Maxaad ka taqaan geedka garta loo hoos fariisto ay guusha ku dhamaato?

Xigashada Sawirka, Google
- Author, Foos Ciid
- Role, Weriye
Wada xaajoodka tooska ah iyo garta fadhiga lagu qaado waxay dad badan rumeysan yihiin in ay tahay dhaqan soo jireen ah marka loo eego Soomaalida, Hase yeeshee wadahadalka tooska ah badanaa waxa lagu xalliyaa khilaafaadka iyo isku dhacyada bulshada dhexdeeda ah.
In gar loo wada fariisto xallinteeda waa wax iska caadi ah marka taa laga soo tago, odayaal dhaqameedka Soomaalida ayey u sii kala micno badan yihiin una kala duwan yihiin geedaha garta lagu qaado.
Geedka gobka waxa uu kamid yahay geedaha ugu caansan ee garta loo hoos fariisto, balse waxaa jirta in geedkaasi uu leeyahay arrin ka duwan geedaha kale oo ah in Soomaalida qaarkood ay rumeysan yihiin in gartii geedkaasi loo hoos fariistaa aan lagu kala tegin iyadoo aan xal laga gaarin.
Marka ay noqoto gobollada Waqooyi iyo gobollada koonfureed ee dalka, waxaa ka jira dhaqamo ay ku kala duwan yihiin taasi oo muujineysa muhiimadda ay geedaha garta lagu gooyo u kala leeyihiin.
Haddaba si aan arrintaasi wax badan uga oggaano waxa aan ka wareysannay Muuse Cali Faruur oo ah khabiir si weyn u yaqaan dhaqankii hore ee Soomaalida iyo Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax, oo haatan ah Gudoomiyaha Akaadeemyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta isla markaana ah qoraa in badan wax ka qorayay dhaqanka Soomaalida.
Ugu horreynse, Muuse Cali Faruur oo aan weydiinnay bal in uu ka warramo garta loo hoos fariisto geedaha iyo sida ay u kala duwanaayeen ayaa yiri,“Garta waxaa loo qaadi jiray dhowr nooc oo kala duwan, waxaa loo hoos fariisan jiray saddex geed, geedka ugu horreeya wuxuu ahaa mid tilmaamaya maxkamaddii hoose, waxaa jiray mid racfaan oo ay isugu iman jireen illaa toddobo nin, ka ugu dambeeyana waxaa isugu imaan jiray know iyo toban nin, gartaana waxaa la qaadi jiray marka roobku da’o kaliya, maadamma xilliga jiilaalka aan raggii la’isla helayn”

Xigashada Sawirka, Facebook

Xigashada Sawirka, Google
Muuse Faruur oo si gaar ah u dul istaagay geedka Gobka ah iyo waxa u gaar ah geedkaasi ayaa yiri, “Geedka Gobka ah waa geed calaamad gaar ah noo leh oo geedaha la mid maaha, geedkaa hoostiisa garta lala yimaado in lagu heshiiyo ayey u badan tahay, geedku wuxuu leeyahay miro la cuno oo macaan, geedka caleentiisa waxaa lagu mayri jiray meydka, qof kasta oo meyd ah oo la mayrayo caleentiisa oo la tumay ayaa lagu mayri jiray”.
Tilmaamaha uu gaarka u leeyahay geedka Gobka, isla markaana ay ka bixiyaan odayaasha dhaqanka ayaa ah kuwo aad u fara badan, Muuse Cali Faruur oo sii sharraxaya waxyaabaha uu gaarka leeyahay Geedkan ayaa yiri, “waxaa jirtay in dhulku uu mas badnaa, inta geedaha la hoos fadhiyo masaska ayaa laga baqan jiray, balse xilliga geedka Gobka ah la hoos fadhiyo mas lagama baqan jirin oo mamnuuc ayey ahayd, caleentiisana waxaa lagu daweyn jiray nabarrada inta la tumo, geedkaasi Gobka ah dhaqanka Soomaalida waxa uu kaga jiraa meel adag ayuu sii raaciyay”.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax, Gudoomiyaha Akaadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, isla markaana ah qoraa in badan wax ka qorayay dhaqanka Soomaalida, ayaa sifeeyay sababaha uu Soomaalida muhiimka ugu yahay geedkan Gobka.
Abwaan Maax ayaa yiri, “Geedkan Gobka waxa uu kamid yahay geedaha Soomaalidu aadka u isticmaasho haddii ay noqoto garta oo loo hoos fariisto, haddii ay noqoto mirihiisa oo la cuno iyo haddii ay noqoto dhismaha aqallada, geedka gobka malaha qodax taasina waxa ay sahleysaa in inta badan kulamada shirarka iyo doodaha ay Soomaalidu ku yeeshaan”.
Abwaan Maax ayaa sidoo kale tilmaamay in geedka Gobka uu ka mid yahay geedaha waaweyn ee u baxa sida qumaatiga ah isla markaana awood u leh in halmar ay dad badani fariistaan.
Gudoomiye Maax ayaa sidoo kale sheegay in geedka Gobka oo u badan gobollada waqooyi ay u badan tahay in geedkaasi uu yahay midka ugu badan ee garta loo hoos fariisto khilaafaadkana lagu xalliyo.
"Caafimaad ahaan miraha geedka Gobka ayaa dhaqaatiirtu waxa ay sheegaan in ay ku dhan yihiin inta badan fitamiinnada muhiimka u ah aadanaha".
Sidoo kale niyad jabka iyo isku buuqa qofka marka ay dhibaato la soo gudbaanaato ayaa la rumeysan yahay in uu daawo u yahay, isla markaana xaaladda qofka uu dejiyo.
Geedka Gobka ayaa la sheegaa in uu kala dhadhan duwanyahay, waxaa sidoo kale xusid mudan in geedkan uusan kawada bixin dhamaan caalamka.
Geedka Gobka ayey culimadu tilmaamaan in ilaa afartan nooc oo Gob ah ay adduunyada ka baxaan.
Ilaa iyo afar meelood ayuu Alle Qur’aanka kariimka ah kaga ku xusay geedka Gobka ah.













