Sida uu ku soo caan baxay, ugana dhex muuqday siyaasadda Slovakia Ra’isul Wasaaraha la dhaawacay

Xigashada Sawirka, Reuters
Robert Fico awooddiisa ayaa mar kale ka dhigtay ninka ugu sarreeya siyaasadda Slovakia, inkastoo fadeexado soo noqnoqday ay hareeyeen.
Hadda dhakhaatiirta qaliinka ayaa dagaal kula jira sidii ay naftiisa u badbaadin lahaayeen, kaddib isku day dil oo dabo socday kulan dawladdu ku lahayd magaalo yar.
Guuldarradiisii ugu dambeeysay waxay ahayd 2018, markaas oo dibad baxyo waaweyn oo dhacay ay keeneen in uu is casilo, waxayna dabo joogtay dilkii weriye baare ah iyo gacalisadiisii.
Taasi ayaa keentay in madaxweyne Andrej Kiska oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta ay is hayeen Robert Fico uu siyaasadda ku soo laabto.
‘’Meelna uma socdo. Ha welwelin,’’ ayuu yiri. Wuu saxsanaa.
Si dhakhso leh ayuu dhicitaankiisii ku yimid – waxaana si fudud ku baddalay oo ra’iisul wasaare noqday Peter Pellegrini oo xisbigiisa ka tirsanaa – Fico ayaa u muuqday mid siyaasaddiisu dhulka gashay.
Kaddib guuldaradii cusleyd ee gaartay xisbigooda bidixda ee Smer, Pellegrini xilka ayuu ka tagay, isagoo sameeyay xisbiga bidix dhexe ee Hlas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin mushkiladihii Covid19 ayaa fursado cusub u abuuray Robert Fico. Wuxuu bilaabay in uu ka soo muuqdo dibad baxyadii waaweyn ee ka dhanka ahaa xanibaaddaha cudurka Covid19 ee ay soo rogtay dawladda xisbiga midig dhexe.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dibadbaxayadaas ayaa noqday kuwo si isa soo taraya u sii xumaanayay, waxaana madax u noqday Fico, waxaana uu ka soo muuqan jiray mudaharaadyada carada wata, isagoo gacanta ku wata makarafoon, mar baana la xiray.
Cudurka Covid19 markii uu hoos u dhacay ka hadalkiisa , waxa uu helay kiis cusub – Ukraine.
Doorashooyinkii bisha September 2023 ayuu ku guuleystay - qayb ahaan – mucaahaddadiisii ahayd in uu u dirayo ‘’kaliya maaha rasaas’’ Kyiv, isagoo balan qaaday in uu baddalayo siyaasadda dawladdu ku hubeynaysay Ukraine madaafiicda, hubka culus iyo xitaa diyaaradaha dagaalka.
Kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinka, wuxuu isbahaysi la sameystay Peter Pellegrini – oo markii dambe ku ballan furay – sidoo kale xisbiga Slovak National – waxa xoogeystay siyaasaddiisa.
Bishii Febraayo, markii dunidu xuseysay sanad guuradii labaad ee dagaalka Ukraine, Fico waxa uu ku celceliyay diidmadiisa siyaasadda reer galbeedka ee hubeynta Kyiv.
Ma jiro xal milatari oo khilaafka wax ka tari kara, ayuu yiri, iyo u diridda hub ee Ukraine, kaliya waxa uu sii kordhin doonaa xabaalaha waddamadaas.
Wuxuuna intaa ku daray in marnaba aanu Ruushku ka tanaasuli doonin gobolka Crimea, ama qaybo kamid ah bariga gobolka Donbas, wuxuuna ku booriyay Kyiv in ay hubka dhigto oo ay wax ku raadiso nabad.
Fico waxa uu sheegay in Vladimir Putin ay si ‘’khalad ah u fahmeen’’ reer galbeedku.
Intii lagu jiray lixda bilood ee uu xafiiska joogay, isaga iyo isbahaysigiisa waxay gacanta ku dhigeen hay’adaha dawladda.
Waxay dib u eegis ku sameeyeen hannaanka cadaaladda dambiyada oo uu ku jiro xafiiska dacwad oogaha, kaas oo 20 sano kahor loo aasaasay in uu baaris ku sameeyo dambiyada waaweyn iyo musuqa.
Xafiiskan ayaa gacanta ku hayay dambiyadii dilka ahaa ee uu galay Kuciak, kaddib lix sano, waxa uu u muuqdaa mid aan natiijadiisa la helaynin.

Xigashada Sawirka, EPA
Telefishanka qaranka – RTVS – ayaa lagu wadaa in la damiyo, waxana lagu badali doonaa mid cusub, isagoo loo sameynayo agaasime cusub.
Fico waxa uu sheegay in telefishanka uu khilaaf joogta ah ku noqday xukuumaddiisa, tanina aanay habooneyn, xaaladdana lagu xalin karo oo kaliya in la badalo.
Dadka waxa indha indheeya – oo ay ku jiraan mucaaradka, guddiga Midowga Yurub iyo Midowga Warbaahinta Yurub – ayaa uga digay in talaabadan ay dib u dhac ku noqon doonto xoriyadda saxaafadda ee Slovakia.
Baarlamaanka ayaa bilaabay in uu si qoto dheer uga doodo soo jeedintan aroornimadii Arbacada, hayeeshee markii uu soo baxay warka toogashada ayaa si dhakhso ah loo joojiyay dibadbax ay dhigi lahaayeen qolyaha mucaaradka oo ka soo horjeeday hindisahan.
Warar warbaahintu aanay xaqiijin ayaa sheegay in nin hubeysan oo la sheegay in u yahay 71 jir ka soo jeeda koonfurta Slovakia oo ka xanaaqsan hindisaha xiritaanka telefishanka uu fuliyay weerarka. Dhinaca kale suxufiga baarista sameeya ee reer Hungary ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay uu horey uga tirsanaa kooxda sida milatariga u tababarran ee raacsan Ruushka.
Ninka toogashada geystay ayaa si faahfaahsan waxaa uga warramay warbaahinta Slovakia, laakiin ma cadda sababta uu weerarka u geystay iyo waxa ku riixay.
Si kastaba ha ahaatee, siyaasigan 59 jirka ah ee ruug caddaaga ah Fico, haddii uu ka kaco isku dayga lagu khaarajin rabay waxa uu ka sii qaadi doonaa awood cusub.













