Wax ka ogow dalka ku caanka ah daroogada iyo burcadnimada ee Talyaanigu geyn doono tahriibayaasha ay Soomaalidu ku jirto

Muhaajiriin

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Muhaajiriin

Dowladda Talyaaniga ayaa shaacisay heshiis cusub oo ay la gashay dalka Albania kaas oo ah in ay ka dhisi doonto laba xaruun oo lagu hayo dadka soo galootiga ah ee isku dayaya inay gaaraan xeebaha Talayaaniga.

Ra'iisul Wasaaraha Talyaniga Georgia Meloni ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid lagu xakameynayo tirada muhaajiriinta magangalyo-doonka ah, kuwaas oo ku dhawaad laba jibaarmay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay.

Heshiiska oo lagu dhawaaqay maalintii Isniintii ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu wado waddan ka tirsan Midowga Yurub isla markaana uu muhaajiriin ugu dirayo dal kale.

Georgia Meloni ra’iisul wasaaraha waxaa ay tilmaantay in xarumahan la furi doono sanadka soo socda ee 2024-ka waxaana xaruun kasta ay qaadi doontaa 3,000 oo qof marka si buuxda ay u shaqeeyaan.

Sidoo kale dowladda Talyaaniga waxaa ay rajaynaysa in sanad kasta xaruumahan la geeyo dad gaaray ilaa 36,000 oo qof .

Xisbiga midigta fog ee maamula dalka Talyaaniga ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo gudaha ah maadaama uu ku guuldareystay inuu fuliyo ballanqaadkii uu sameeyay xilligii doorashada kaas oo ahaa in uu xakameynayo socdaalka sharci darrada ah, In ka badan 145,000 oo qof ayaa gaaray xeebaha Talyaaniga tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan, marka la barbar dhigo 88,000 oo qof sanadkii hore.

Muxuu dhigaya heshiisku, goorma ayuuna dhaqan galayaa ?
Hogaamiyaash Talyaaniga iyo Albania

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Hogaamiyaash Talyaaniga iyo Albania

Xaruumahaan waxaa laga dhisi doonaa gobolladda Shengjin iyo Gjader ee Albania waxaana "si buuxda loogu maamuli doonaa hannanka Midowga Yurub iyo sharciga caalamiga ah," ayaa tiri Meloni.

Heshiiska cusub ee dowladda Talayaaniga ay la gashay dalka Albania ayaa u ogaalaanaya Rooma in ay jabiso heshiiskii Dublin ay ku saxiixdeen Midowga Yurub , kaas oo dhigayay in dalka ugu horreeya ee ay muhaajiriintu yimaadaan ay tahay in ay daryeelaan oo ay ka baaraandegaan kiisaskooda.

Sida ku cadda heshiiska mid ka mid ah xaruumaha ee laga hirgalinayo dalka Albania ayaa waxaa la gayna doonaa dadka muhaajiriinta marka ay soo gaaran xeebaha Talyaaniga ee lasoo badbaadiyo.

Midda labaad waxaa loo isticmaali doonaa in lagu dejiyo tahriibayaasha u qalma inay magangelyo ka codsadaan Midowga Yurub, balse heshiiska laguma sheegin halka ay ku danbeeyn doonaan kuwa aan kuwa aan u qalmin in magangalyo la siiyo.

Kharashka ku baxaya dhismaha xaruumahaan waxaa bixin doona dowladda Talyaaniga , laakiin Albania waxay qaadna doontaa doorka ilaalinta iyo sugidda amniga .

Ra'iisul Wasaaraha Talyaniga Georgia Meloni waxaa ay ballan qaadday haweenka uurka leh iyo kooxaha kale ee nugul in aan loo diri doonin Albania.

In kasta oo aan waqti sax loo cayimin xilliga dhaqan galka heshiiska hadana labada dhinacba waxaa ay shaaciyeen in marka xarumaha la hirgaliyo la bilaabi doona.

Walaaca laga qabo arrintan
Caasimada Albania Tirana

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Caasimada Albania Tirana
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haa’yaddaha u dooda xaquuqda aadanaha iyo qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka mijiiyay arrintaan ayaga oo dalbaday in dowladda Talyaanigu ay bixiso fahfaahin dheerada ah oo heshiiska ku saabsan.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu yir "Waxaan la xiriirnay mas'uuliyiinta Talyaaniga sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan aragno faahfaahinta heshiiska, waxaan codsaneynaa inaan helno macluumaad kale oo arrintaan la xiriir”.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka Talyaaniga ayaa ku gacan seyray ku dhawaaqista heshiiska mujaajiriinta soo gal dalka Talyaaniga lagu gaynayo Albania.

Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah (IRC) ayaa cambaareeyay qorshaha Rome, kaas oo ay ku sheegtay "inay dharbaaxo ku tahay mabda'a midnimada Midowga Yurub."

Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn (MSF) ayaa sidoo kale ka fal-celisay heshiiska oo ay tilmaane in uu yahay mid dadka looga hor istagayo in ay dhoofaan si ay uga badbaadaan dagaallada, macluusha iyo colaadaha kale.

Heshiiskann ayaa la mid ah heshiiska muranka dhaliyay ee Boqortooyada UK ay la gashay dalka Rwanda, kaas oo ay doonaysay in kumanaan magangalyo doon ah ay dalkaasi ugu dirto.

Maxaa laga yaqaan dalka Albania
dadka reer Albania oo dabaal dagay

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, dadka reer Albania oo dabaal dagay

Jamhuuriyadda Albania waa wadan ku yaalo barige Koonfureed ee qaarada Yurub.

Waa waddan yar oo buuraley ah oo ku yaal jasiiradda Balkanka, oo leh xeeb dheer.

Waxaa uu xuduudo la wadaaga Montenegro dhanka waqooyi-galbeed, Kosovo ,Waqooyiga Makedoniya dhinaca bari, Giriiga dhinaca koonfureed waxaa uu xad kala leeyahay badda ee ay la wadaagto Giriiga, Montenegro iyo Talyaaniga.

Dadka dagan dalkan waxaa ay yihiin Muslimiin ka yimid dalka ay dariska yihiin Kosovo,waxaa dalkaan xukumi jirtay boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, Albania waxay noqotay dawlad shuuci ah oo uu maamulo hogaamiye kaligi talis ah ilaa ay u gudubtay dimuqraadiyadda ka dib sanadkii 1990-kii

Doorashadii 1992-kii waxay soo afjartay 47 sano oo shuuci ah, laakiin tobankii sano ee u danbeeyay waxaa dalkaasi ka dhacay isbadelo dhanka hogaanka ah.

Dhaqaale ahaan dalka ma ahan mid wanaagsan taas oo sababtay in dad badan ay dalka ka tagan iyga oo shaqo raadis a.

Heerka noolasha ee dalka ayaa ah mid hoose waxaan taas ay keenatay in dalka ay cararan qaar badan oo ka mid ah muwaadiniintiisa .

Shaqo la,aanta ka jirta dalka awgeeda Kumaan qof ayaa sanad kasta iska dhiiba dalka Yurub.

Sannadkii 2022, dad aad u tiro badan ayaa ku yimid doomo yaryar oo ka yimid Albania ayaa gaaray dalka Ingiriiska sida uu sheegay Ra’iisulwasaaraha dalka Ingiriiska

Dadka Albaaniyaanka ah waxay ka dhigan yihiin saddex meelood meel dadka soogalootiga ah ee sharci-darrada ah ee raadinaya magan-gelyo gudaha UK sida lagu sheegay xogta ay baahisay dowladda Ingiriiska .

Xogta laga soo xigtay haa’yaddaha maxliga ah ee Albania 83% guud ahan dadkaasi ayaa doonaya in ay ka cararan dalkooda .

Dalka la doonayo in la geeyo dadka soogalootiga ah ee Soomaalidu ay ku jirto ayaa kaalimaha hore kaga jira dalalka ugu badan ee ka gancsiga daroogada .

waxa ay xubin ka noqday isbahaysiga milatari ee Nato sanadkii 2009-ka

Albania ayaa la siiyay aqoonsiga musharaxnimo ee Midowga Yurub ku dhawaad toban sano ka hor balse wali si rasmi ah uga biirin ururka

Dalka Talyaaniga waxaa sanad walba gal kumanaan tahriibayaal ah oo ka tagay dalalka kala duwan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.