DHEGEYSO: Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa kulan la filayo in uu Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ku dhex maro Jabuuti
Waxaa la filayaa in madaxweyneyaasha Xasann Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi kulan ku dhexmaro maanta dalka Jabuuti.
Labo wafdi oo ay kala hoggaaminayaan labada madaxweyne ayaa ka safri doona Muqdisho iyo Hargeysa, si ay u tageen Jabuuti oo uu ku casuumay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah guddoomiyaha xilligan ee urur goboleedka IGAD.
Waxa uu kulankan noqon karaa kii labaad oo dhexmara labada dhinac inta la hubo wixii ka dambeeyay markii dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii hore. Markii hore oo ay ku kulmeen Jabuuti, waxaa kulmiyay xaflada meherka gabadh uu dhalay madaxweyne Geelle iyo sarkaal kale oo sare oo xildhibaan ka ah baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan ka dhegeyso Faahfaahinta arrinkaas oo uu soo-jeedinayo weriyaha BBC ee Hargeysa Sadiiq Burmad.


