Ma saxbaa sida aan u isticmaalno Baraha Bulshada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah. Mana u muuqato in wax badan ay iska beddeli doonaan mustaqbalka dhow.
Isticmaalka Facebook ayaa kor u sii kacaya iyadoo celcelis ahaan isticmaaleyaashu ay hadda kor u dhaafaan 50 daqiiqo maalin kasta, haddaba daraasadaha qaar ayaa ayaa muujinaya in waqtiga badan ee aan ku bixinno Facebook, ay yaraaneyso farxadda.
Baraha bulshada runtii waa qalab awood leh oo lagu sameeyo xiriirro macno leh, kaliya waa in aan si habboon u isticmaalnaa. Waa dubbe ama faash oo kale, waxa aad u isticmaali kartaa in aad ku dhisto wax qurux badan ama waxa aad ku geeysan kartaa dhibaato.
Baraha Bulshadu waxay noqon karaan sida sokorta oo kale, sokortu waa ay macaan tahay laakin haddii aad iska badiso isticmaalkeeda waxa kaa soo gaari kara dhibaato. Sidaasi si la mid ah istcmaalka Baraha Bulshada ayaa la mid ah.
Ma aha mid wanaagsan ama xun, ee waa uun aalad. Markaa taasi waxay ka dhigan tahay in ay qofka ku xiran tahay in uu go'aamiyo sida uu rabo in uu u isticmaalo qalabkaasi si uu u wanaajiyo noloshiisa oo aanay u xumaan.
Soomaalida iyo isticmaalka Baraha Bulshada
Waxaa sanadihi danbe soo badanayey isticmaalka Baraha Bulshada ay isticmaalaan soomaali badan gaar ahaan Tiktok , Facebook, Youtube iyo Snapchat, Twitter iyo qaar kale oo badan.
Cabdalla Macallin Maxamuud oo ah qabiir internetka ah oo deggan magaalada London ayaa BBC u sheegay in isticmaalka Baraha Bulshada ay leeyihiin faa’ido iyo qasaare labadaba.
Dhanka faa’idada waxa ka mid ah in sida uu sheegay Cabdalla in dadku ay tagaan jamaacad ama macaahid ay lacag badan ku bixiyaan laakin hadda waxa ay heli karaan waxyaabo badan oo lacag la’aan ah oo ay ku kobcin karaan aqoontooda iyo xirafadooda , waxa kale oo jira macalimiin wax ku dhiga dhanka Baraha Bulshada sida xifdinta Qur’aanka iyo culuun kale.
Waxa kale oo loo istcimaalaa dhanka ganacsiga, iyada oo dad badan oo dalkii jooga uu u furmay adduunka oo dhan iyagoo ku soo bandhiga ganacsigooda . Tan kale oo ay Baraha Bulshadu ay ku wanaagsan yihiin waaa xiriirka bulshada maanta oo ay bulshada Soomaaliyeed ay ku kal firirsan yihiin adduunka o dhan.
Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale u usticmaalo barnaamijyadooda siyaasadeed si ay dadka u gaarsiiyaan ajendahooda siyaasadeed.
Isticmaalka dhanka xun ee Baraha Bulshada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka xun waxaa ka mid ah in dad badan oo dhalinyaro ah ay waqtigooda qiimaha badan ku bixiyaan Baraha Bulsahada iyagoo u isticmaalo si aan nidaamsaneyn, “ waxa ay raadiyaan in uu marba muqaal usoo baxo, marba qoraal usoo baxo marna dood ay ka qeeyb galaan taas oo aan macno badan u lahayn” ayuu yiri Cabdalla Macalin Maxmuud oo sharraxayey dadka aan sida nidaamsaneyn u isticmaala Baraha Bulshada.
“ Habeen dhaweyd waxa aan arkay qof talo i weeydiisanaya oo dhahaya 48 saacadood ayaan ku soo jeeday Baraha Bulshada iyada oo aan wax aan macno lahayn aan ka doodayey” ayuu intaas raaciyay Cabdalla Macalin.
Qabiir Cabdalla waxa uu sheegay in isticmaalka badan ee Baraha Bulshada ay ka dhalan karto niyad jab iyo walaahoow taas oo keeni karta ugu danbeytii inay saameeyn badan ku yeelato dhimirkiisa iyo maskaxdiisa
Maxay dhaqaatiirta dhimirka ka yiraahdeen isticmaalka waqtiga badan ee Baraha Bulshada
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Baaritaano badan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in isticmaalka Baraha Bulshada oo si khaldan loo isticmaalo ay keeni karto xanuunada dhimirka ,sida uu BBC u sheegay Dr Cabdirashiid Maxamuud Takar oo ah dhaqtar dhanka dhimirka ah oo ka shaqeeya cisbitaallada UK, gaar ahaan magaalada Leicester “waxaa ka mid ah in qofka ay kalsooni xumo ku abuuranto, dadka qaar iyagoo isticmaalaya baraha bulshada in haddana bulshadii uu ka dhex baxo qofka oo uu kali noqdo”.
Dadka qaar marka ay arkaan dadka kale oo ay kula xiriiraan Baraha Bulshada in dadka qaar ay run u maleeyaan markii ay arkaan muuqaallo dad faraxsan oo nolol faraxsan ku nool oo wax walba haysta in taasna ay ku keento in ay isku arkayaan dad liita oo dadka kale ka hooseeya taasina ay mararka qaarkood ay keento niyadjab iyo walbahaar.
Dr Takar wax uu sheegay in Isticmaalka Baraha Bulshada uu yahay wax faa’ido leh haddii dariiqa saxda ah loo isticmaalo laakin waxa uu sheegay in dadka qaarkii ay qabatimeen si la mid ah sida loo qabatimo daroogada. “ Qofku hadii uu isticmaalo wax ka badan afar ama shan saacadood maalintii waxa uu noqonayaa qof qabatimay oo aan noloshiisii caadiga ahayd aan wadan karin”.
Dr Takar waxa uu sheegay in dadkaasi loo daweeyo si la mid ah sida loo daweeyo xanuunada kale ee dhimirka. Waxa ugu horeeya waa in uu dhimo buu yiri isticmaalka Baraha Bulshada , in uu aamino in uu noloshiisa wadan karo isagoo muddo badan Baraha Bulshada ku jirin. Waxaan loo yeelaa dhaqtar gaar ah oo kala sheekeeysta arimahaas si loo fahansiiyo in uu isticmaalka dhimo.
Dadka qaar ayaa u isticmaala in dadka kale ay u caga jugleeyaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan ayaa lagu sameeyaa in loo hanjabo iyo in la handado, in laga duubo muuqaallo lagu cabsi gelinayo oo “ la leeyahay haddii waxa aan u baahanahay aad sameyn weyso waad ogtihiin waxa aan sameyn doono mustaqbalka".
Cabdalla oo ka hadlayey dhanka anshaxa iyo dhaqanka waxa uu sheegay in dhalinyaro badan ay taas sii luminayaan “ Waxyaabo badan oo ay dadku markii hore ka xishoon jireen ayaad arkeysaa in maanta si fudud Baraha Bulshada looga hadlayo”.
Maxaa keenay in dhalinyaradu ay kusoo bataan isticmaalka Baraha Bulshada
Soomaaliya marka la eego dadkeeda 70% waxaa lagu tiriyaa in ay da’doodu ka yar tahay 30 jir , sidoo kale waxa aad u sarreysa shaqo la’aanta maadaama dalku uu ku soo jiray muddo dheer dagaallo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed.
Waddamada qaar hadda waxa ay sameeyeen shuruuc wax looga qabanayo dadka Baraha Bulshada dhexdooda ugu hanjaba dadka kale iyo kuwa soo bandhiga waxyaabo wax u dhimaya amniga waddanka, laakin weli lama sameyn sharci caalami ah oo la leeyahay dunida oo dhan ayuu quseeyaa.
Soomaaliya wax ay la mid tahay dalalka dunida sedexaad oo ay shuruucda Baraha Bulshada ay jilacsan yihiiin amaba aanay ka jirin, mana jiraan xeerar sharci ku dhisan oo si wanaagsan u nidaaminaya isticmaalka Baraha Bulshada taas oo keeneysa in aan la dabagelin qofka soo geliyo waxyaabo xadgudubka ku ah dadka kale.













