ka garba dagaalannay Ingiriiska, annagoo hal qoys ka tirsan."

Cali waxaa uu xubin ka ahaa unug caan ah oo loo yaqaan ciidanka Kumaando 333, oo UK ay aasaastay sanadkii 2003 si ay uga hortagaan dhibaatooyinka sii kordhayay ee Afgaanistaan .

Bishii Agoosto 2021 markii dawladdii Afgaanistaan burburtay, cutub ciidan ah oo Cali uu ka mid ahaa aya aaday Hotellk Baron oo ku yaalla caasimadda Kabul si ay u ilaaliyaan dadka haysta baasaboorka Ingiriiska.

Sidoo kale Maxamed Fahim wuxuu ahaa mid ka mid ah wejiyada siyaasadeed ee dagaalka safka hore ee lagula jiro Taliban, isagoo ahaa guddoomiyaha degmada Helmand oo ahayd dhul muhiim u ahaa Taliban ka hor 2001, waa halkii uu kasoo shaqeeyay Amiir Harry intii uu ku sugnaa Afgaanistaan.

"Waxaan xirnay dhowr hoggaamiye oo Taalibaan ah markii aan guddoomiyaha ahaa," ayuu yiri, isagoo ka hadlayay meel qarsoodi ah. "Waxay ogaayeen inaan si wadajir ah ula dagaalannay ciidamada caalamiga ah, markaa khatarta aniga i haysa waa mid dhab ah." ayuu yir.

Waxaa uu sheegay in shaqada uu la qabtay ciidamada Ingiiska ay khatar weyn galisay isga oo xusay in walaalkii iyo laba wiil oo uu adeer u ahaa ay Taliban dileen, 2018-kii.

Wasiirka Wasaaradda Difaaca UK ayaa sheegtay in ay samayeeyn talaabooyin lagu caawinayo dadka u qalma ee reer Afgaanistaan.

"Ilaa hadda, waxaan keennay ilaa 24,600 oo qof oo ay ku jiraan kumannaan qof oo u qalma dib u dajinta reer Afgaanistaan," ayuu yiri afhayeen u hadlay.