Ma dhici kartaa in saynisyahannada ay xal u heleen siraha ku duugan Ahraamta Masar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saynisyahannada ayaa rumeysan in ay xal u heleen siraha ku duugan sida 31- ka ahraam, oo uu ku jiro kan caanka ah ee Giza looga dhisay dalka Masar 4,000 oo sano ka hor.
Koox cilmi baarayaal ah oo ka socda Jaamacadda North Carolina ee Wilmington ayaa rumeysan in ahraamtu u muuqdaan in lagu dhinac dhisay qayb Webiga Nile ka tirsan oo aasantay – taas oo hadda ku qarsoon dhulka saxaraha ah iyo kuwa beeraha.
Sannado badan, culimada taariikhda raadadkii hore ayaa aaminsanaa in Masaaridii hore ay isticmaaleen marin biyoodyo dhaw si ay uga soo gudbiyaan alaabaha, sida dhagaxda looga baahnaa dhismaha ahraamta.
Laakiin ilaa hadda, ‘’ma jiro qof huba halka, qaabka, cabirka ama masaafada uu marin biyood kaasi u jiray halka ay dhab ahaantii ku yaalaan ahraamtu’’, sida laga soo xigtay mid ka mid ah qorayaasha cilmi baaristan, Prof Eman Ghoneim.

Xigashada Sawirka, Eman Ghoneim/UNCW
Dadaal qaaradaha isaga kala gudbay, koox cilmi baarayaal ah ayaa adeegsaday raadaarka sawirrada dayaxgacmeedka, khariidado taariikhi ah, sahmin juquraafiyadeed, iyo farsamo ay isticmaalaan culimada raadadkii hore darsa oo ah in ay cadeymo ka soo saaraan muunado la qaaday si ay u soo saaraan qaybta webiga – ee ay rumeysan yihiin in uu ku aasmay abaarihii waaweynaa ee ku dhuftay halkaas iyo bacaad kumanaan sano ka hor ah.
Daraasadda lagu daabacay wargeyska Nature ayaa lagu sheegay in kooxda ay u suurtagashay ‘’in bacaadka hoostiisa ka soo saaraan sawirro leh astaamo qarsoon’’ iyagoo adeegsanaya teknolojiyadda raadaarka.
Astaamahaas waxa kamid ah ‘’webiyo aasmay iyo dhismayaal hore’’ kuwaas oo ku dhinac yaal buuro, oo badankood ku dhinac yaala ahraamta qadiimiga ah ee Masar, sida ay sheegtay Prof Ghoneim.

Xigashada Sawirka, Suzanne Onstine
Iyadoo la hadlaysay BBC, mid ka mid ah dadka qoray cilmi baaristan, Dr Suzanne Onstine waxa ay tiri ‘’in la xadiddo meesha asalka webigu ahaa iyo helitaanka xogta muujinaysa in uu jiray marin biyood loo isticmaali jiray in waxyaabaha culus, qalabka, dadka, iyo wax kasta, ay dhab ahaantii naga caawin lahayd inaan sharaxno qaabka loo dhisay ahraamta’’.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cilmi baarayaasha ayaa ogaaday in kanaalka webiga Nile ee lagu magacaabi jiray Axramat oo macno ahaan luuqada carabiga ku noqonaysa ‘’al-ahramaat’’ – uu dhirirkiisa gaarayay 64km (39 mayl), balaciisuna wuxuu u dhaxeeyay 200-700 mitir (656-2,296 ft).
Waxayna ahaayeen 31 ahraam, kuwaas oo la dhisay intii u dhaxeysay 4,700 iyo 3,700 oo sano ka hor.
Darsaaddan cusub ee muujineysa jiritaanka kanaal webi ah, ayaa gacan ka geysan doonta in la sharaxo xajmiga u dhaxeeya ahraamta Giza iyo Lisht (halka xabaalaha u ahayd boqortooyadii dhexe), oo hadda ah dhul aan loo dhawaan karin oo lama dagaan ah.
Sida uu qoray wargeysku, qaybta kanaalka webiga ee ku dhaw ahraamta ayaa muujinaysa in uu ahaa ‘’mid shaqeynayay intii lagu jiray marxaladdii dhismaha ahraamta’’.
Dr Onstine ayaa sharraxday in Masaaridii hore ay suurtagal u ahayd ‘’in tamarta webiga u adeegsadeen qaadista waxyaabaha culus, intii uu aadanuhu qaadi lahaa,’’ iyadoo intaa ku dartay, ‘’waa dadaal aad u yar’’.
Webiga Nile waxa uu ahaa mid muhiim u ah nolosha Masaaridii hore – illaa maantana muhiimadaas ayu leeyahay.













