Waa maxay sababta ajnebiga oo ay Soomaali ku jirto tartanka ugu jiraan Baasaboorka Turkiga? Sidee se lagu helaa?

Baasaboorka Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa kordhaya dadka ajaanibta ah ee dhaqaale iyo hanti ku bedelanaya baasaboorada dalalka kale oo uu Turkeygu ka mid yahay. Waxaa Internetka ka buuxa website-yo lagu xardhay liiska dalalka laga heli karo dhalashada maalgashi kadib.

Turkey ayaa ka mid ah dalalkaas, oo la faafiyay inta ay la eg tahay maalgelinta aad ku heli karto dhalashada.

'Maalgashiga hantida ma-guurtada ah waa habka ugu soo jiidashada badan ee lagu helo dhalashada Turkiga. Waxaadna sameyn kartaa tan adiga oo iibsada guri ku kacaya afar boqol oo kun oo doolar, iyo qarashaad kale oo dheeraad ah'

Dhalashada Turkey ee habkan loo marayo ayaa ka jaban dalalka kale ee bixiya nidaamyada la midka ah. Kahor 2022, lacagtani waxay ahayd labo boqol iyo kontan kun oo doolar, taas oo markii dambe la kordhiyay.

Dareenka gudaha Turkiga ayaa waxaa jira dad soo dhaweeyay iyo dad dhaliilay.

Aynu aragno nidaamka Turkiga ee ku saabsan qaadashada dhalashada ee maalgashiga iyo waxa yihiin faa'iidooyinka iyo khasaarooyinka qorshayaashaas.

Baasaboorka dahabiga ah iyo jidka loo maro dhalashada Turkey

Nidaamka noocaan ah wuxuu adduunka ka jiray tan iyo 1980-meeyadii, laakiin sannadihii ugu dambeeyay aad ayay u soo badatay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaadashada dhalashada iyada oo loo marayo habka maalgashiga waxaa loo yaqaan helitaanka baasaboor dahabka ah. Tani way ka duwan tahay fiisaha Dahabka lagu tilmaamay, kaas oo ajnabiga loo oggol yahay inay maalgashadaan ama degaan waddan.

Si loo helo Baasaboorka Dahabiga ah, muwaadiniinta ajnabiga ah waxay maalgashan karaan qadar go'an waxayna dalkaas heli karaan dhalasho iyagoo raacaya shuruudo kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nidaamka noocaan ah wuxuu adduunka ka jiray tan iyo 1980-meeyadii, laakiin sannadihii ugu dambeeyay aad ayay u soo badatay.

Lizzie Edwards, oo ah maamulaha suuqgeynta shirkadda La Vida Golden Visa ee Britain, ayaa BBC-da u sheegtay sababta maalgashadayaasha ay u doonayaan in ay helaan dhalasho shisheeye.

Waxay tiri, "Marka la eego hubanti la'aanta ka jirta adduunka maalmahan, maalgashadayaasha waxay ka fekerayaan Qorshahooda B. Maalmahan, baahida loo qabo muwaadinimo dheeraad ah ayaa aad sare ugu kacday."

Sida laga soo xigtay Lizzie, iyada oo sababaha maalgashadayaasha ay u raadsadaan dhalasho ay kala duwan yihiin, hadana sababaha ugu waaweyn ee ay sidaas u sameeyaan ayaa kala amniga, helitaanka socdaal dal ku gal la’aan, iyo fursado wanaagsan oo waxbarasho ama shaqo.

Dhanka kale, Dr. Ilyaas, oo ah madaxa qaybta sharciga ee Jaamacadda Altinbass ee Turkiga, ayaa yiri, 'Marka loo eego kuwa taageera nidaamkan, tani waxay fursad u tahay waddamada soo koraya inay kordhiyaan maalgashiga'.

Maxay tahay siyaasadda Turkiga ee ku aaddan baasaboorka dahabiga ah?

Maxay tahay siyaasadda Turkiga ee ku aaddan baasaboorka dahabiga ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sannadkii 2016-2017, dalka Turkiga waxaa laga soo saaray sharci dhigaya in ajaanibta fursad dheeraad ah lagu siiyo qaadashada dhalashada. Waxa kale oo jiray qodob ku saabsan qaadashada dhalashada iyada oo loo marayo maalgashi.

Sannadka 2017, waxa lagama maarmaan noqotay in la iibsado hanti qiimihiidu yahay hal milyan oo doolar ama la sameeyo maalgashi raasumaal ah oo dhan laba milyan ama shaqaaleynta ugu yaraan 100 qof oo Turki ah.

Sannadkii 2018, xeerarkaas ayaa wax laga beddelay. Xadka hantida waxaa cadadka maalgashiga raasumaalka oo laga dhigay $250,000 halka tirada shaqooyinka la gaarsiiyey 50.

Hase yeeshee ka dib markii xiisaha ajnabiga ee nidaamkan uu kordhay, qadarka ayaa mar kale la kordhay 2022. Maalgelinta hantida maguurtada ah ayaa la kordhiyey abar boqol oo kun oo doolar.

Lizzie ayaa sheegtay in kororkaan uu sidoo kale saameeyay baahida loo qabo dhalashada Turkiga. Waxa ay sheegtay in markii lacagta ay yarayd, ay jireen codsiyo badan. Wali waa barnaamij fiican, laakiin dad badan ma awoodi karaan.

Immisa qof ayaa qaatay jinsiyadda Turkiga?

Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay wasaaradda ay khusayso ee Turkiga bishii Sebtembar 2019, 2611 qof ayaa qaatay dhalashada sannad gudihii.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay wasaaradda ay khusayso ee Turkiga bishii Sebtembar 2019, 2611 qof ayaa qaatay dhalashada sannad gudihii.

Waxa kale oo la sheegay in tirada maalgashadayaasha iyo qoysaskooda ee habkan jinsiyadda dalka ku qaatay ay gaareen 9962 qof.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa la wadaagay warbixin sanadka 2022, wuxuuna sheegay in 25,969 qof ay buuxiyeen shuruudihii lagu heli lahaa dhalashada iyadoo maalgashi la sameynayo.

Sida uu sheegay, maalgashi dhan 7 bilyan oo dollar ayaa Turkiga ku timid habkan. $530 milyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa lagu maalgeliyay hanti ma guurto ah.

Hadii aan eegno bayaanka ay soo saartay dowlada Turkiga siyaasadan ayaa waxa ay aheyd mid aad looga bartay wadamada bariga dhexe sanadka 2019-ka.

Pakistan ayaa sidoo kale lagu daray 10-ka waddan ee ugu sarreeya ee muwaadiniinta dhalashada ku qaata habkan.

Tirada dadka reer Ukraine ee guryaha ka iibsanaya Turkiga ayaa sidoo kale kor u kacay, kuwaas oo iibsaday 2574 guri muddadan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

BBC-da laanteeda af-ka Turkiga ayaa xogtii ugu dambeysay ee arrintan la xiriirta weydiisay Agaasinka Dadweynaha iyo Jinsiyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga iyo TUIK, oo ah machad la socda tirakoobka dadka, balse weli wax jawaab ah lagama helin.

Tirakoob lagu sameeyay iibka guryaha Turkiga sanadkii 2022 ayaa muujinaya in 67,490 guri laga iibiyay ajaanib. Inta badan iibsadeyaasha guryaha waxay ahaayeen Ruush. Tiradoodu waxay ahayd 16 312. Ruushka waxaa soo raaca muwaadiniinta Iran oo ah 8223 iyo Ciraaq oo ah 6241.

Tirada dadka reer Ukraine ee guryaha ka iibsanaya Turkiga ayaa sidoo kale kor u kacay, kuwaas oo iibsaday 2574 guri muddadan.

Dr. Ilyaas waxa uu sheegay in habab badan lagu qaato dhalashada laakiin maalgelinta hantida ma-guurtada ah ay ugu badan tahay. Waxa uu sheegay in dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine awgeed aysan la yaab ahayn in Ruushka uu maalgashi badan ku sameeysto Turkiga.

Turkiga ayaa sidoo kale noqday meesha ay ugu jecel yihiin maalgashadayaasha Iran, Ruushka, Ciraaq iyo Afgaanistaan. Waa dalalka ay ku adag tahay muwaadiniintooda inay dhalasho ka helaan dalalka Midowga Yurub.

Isla mar ahaantaana, Lizzie waxay sheegtay qaadashada dhalashada Turkiga ay korortay sababtoo ah waxay tiri waxay ku dhow yahay Bariga Dhexe oo dadku aysan la kulmin dhibaatooyin badan oo xagga diinta iyo dhaqanka ah.

Maxaa Baasaboorka Dahabiga ah loo dhaliilay?

Dadka ka soo horjeeda qorshahan ayaa sheegaya in muwaadinimada ay noqotay badeecad la kala iibsado.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka ka soo horjeeda qorshahan ayaa sheegaya in muwaadinimada ay noqotay badeecad la kala iibsado.

Professor Ilyaas wuxuu leeyahay, "Muwaaddinnimadu waa arrin 'qarannimo' ah, oo leh xiriir sharci iyo mid siyaasadeed."

Ururka Qareenada Turkiga ayaa gudbiyay codsi lagu joojinayo qorshahan June 2022. Wuxuu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn oo sharci darro ah. Wuxuu sheegay in fikradda jinsiyadda ay taasi burburinayso. Si kastaba ha ahaatee, codsigan waa la diiday.

Nidaamkan sidoo kale waa laga soo horjeedaa adduunka oo dhan sababtoo ah waxaa la leeyahay waxay sare u qaadi kartaa in dambiileyaasha iyo kuwa lacagaha dhaqa ay ku gabadaan. Qiimaha guryaha ee Turkiye ayaa sidoo kale kordhay sabab la xiriirta maalgashiga.

Sanadihii ugu dambeeyay, wadamada qaar ayaa dib u eegis ku sameeyay qorshahoodan oo kale. Guddiga Yurub ayaa sidoo kale ka digay in bixinta dhalashada iyada oo loo marayo maalgashi ay kor u qaadi karto arrimo ay ka mid yihiin amni darro, lunsiga canshuuraha iyo lacagaha la dhaqo.

Qubrus ayaa waxay joojisay nidaamkeeda Baasaboorka Dahabiga ah sannadkii 2020 sidoo kale Bulgaria ayaa 2022 joojisay.