Maxaa awoodda militeri ee Soomaaliya sannadkan iska badalay, kaalintee ayayse kaga jirtaa liiska caalamka?

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga
Qiimeynta Global Firepower ee sannadkan 2025-ka ayaa waxaa laga qeyb geliyay 145 dal, waxaana la tixgeliyay in ka badan 60 waxyaabood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed, iyo agabyada la heli karo. Qodobbadani waxay si wada jir ah u go'aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasoo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan.
Caadiyan sannadkan liiska waxaa xoggaaminaya Mareykanka, halka Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya ay soo kala galeen kaalmaha labaad, saddexaad iyo afaraad.
Kuuriyada Koonfureed, Ingiriiska, Faransiiska, Japan, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa galay sidoo kale ka mid ah 10-ka dal ee ugu horreeya liiska kala horreynta ee ay soo saartay Global Firepower.
Halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa liiska sanadkan 2025-ka?

Xigashada Sawirka, WASAARADDA GAASHAANDHIGGA
Sannadkii 2022 Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 138-aad waxaana ka dambeeyay waddamada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jiray kaalmaha 139-aad iyo 140-aad. Waxaana markaas la qiimeeyay 140 dal.
Sannadkii 2023-kii Soomaaliya waxay liiska ka gashay kaalinta 142 waxaana ka dambeeyay 3 waddan oo kala ahaa Maldova, Benin iyo Bhutan.
Sannadkii dhamaaday ee 2024-kiina Soomaaliya ayaa gashay liiska awoodaha militari ee adduunka ayaa ah 142 oo la mid ah kaalintii ay gashay sannadkii ka sii horreeyay balse waxaa kala duwan 3-da waddan ee ka hooseeya. Waxaana ka hooseeyay waddamada kala ah Bhutan, Moldova, Suriname.
Waddamadii ay sannadkii ka sii horreeyay ee 2023-ka ka sara martay waxaa ka baxay Benin oo gashay kaalinta 41-aad.
Waddamadan ay Soomaaliya ka sare martay ayaa waxay ku kala yaallaan qaaradaha Ameerika iyo Aasiya.
Sannadkan 2025-ka kaalinta Soomaaliya waxba iskama baddelin oo waxay ku jirtaa isla kaalintii ay sannadkii hore gashay oo ahayd 142. Waxaana sannadkan ka hooseeya 3 waddan oo kala ah Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Benin iyo Bhutan.
Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqatay inay saddexdii sano la soo dhaafay sare u soo kacaysay.
Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano ka dib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka yeesheen kaas oo si aqlabiyad leh loogu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya ilaa sanadkii 1992-dii.
Sidaa darteed waxaa la saadaalinayaa in sanadaha soo socda ay awoodda militari ee Soomaaliya ay sare u kici doonto marka ay soo iibsato ama la siiyo hubka loo fasaxay.
Awoodda militari ee Soomaaliya ee 2025

Xigashada Sawirka, WASAARADDA GAASHAANDHIGGA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.
1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da'dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.
Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.
Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya
Wargeyska ayaa sannadkan qoray in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.
Hase yeeshee waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay haysato 65 oo ah gawaarida gaashaaman.
Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.
Awoodda Ciidamada Badda - Soomaaliya
Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3, halka tirada ciidamada baddana uu wargeyska ku sheegay inay gaarayaan ilaa 300.
11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.
Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.
Awoodda Ciidanka Cirka - Soomaaliya
Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Hase yeeshee tirada ciidamada cirka ayuu wargeyka ku sheegay inay tiro ahaan yihiin 300 oo askari.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga - Soomaaliya

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.
Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay sare ugu qaaddo awoodeeda militari ayaa lagu qiyaasay 13, 190,000,000 oo doolarka Mareykanka ah.
Deynta dibadda waa 5, 300,000,000 halka sannadkii hore ay ka ahayd.
Muhiimadda Juqraafi ahaan - Soomaaliya
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.
Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.
Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.
Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.













