Yoon Suk Yeol: Waa kuma madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ee ugu dambeyn lasoo xiray?

Kuuriyada Koofureed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saraakiisha Kuuriyada Koofureed ayaa madaxtooyada dalkaas gaaray aroornimadii abbaare 4:20 xilliga dalkaas (19:20 GMT) si ay usoo xiraan madaxweynihii xilka laga qaaday Yoon Suk Yeol.

Waxaa ka hortegay dad aad u fara badan oo taageersanaa Yoon, iyadoo madaxweynaha uu halkaasi ku jiray ilaa bishii December.

Saraakiil booliis oo gaaraya ugu yaraan 1,000 ayaa isku dayayay inay dhowr meelood ka galaan xarunta, muddo kadibna way u suurto-gashay inay u gudbaan qolka madaxweynaha.

Waxaa xusuus mudan in sidoo kale saddexdii bishan ay sidaasoo kale gudaha u galeen madaxtooyada, balse uma suurto-gelin inay soo xiraan oo dib ayay uga soo gurteen, iyagoo sheegay inay u baqeen ammaankooda.

Xiddiggii dacwad-oogaha ee isku beddelay siyaasiga, waa madaxweynaha xukunka laga joojiyay ee Kuuriyada Koofureed Yoon Suk Yeol ayaa xilka qabtay kadib markii uu codad ka helay codbixiye-yaasha asal-raaca ah.

Balse kadib markii uu xukunka qabtay sanadkii 2022, waxaa hareeyay fadeexado shakhsiyadeed iyo mucaaradnimo xooggan oo sii kordheysay.

Markii ay dhibaatooyinkiisa siyaasadeed kordheen, Yoon ayaa xukun militari ku dhawaaqay 3-dii December wuxuuna Kuuriyada Koofureed geliyay qas siyaasadeed.

Khamaarkaasi wuxuu noqday mid fashil ku dhammaada, tan oo keentay in Yoon uu xukunka ka tuuro baarlamaanka kadibna lagu bilaabo baaritaanno dembi.

Yoon ayay haatan ciidamada dalkaas u suurto-gashay inay soo xiraan kadib muddo la geli waayay madaxtooyada oo uu dhigay ciidan xooggan.

Kuuriyada Koofureed

Muuqaal uu soo duubay, ayaa madaxweynaha la xiray Yoon Suk Yeol wuxuu ku sheegay inuu oggolaaday inuu kasoo hor muuqdo Xafiiska Baaritaanka Musuqmaasuqa, oo hogaaminaya kiiska isaga ka dhanka ah.

"Maanta, kadib markaan arkay shakhsiyaadkan oo adeegsanaya qalabka dab-damiska si ay ugu soo galaan aagga amniga, waxaan go'aansaday inaan aqbalo codsiga Xafiiska Baaritaanka Musuqmaasuqa ee ah inaan iskeey u soo muuqdo, inkastoo uu yahay baaritaan sharci-darro ah, si aan uga hortago wax shilal nasiib-darro ah iyo rabshado. Si kastaba ha ahaatee, ma aqoonsani sharciyadda baaritaanka uu wado Xafiiska Baaritaanka Musuqmaasuqa.

Aniga oo ah madaxweynaha, oo ku dhaartay inuu ilaaliyo Dastuurka iyo nidaamka sharciga ee Jamhuuriyadda Kuuriya, u hoggaansanaantayda nidaamyadaas sharci-darrada ah iyo kuwa aan ansax ahayn ma muujinayso inaan aqbalay. Tani waa tallaabo keliya oo looga hortagayo dhiig daadasho nasiib-darro ah." Ayuu yiri.

Waa kuma Yoon Suk Yeol?

Yoon

Xigashada Sawirka, Yoon Suk Yeol

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Yoon Suk Yeol, waxa uu ku dhashay Bomun-dong oo ka tirsan degmada Seongbuk ee Seoul, 18 Diseembar sanadkii 1960, waxa uu ku koray Yeonhui-dong, oo ka tirsan degmada Seodaemun, waxa uu ka soo jeedaa qoys waxbarasho, waana Madaxweynihii 13 aad ee Kuuriyada Koonfureed.

Waxa uu dhiganayay Dugsiga hoose ee Daegwang iyo dugsiga dhexe ee Joongrang, isaga oo u wareegay dugsiga dhexe ee Choongam ka dib markii uu dhammaystay fasalka siddeedaad, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga Sare ee Choongam.

Waxa uu laba shahaado ka qaatay Jaamacadda Qaranka ee Seoul 'Seoul National University', waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, waqtigiisii ugu badnaa waxa uu ku soo qaatay xeer ilaalin isagoo ka soo kala shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo la xiriira xeer ilaalinta, illaa markii danbe uu noqday madaxweynaha Xisbiga Awoodda Dadweynaha ee People Power Party (PPP).

Aabihii, Yoon Ki-jung, waxa uu ahaa borofaysar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Yonsei iyo xubin buuxda oo ka tirsan Akademiyada qaranka iyo Sayniska ee Kuuriya.

Hooyadii, Choi Seong-ja, waxay bare ka ahayd Jaamacadda Ewha Womans ka hor inta aysan shaqada ka tagin oo aan la guursan.

Yoon ayaa ah siyaasi iyo qareen u dhashay Kuuriyada Koonfureed, waxa uuna madaxweyne noqday sanadkii 2022, balse maanta ayaa shaqada laga joojiyay kadib golaha qaranka Kuuriya oo ka fariistay kiiska madaxweynaha oo muddo todobaad ah soo jiitamayay.

Sharci dajiyayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa horraantii December u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Yoon Suk Yeol, kaddib markii uu isku dayay in dalka uu ku soo rogo 'martial law' oo ah xukun milatari, taas oo ay ka dhasheen dibadbaxyo waaweyn oo dalkaas ka dhacay.

204 xildhibaan ayaa taageeray mooshinka, waxaana ku jira qaar ka tirsan xisbigiisa People Power Party (PPP).

Waxaa jirtay taageero dadweyne oo xoog leh oo loo hayo xil ka qaadista Yoon ra'yi uruurin dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in afar meelood saddex meel dadka Kuuriyada Koonfureed ay rabeen inay arkaan isaga oo baxay.