Amiir Harry iyo Meghan: Xagay ka helaan lacagahooda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xalqadii ugu horeysay ee documentari cusub oo ku saabsan Amiirka Sussex (amiir Harry) iyo xaaskiisa (Meghan) ayaa laga sii daayey Netflix.

Xigashada Sawirka, Netflix
Amiir Harry iyo Meghan ayaan wax lacag ah ka helin qoyska boqortooyada, waxayna lamaanahani ka helaan qarashaadkooda dhanka ganacsiga.
Maxay Harry iyo Meghan uga dhex baxeen qoyska boqortooyada?
Amiirka iyo xaaskiisa Meghan waxaa is baray saaxiib ay wadaagaan sannaddii 2016, waxaanay is guursadeen 2018-kii.Waxay ka dageen maqaamka sare ee qoyska boqortooyada janaayo 2020.
Xiligaas asaga ah. Waxay sheegeen inay ka xanaaqeen saxaafadda oo dhibtay iyo maamulka aqalka boqortooyada ee Buckingham oo ka hor joogsaday samaynta shirkadooda "SussexRoyal".
Waxaa la sheegay qaar kale oo kamid ah qoyska boqortooyada in la "dhibaateeyay".
Harry waxuu sii ahaa amiir, waxayna lamaanuhu sii haysteen darajada amiirka iyo amiiradda Sussex, balse waxaa la joojiyey in loogu yeero erayga lagu maamuuso dadka qoyska boqortooyada u dhashay ee (His/Her Royal Highnes).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Harry wuxuu sidoo kale ka tanaasulay darajooyinkiisii militariga, sidaas awgeedna ma aanu soo xidhanin labiska ciidanka markii uu kasoo qayb galayey aaska boqorad Elizabeth-tii ugu dambeysay.
Hase ahaatee, asaga iyo amiirka York (oo ah amiir aan shaqaynin) ayaa loo ogolaaday inay xidhaan lebiska militariga marka ay taagnaayeen goobta maamuuska ee naxashka gadaashiisa.
Amiir Andrew ayaa iskaga tagay shaqada 2019-kii kadib saaxiibtinimadiisii muranka dhalisay ee uu la lahaa Jeffrey Epstein oo ah ganacsade la fadeexeeyay.
Xagay Meghan iyo Harry ku noolyihiin?
Amiirka iyo amiiradda Sussex ayaa u guuray magaalada Montecito ee gobolka California Maraykanka bishii juun 2020.
waxay sheegeen inay u baahanyihiin meel ay ku koriyaan wiilkooda Archie, ayna ugu kanshaystaan hay'addooda cusub ee Archewell. Gabadhooda Lilibet,ayaa dhalatay 2021-kii.
Lamaanaha ayaa UK ugusoo laabatay bishii juun 2022 inay kasoo qayb galaan munaasabadda shan iyo labaatan sano guuradii u dambaysay ee kasoo wareegatay shaqada boqoraddii dhawaan geeriyootay, iyomar kale aaskeedii sibteembar.
Ma cadda inay kasoo qayb gali doonaan caleema saarka Boqor charles.
Siday Meghan iyo Harry ku helaan dhaqaalahooda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Telefishan iyo idaacadda internet-ka (Podcast)
Shirkadda warbaahinta ee Sussexes, iyo tan soo saarka ee Archewell, ayaa barnaamijya kala duwan u sameeya Netflix - shirkaddan oo loo malaynayo inay ku fadhidu malaayiin doolar.
Archewell ayaa sidoo kale Spotify u samaysa barnaamijyada dhagaysiga ee (Podcast), waxaa ka mid ah taxanaha Archetypes oo ku saabsan Dumar caan ah. Harry iyo Meghan ayaa waraysi siiyey Barnaamij soo jeediyaha maraykanka u dhalatay ee Oprah Winfrey maarso 2021-kii, balse waxay sheegaan inaan wax lacag ah lagu siinin waraysiga.
Buugaag
Meghan ayaa daabacday buug caruureed lagu magacaabo The Bench 2021-kii. Buugga taariikh nololeedka Harry ayaa asna la daabici doonaa 10-ka janaayo 2023.
Heshiisku sida uu yahay madbacadda Peguin Random House ayaa samayn doonta laba deqood oo gaaraya $1.5m (£1.3m) iyo £300,000,oo ay ku kala bixin doonto Hay'adaha Sentebale iyo ellChild.
Waxyaabo kale
bishii maarso 2021, harry waxaa loo doortay "madaxa saamaynta" ee shirkadda naf dhowrka California ee BetterUp.
Maxay Amiir harry iyo Meghan waayeen markay ka dageen boqortooyada?
Mushaharkoodii sanadlaha ahaa.
Maadaama ay hayeen shaqo boqortooyo, waxay heli jireen 95% mushaharka Harry aabihiis, iyo amiirka Wales.
Sanad maaliyadeedkii 2018-2019 (sanadkii ugu horeeyay ee guurkooda), gobalka Charles ee (Cornwall estate) ayaa bixiyey wax ka badan 5 milyan oo gini (£5m) oo lagu siiyey shaqadooda shacabka iyo qarashaad si shaqsi ah ugu baxay Sussexes, iyo amaiirka iyo amiiradda Cambridge.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Charles kadib wuxuu siiyay "wadar lacageed oo la taaban karo" si loogu taageero u diyaar garowgooda isku filnaanta dhaqaale, sida xafiiskiisa lagasoo xigtay.
Xisaabaadka Cornwall ayaa muujinaya in lamaanahan, iyo amiir William iyo Kate ay heleen dhaqaale gaaraya 4 iyo badh milyan oo gini ( £4.5m) intii u dhaxaysay April iyo Juun 2020.
Ilaalo
Isla markii ay ka dageen shaqada rasmiga ah amiirka iyo xaaskiisu waxay lumiyeen ilaaladii rasmiga ahayd ee loogu tala galay qoyska Boqortooyada.
Markii u horaysay ee Harry ka baxay UK, wuxuu sheegay in khatar ay ku tahay in uu keeno qoyskiisa asaga oo aan haysan ilaalada booliska.
Bishii luulyo 2022 waxaa la siiyey fasaxa ah inuu ka hor imaan karo go'aanka maxakamadda sare.

Xigashada Sawirka, Carly b. talbot
Aqalka Frogmore
Boqoradda ayaa harry iyo Meghan siisay aqalka Frogmore ee Windsor, kadib markay is guursadeen 2018.
Dib u habayn ay ku baxday 2.4m oo gini ayaa laga bixiyey. Lacagtan oo markii ay shaqada ka dageen ay iska bixiyeen.
Maal galintee kale ayey Harry iyo Meghan leeyihiin?
William iyo Harry waxay heleen hanti gaaraysa £13m oo ay dhaxal ahaan u heleen kadib markii hooyadood, Princess Diana, ay geeriyootay 1997kii.
Mar uu u waramayey Oprah Winfrey, ayuu harry sheegay in lacagtan ay u adeegsadeen geedigoodii Maraykanka: "Waxaan haystay waxay hooyaday iiga tagtay. taas la'aanteedna guuritaankani iima suurta galeen."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Harry ayaa sidoo kale la aaminsanyahay inuu dhaxal ahaan uga helay malaayiin bawnd ayey labaadiisii, boqoradda hooyadeed.
lama oga in boqoraddi u dambeysay ay uga tagtay wax hanti ah iyo in kale. Intii ay ku jirtay shaqada jilista ayaa waxaa la sheegay in Meghan laga siin jiray taxanaha Suits $50,000 oo doolar xalqadiiba. Waxay jilaysay doorka Rachel Zane in ka badan 100 xalqadood taxanahan oo ka koobnaa wax ka badan todobo qaybood.










