Maxamed, ninka lagu naaneyso "The Fly" ee sida layaabka leh uga baxsaday gaarigii xabsiga lagu geynayay

Maxamed Camra

Xigashada Sawirka, AFP / Getty

Qoraalka sawirka, Maxamed Camra oo ka baxsaday gaari yar ayaa uu Maxabuus ku ahaa

Maxamed Camra oo ka baxsaday gaari yar oo uu Maxabuus ku ahaa ka dib markii ay soo weerareen kooxo hubeysan ayaa la sheegay in uu xiriir la lahaa koox burcad ah oo ku sugan magaalada Marseille ee dhacda koonfurta dalkaasi, halkaasi oo ay dhibaato ku hayaan kooxo lala xiriirayo daroogada. gacan ka hadal.

Amra oo loo yaqaan "The Fly" ayaa laga soo kaxeeyay maxkamad, waxaana loo waday xabsi ku yaalla magaalada Rouen oo u dhow Paris Talaadadii markii gaari uu ku horgooyay gaarigii uu saarnaa maxamed, waxaana rasaas ku furay rag hubeysan.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in 30-jirkan lagu helay dambi ah inuu dhac geystay 10-kii May, waxaana sidoo kale dacwad oogayaasha ku eedeeyeen in Marseille uu ka geystay afduub sababay dhimasho.

Waxaa lagu hayay xabsiga Val de Reuil, oo u dhow Rouen, waxaana la sheegay inuu ka soo muuqday maxkamad u dhow ka hor weerarka gaadmada ah.

Dacwad-ooge Laura Beccuau, ayaa Amra ku tilmaantay inuu ahaa maxaabuus khatarta ah.

Gaariga uu saarnaa ayaa la sheegay inay ilaalinayeen shan askari oo ah kuwa ilaalada xabsiyada ah.

Qareenkiisa, Hugues Vigier, ayaa sheegay in Amra uu horay u sameeyay isku day baxsasho dhammaadka toddobaadkii la soo dhaafay ka dib markii isku dayay inuu jaro bilara qolkiisa, taas oo uu sheegay inuu aad uga naxay tallaabadaas "macnaha la'aanta ah" iyo "waalida ah".

Dhanka kale Hooyada dhashay Amra ayaa sheegtay in uusan ka muuqan saansaan muujineysa inuu uu isku dayi doono in uu baxsado.

Amaara

Xigashada Sawirka, AFP / Getty

Qoraalka sawirka, Waa loo yaqaanay The fly

Waxay sheegtay in ay ku soo booqatay xabsiyo dhowr ah oo uu ku xirnaa, laakiin "Waligiis waxba ma uusan ii sheegin, ma fahmin", ayay tiri hooyadii.

Waxay sheegtay inay ilmadu ceshan weysay ka dib markii ay maqashay weerarka gaadmada ah.

Waxa lagu xiray xabsiyo kala duwan oo ku yaal Marseille, Paris iyo Rouen intii lagu jiray dacwadda sharciga ah ee ka dhanka ah xatooyada, taasoo keentay in lagu xukumo 18 bilood oo xarig ah.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo sida ay u soo weerareen kooxda burcadda ah gaarigii uu maxabuuska ku ahaa Maxamed Amaara.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu horey ugu xukumay 13 dembi oo u badnaa dambiyo fudud, oo ay ku jiraan baabuur wadista ruqsad la'aan ah, xatooyo iyo inuu sameeyay amar diiddo booliska ah, sida uu sheegay BFMTV.

Si kastaba ha ahaatee saamaynta uu ku leeyahay dhimashada nin ka soo jeeda Dreux oo u dhow Rouen oo lagu afduubay Marseille falal la xidhiidha ka ganacsiga daroogada ayaa muujineysa ku lug lahaanshiyaha dembiilayo waaweyn.

Weerarka lagu sii daayey ayaa yimid isla maalintii uu aqalka senate-ka Faransiisku daabacay warbixin uu uga digayo Faransiiska in uu "ku quusiyo" dambiyada daroogada.

Ka ganacsiga maandooriyaha ayaa ku fiday dalka Faransiiska oo dhan, isagoo soo xitaa gaaray dhulka miyiga ah iyo magaalooyinka dhexdhexaadka ah, ayay tiri.

"Faafidda dambiyada maandooriyaha ma aha oo kaliya natiijada maafiyada ajnabiga ah, sidoo kale waa shaqada hay'ado Faransiis ah oo habaysan ," ayaa lagu yiri warbixinta.

Shalay Nicolas Bessone, oo ah dacwad oogaha gobolka Marseille, ayaa u sheegay telefishinka France 2 in kooxaha daroogada ay yihiin kuwa dhaqaale iyo awood isku darsaday oo xitaa waxay ku guulaysteen inay dhex galaan nidaamka maxkamadaha ee Marseille, iyagoo musuqmaasuqaya shaqaalaha rayidka ah.

Ku dhawaad 50 qof ayaa lagu dilay toogashooyin la xiriira maandooriyaha oo ka dhacay Marseille sannadkii hore.