Dowladda Ingiriiska oo raadinaysa inay u shaqaaleysiiso Tareenada darawaliin da'yar

Waddo tareen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Britain ayaa qorsheyneysa inay hoos u dhigto da'da ugu yar ee darawallada tareenada ee 20 ilaa 18 si ay dhallinyaro badan u helaan fursad ay ku shaqeeyaan.

Soo jeedinta lagu dhimayo da'da ugu yar ee uu qofka ku kaxeyn karo Tareen ayaa la doonayaa in laga dhigo 18 sano , waxaana hindisahan dolwadda uu imika marayaa marxaladda wadatashiga.

Wadatashigan ayaa socon doona ilaa 13-ka bisha June ee sanadkan, hadii aan laga hor imaanna, sharciga hadda jira ayaa lagu wadaa in wax laga bedelo.

Tirada darawallada tareenada ee UK ee lagu wado inay howlgab noqdaan shanta sano ee soo socota ayaa kor u qaaday walaaca laga qabo in gabaabsi dhanka darawalada uu dhaco.

Sida qorshuhu yahay, ardayda dugsiyada ka soo baxda waxay noqon karaan darawal tareen ka dib markay dhammeeyaan tababar shaqo.

Tareen

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Ururka Tareenada oo soo dhaweeyay

Hugh Merriman, oo ah agaasimaha guud ee tareenada Ingiriiska, ayaa sheegay in waaxda gaadiidka ay rabto inay fursado shaqo siiso dhalinyarada doonaya inay ka shaqeeyaan waaxda gaadiidka.

Waxa uu intaa ku daray in haddii la dhimo da'da uu qofka ku noqon karo wade Tareen , ay awood u yeelan doonaan inay shaqaaleysiinayaan darawallo badan islamarkana ay horumariyaan adeegyada Tareenada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qorshahan waxaa soo dhaweeyay shirkadaha Tareenada iyo iyo ururka wadayaasha tareenada dalka ee UK.

Xoghayaha guud ee ururka Mick Whelan, ayaa sheegay in ay qasab tahay in la helo darawalo ku filan oo dabooli kara dhammaan saacadaha shaqada.

Waxaa uu sidoo kale ka soo horjeedsaday in darawalada hadda howlgala ay shaqeeyaan saacado dheeraadka ah marka darawalkii kale ee shaqada ku jiray uu fasax yahay.

Waqtigan xaadirka , habka tababarka ee wadista tareenka iyo helitaanka xirfadaha lagama maarmaanka ah ee UK waxay u baahan tahay hal ilaa laba sano oo tababar ah.

Natiijooyinka ka soo baxay daraasad la sameeyay ayaa muujinaya in celceliska da'da darawallada tareenada ee UK ay tahay 46 sano jir, badankooduna waa rag islamarkana ay darawalada ay caddan u badan yihiin.

Sida laga soo xigtay Akademiyada Xirfadaha Tareennada ee Qaranka, 10kii darawalba hal keliya ayaan caddaan ahayn, tirada haweenkana waa ka sii yar tahay.

Waxaa sidoo kale aad u yar tirada darawalada dumarka ah ee xilligan wadayaasha ka ah Traeenada dalka UK.

Ururada shaqaalaha iyo dawlada oo isku khilaafay mushaharka iyo xaaladaha shaqada ayaa marar badan keenay shaqo joojin ay sameeyeen wadayaasha tareenada ee UK ama hakad ku yimaada adeegyadii gaadiidka.

Marka loo eego tirakoobka, celceliska mushaharka sannadlaha ah ee darawalka tareenka ee waddanka Ingiriiska qiyaastii waa 60 kun oo oo ah lacagta ingiriiska ee Pound-ka.