Maraakiib ka cararaya weerarada Xuutiyiinta oo la' dakad ay shidaal ka qaataan madaama ay safar dheer galayaan

Halista Badda Cas

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Maraakiibta ganacsiga oo caqabado kala kulmaya masaafada dheer ka dib weerarada Xuutiyinta ee Badda Cas

Dekadaha Koonfur Afrika waxay halis ugu jiraan inay lumiyaan fursado dakhli oo aad u badan, kadib boqolaal maraakiibta xamuulka kuwaas oo u wareegay inay maraan dalkaas kuwaas oo ka soo cararay weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas.

Maraakiibta badeecadaha sida ee isticmaala marinka Suweys ayaa lagu qiyaasaa ilaa boqolkiiba laba iyo toban ganacsiga caalamiga kuwaas oo hadda u wareegay in ay jaraan masaafo dhan afar kun oo mile si ay ugu baaqsadana weeraro ay la kulmaan hadii ay adeegsadaan marinka muhimka ee Baabul-Mandab.

Tiro badan oo ka mida shirkadaha maraakiibta ayaa ka wareegay isticmaalka marin biyoodka Baabul-mandab ee badda cas ka dib markii ay bilowdeen weerarada joogtada ee kooxda Xuutiyiinta ee xiriirka la leh Iran.

In ka badan 25,00 oo markab oo nooca qaada shixnadaha ayaa sanad walba adeegsada badda cas, haddase safarkooda ayey ku kordhaysaa ilaa toban maalin ama laba asbuuc oo dheerad ah haddii maraakiibtu ka waregaan cirifka koonfureed ee Afrika. Waxayna ugu kacdaa maraakiibta waaweyn shidaal lagu qiyaasay 1 milyan oo doolar safarkiiba.

Dekadda Durban ee gobolka bariga Cape oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee Koonfur Afrika iyo dekadaha kalaba waxaa laga yaabaa inay ku dhibaatoonayaan sidii ay adeeg dhamaystiran oo dhanka shidaalka ah ugu heli lahaayeen maraakiibta tiro beelka uu ku qulqulaya halkaas.

Masuuliyiinta Koonfur Afrika ayaa u arka in tani tahay fursad dhaqaale oo ay ka heli karaan maraakiibta ganacsiga ee hadda u weecatay inay isticmaalaan marinka cirifka koonfureed ee qaarada Afrika.

"Haddii aad eegto dayactirka dekedaha ama adeegyada bakhaarada, hoteelada shaqaalaha, ama xamuulka iyo duullimaadyada, socdaalkaan dheeriga ah wuxuu siinayaa Koonfur Afrika soo laabasho weyn iyo fursad dhaqaale iyo ganacsi." Ayuu yiri Maamulaha Rugta Ganacsiga Badda ee dalkaas Unathi Sonte ayaa yiri.

Basle nasiib darada jirta ayaa ah in dekada Durban aysan lahayn daryeel ku filan maraakiibta, sababtoo ah dhibaatooyinka ciriiriga ee ka jira dekada. Sidaas si lamida waxay iyana caqabad ka jirtaa dekada Cape Town laakiin maamulka ayaa ku howlan xalinta arintaasida

xiisadaha badda cas

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Kanaalka Suweys, mid kamida marinada ganacsiga ee ugu muhimsan caalamka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sid ay ku warantay shirkada sharciga marakiibta ee Clyde & Co, qaybta dhigaalka xamuulka ee banaanka dekada Durban ayaa hoos u dhacday intii u dhaxaysay 23 ilaa 30-koo November sanadkii hore taas oo kaliftay in ku dhawaad toddobaatan iyo sagaal markab oo sida lixdan kun oo konteenar ay ku qasbanaadaan inay badda ku jiraan.

Haya’adda dekadaha Koonfur Afrika ee lagu magacaabo ‘TNPA‘ ayaa xaqiijisay inay kordheen tirada maraakiibta imaanaya dekadaha magaalooyinka Cape Town iyo Durban.

Afhayeen u hadlay haya’adda ayaa sheegay in maamulku Dekadaha Qaranku hirgalinayaan qorshe soo kabasho ka dib hoos u dhaca jira ee ka dhashay saxmada safafka maraakiibta konteenarada sida ee ku xiranaya dekadaha.

Dave Murray oo ah agaasimaha ‘AMSOL’, ahna xeeldheere xaga baddaha ah, ayaa rumaysan in kororka ciriiriga ka jira dekadaha Koonfur Afrika aysan wali gaarin meel sare laakiin taas la ogaan karayo marka labaatan boqolkiiba maraakiibta ay ka guuraan isticmaalka Kanaalka Suweys.

Ismaandhaaf xagga cashuurta ah

weerada badda cas

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Dekedda Durban waa tan ugu weyn Koonfur Afrika waana mid ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka.

Khilaaf canshuureed oo muddo dheer socday ayaa sidoo kale keenaya ciriiri kaas oo u dhaxeeya Adeegga Dakhliga ee Koonfur Afrika (SARS) iyo shirkadaha bixiya adeegyda iyo shidaalka maraakiibnta ee Algoa Bay, taas oo iyana la macno ah in adeegyadu sii yaraan karaan.

Bishii la soo dhaafay ee Sebtembar, waaxda canshuuraha ee Koonfur Afrika ayaa shaqada ka fariisisay shan markab oo nooca qaybiya Shidaalka maraakiibta, Rugta ganacsiga baddaha ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dowladu xaliso dhibataada ka jirta canshuuraha lana sii daayo maraakiibta si adeegu uusan u galin khalkhal.

Agaasimaha rugta ganacsiga baddaha ee Koonfur Afrika Sonti iyo Dave Murray ayaa labaduba qaba in tani dalka ku keeni karto fursad dabahiya oo lunta.

Fursadaha Dahabiga ee K/Afrika ka Lumi kara

xiisada badda cas

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Shirkadaha Maraakiibta waaweyn oo ka baaqsan kara ina ku hakadaan Koonfur Afrika

Falanqeeyaha arimaha dekadaha Eleanor Hadland ayaa qabta in maraakiibta badankoodu ay ka weecanayaan ayna doorbidayaan inaysan ku hakan deakaha dalka Koonfur Afrika caqabaha jira owgeed

Waxay sheegtay in ay jiran warbixino sheegaya in dibu dhacyo ku yimaadeen maraakiibtii doonaysay inay shidaan ka qaataan dekadaha Koonfur Afrika basle tani ay saamayn karto qayb yar oo ka mida maraakiibta.

iyadoo sii shaxaraysa dhibaatada iyo fursadaha ayey sheegtay in maraakiibta waaweyni ay la qabsan doonaan masaafada dheeraadka ah ah iyada oo loo marayo qorshaynta istaraatiijiyadeed ee xarumaha shidaalka ee xarumaha shidaalka ee waaweyn ee labada dhinac ee dariiqa beddelka, sida Singapore, Fujairah iyo Gibraltar.