Maxaa ku jira buugga uu Amiir Harry ku sheegayo sababta uu uga baxay boqortooyada?

Amiir Harry

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Galka buugga amiir Harry

Xusuus qorka Amiirka Sussex ayaa la daabici doonaa 10-ka bisha Janaayo, sida ay shaacisay shirkadda buuggaasi daabacaysa ee Penguin Random House.

Buugga Amiir Harry – kaas oo uu ku jiri doono sida uu u qaatay go’aanka uu uga tanaasulay waajibaadkiisa boqortooyada iyo qaabka uu ugu guuray waddanka Mareykanka – ayaa cinwaankiisu waxa uu noqon doonaa "Spare".

Random House ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Markii la aasay Diana Amiiraddii Wales, ayaa balaayiin qof waxa ay la yaabanaayeen sababta amiiradda ay qasab ugu aheyd inay ka fakarto oo ay qaaddo dareen ah, sida noloshooda ay noqon doonto…

“Harry-na, tani waa sheekadiisa.”

Qasriga Buckingham ayaa sheegay in aanay wax war ah ka soo saarayn buugga la shaaciyay waqtiga la daabacayo.

Qeyb ka mid ah lacagta ka soo baxda buugga ayaa waxaa lagu taageeri doonaa hay’adaha samafalka ee Britain, oo ay ku jiraan Sentebale iyo WellChild.

Shirkadda buugga daabacaysa ayaa waxa ay xaqiijisay in labadaasi hay’adood ee kor ku xusan ay sida ay u kala horreeyaan u kala heli doonaan $1.5m iyo £300,000.

Falanqeyn

Weriyaha BBCda uga soo warrama Boqortooyada UK, Sean Coughlan, ayaa sheegay in cinwaankan Spare, oo ah cinwaanka uu Amiir Harry u dooray inuu ku soo baxo xusuus qorkiisa, uu u muuqanayo qeyb ka mid ahoraahda ah in boqortooyinka ay u baahan yihiin “qof dhaxal suge ah iyo qof dheeraad ah”.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Amiir William ayaa ah dhaxalsugaha halka Amiir Harry uu qaabka noloshiisa ku sheegayo inuu yahay “qofka dheeriga ah ee soo haray”, kaas oo ah midka yar carruurta boqorka kaas aanay suuragalba ahayn inuu awoodda qabto, sidaas daraadeedna ay door bidayaan inay noloshooda raacdaan.

Buuggan, oo la sii xaqiijiyay in si fiican loo gadan doono kahor inta aanan la daabicinba hal bog oo dhigaalkaasi ah, ayaa waxa uu ballan qaadayaa “xog aanan la faaf-reebin, iyo daacadnimo”, halka jaldiga buuggana uu muujinayo Amiir Harry oo aan libiqsanayn.

Hasayeeshee buugga ayey sidoo kale tahay in xogta ku jirta la isu dheeli tiro. Wax badan ayaa isbaddelay tan iyo markii koobaad ee la shaaciyay in buuggan la daabacayo. Boqorad Elizabeth II ayaa dhimatay, aabihii Boqor ayuu noqday, Camilla-na waa boqoradda.

Waxaa jiri doonta baahi sidii hore ka weyn oo loo qabo in la dhageysto sheeko wax walba lagu soo badhigayo oo ku saabsan qof xasuustiisa.

Balse hadda soo wax badan kuma hallaabi karaan in wax kasta la sheego?

Imisa wax oo laga naxo ayaa kusii darsami doona waxyaabihii ay Harry iyo Meghan ku sheegeen wareysigii ay siiyeen Oprah?

Amiir Harry, oo markaas 12 jir ahaa, ayaa aaska hooyadii kala qeybgalay aabihii iyo walaalkii, kaas oo ka dhacay Westminster Abbey

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amiir Harry, oo markaas 12 jir ahaa, ayaa aaska hooyadii kala qeybgalay aabihii iyo walaalkii, kaas oo ka dhacay Westminster Abbey

Markii 2021 lagu dhawaaqay heshiiska ah in Amiir Harry uu qoro sheekadiisa, ayuu amiirku waxa uu ballanqaaday inuu soo gudbin doono “waxyaabihii heerka sare ahaa iyo kuwii hooseeyay” uuna sidoo kale u soo gudbin doono “sida ugu saxsan oo ah run aan barax lahayn”.

Oraahdaas ayaa laga dhigay bayaanka lagu beecgaynayo buugga, taas oo oranaysa: “Xog aanan la faaf-reebin iyo daacadnimo ayuu buugga Spare ku soo bandhigayaa aragtida, qiimeynta nafta, iyo murtida la xiriirta in awoodda jaceylka laga doorbido murugo.”

Buugga ayaa dunida oo dhan hal maalin lagu daabici doonaa waxaana lagu heli doonaa 16 luuqadood.

Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Amiirka iyo amiiradda Sussex ayaa 2020 ku dhawaaqay in ay ka fariisanayaan waajibaadka boqortooyada, ayna shaqeysan doonaan si ay dhaqaale ahaan u madax bannaanaadaan. Waqtigaas, aqalka Buckingham Palace iyo boqorrada sarsare ayaa muujiyay sida ay uga niyad-jabeen ayna u dhaawacday arrintaasi.

Harry iyo Meghan ayaa haatan waxa ay labadooda canug, wiilka oo lagu magacaabo Archie iyo gabadha oo lagu magacaabo Lilibet, kula noolyihiin waddanka Mareykanka.

Shirkadda buugga daabacaysa ayaa qoraaga waxa ay ku tilmaantay: “Amiir Harry-ga Sussex, waa xaasle, aabe, dadka u gargaara, halyey milateri, waxa uu u ololeeyaa caafimaadka dhimirka, iyo deegaankaba. Waxa uu qoyskiisa iyo saddex ey oo ay leeyihiin ku nool yihiin Santa Barbara, California.” ayaa lagu qoray qeybta dahsoon ee galka buugga.