Amiir Harry oo sheegay inuu dagaalyahanno Taalibaan ah ku dilay Afghanistan

Amiir Harry

Xigashada Sawirka, WPA Pool

Markii uu ahaa duuliyaha diyaarad helicopter intii u dhaxeysay sanadihii 2012-2013, Harry ayaa sheegaya inuu ka qeyb qaatay lix hawlgal oo dhammaantood ay dad ku dhinteen balse wuxuu sheegay inay ahaayeen dilal qiil leh.

“Ma ahayn tirada dadkaasi dhintay inaan ku faanayo balse sidoo kale wax ceeb ah ma aanan dareemin.” Markii dhexda aan u galay xaaladda iyo jahwareerka dagaalka oo ma aanan ka fakarin 25-kaasi qof. Waxay ahaayeen sida qalabka lagu ciyaaro jeeska oo laga saaray barxadda sababtoo ah dadka xun waa la is dhaafiyaa inta aysan dilin dad wanaagsan.

Taliye hawlgab ah ayaa Amiir Harry ku eedeeyay in uu "kasoo horjeestay" qoyskiisa milatariga ka dib markii uu "khashinka ku daray qoyskii uu ka dhashay".

Buuggiisa ayuu amiirka Sussex ku sharraxay dilka 25-ka dagaal-yahan ee Taalibaan inay la mid ahaayeen “qalabka jeeska lagu ciyaaro oo goobta laga qaaday”

“Xaqiiqda ayaa ah in in aadan dhibaato u geysan karin daddii aad u aragto inay bini’aadan yihiin.”

Waxa uu sheegay in militariga ay si fiiican u tababareen.

Isaga oo ka jawaabaya hadalka amiirka, hoggaamiyaha sare ee Taliban Anas Haqqani ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray: "Mr Harry! Kuwa aad dishay may ahayn jees, waxay ahaayeen bini'aadam, waxay lahaayeen qoysas sugayay soo laabashadooda...

“Ma filayo in (Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada) ay kuu yeeri doonto ama ay dadka xuquuqal-insaanka ka shaqeeya ku xukumayaan, waayo dhego iyo indho la’aan bay idiin yihiin.

Isagoo ka hadlayay warbaahinta ciidamada ayuu, Kornayl Collins oo ah taliyaha shaqada ka fadhiistay cambaareeyay buugga oo uu ku tilmaamay "khiyaano lacag lagu sameeyo oo naxdin leh".

Isaga tixraacaya sheegashada Amiir Harry ee ah in uu dilay 25 dagaalyahan oo cadaw ah, ayuu Col Collins waxa uu yiri: “Taasi maaha sidaad u dhaqmayso ciidanka dhexdiisa.”

Amiir Harry

Xigashada Sawirka, Getty Images

Col Richard Kemp oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada oo 2003 loo diray Kabul si uu u qabto taliyaha ciidamada Afgaanistaan, ayaa BBC-da u sheegay in ay ahayd arrin aan caadi ahayn, balse uusan wax dhib ah u arkin in Amiir Harry uu shaaca ka qaado tirada dadka uu dilay.

Waxa uu sheegay in askartu ay si gaar ah uga hadlaan dadka ay dileen ama u dhaawaceen.

Isagoo u tixraacaya dagaalyannada Taaliban ee la dilay inay yihiin jees, ayuu Col Kemp wuxuu sheegay in hadallada noocaas ahi ay "dhiirrigelin siin karaan cadowga".

Waxa uu intaa ku daray in laga yaabo in hadalkaasi uu wax u dhimayo ammaanka Amiir Harry oo ay dadka u horseedi karaan inay ka aargoostaan.

Maraykanka iyo xulafadiisa Nato ayaa duulaan ku qaaday Afghanistan bishii October 2001 si ay meesha uga saaraan Taliban, oo ay sheegeen inay gabbaad siinayaan Cusaama Bin Ladin iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Qaacida oo lala xiriirinayo weerarradii 9/11.