Maxaad ka taqaanaa madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ee maanta ay xilka ka xayuubiyeen baarlamaanku?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yoon Suk Yeol, waxa uu ku dhashay Bomun-dong oo ka tirsan degmada Seongbuk ee Seoul, 18 Diseembar sanadkii 1960, waxa uu ku koray Yeonhui-dong, oo ka tirsan degmada Seodaemun, waxa uu ka soo jeedaa qoys waxbarasho, waana Madaxweynihii 13 aad ee Kuuriyada Koonfureed.
Waxa uu dhiganayay Dugsiga hoose ee Daegwang iyo dugsiga dhexe ee Joongrang, isaga oo u wareegay dugsiga dhexe ee Choongam ka dib markii uu dhammaystay fasalka siddeedaad, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga Sare ee Choongam.
Waxa uu laba shahaado ka qaatay Jaamacadda Qaranka ee Seoul 'Seoul National University', waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, waqtigiisii ugu badnaa waxa uu ku soo qaatay xeer ilaalin isagoo ka soo kala shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo la xiriira xeer ilaalinta, illaa markii danbe uu noqday madaxweynaha Xisbiga Awoodda Dadweynaha ee People Power Party (PPP).
Aabihii, Yoon Ki-jung, waxa uu ahaa borofaysar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda Yonsei iyo xubin buuxda oo ka tirsan Akademiyada qaranka iyo Sayniska ee Kuuriya.
Hooyadii, Choi Seong-ja, waxay bare ka ahayd Jaamacadda Ewha Womans ka hor inta aysan shaqada ka tagin oo aan la guursan.
Yoon ayaa ah siyaasi iyo qareen u dhashay Kuuriyada Koonfureed, waxa uuna madaxweyne noqday sanadkii 2022, balse maanta ayaa shaqada laga joojiyay kadib golaha qaranka Kuuriya oo ka fariistay kiiska madaxweynaha oo muddo todobaad ah soo jiitamayay.
Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed oo u codeeyay in xilka laga qaado madaxweynaha
Sharci dajiyayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Yoon Suk Yeol, kaddib markii uu isku dayay in dalka uu ku soo rogo 'martial law' oo ah xukun milatari, taas oo ay ka dhasheen dibadbaxyo waaweyn oo dalkaas ka dhacay.
204 xildhibaan ayaa taageeray mooshinka, waxaana ku jira qaar ka tirsan xisbigiisa People Power Party (PPP).
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalmo ka dib cadaadiska dadwaynaha ee xisbiga PPP ayaa go'aansaday inay sharci yaqaanada u ogolaadaan inay codeeyaan, ka dib markii ay fashiliyeen dadaal hore oo lagu doonayay in xilka lagaga xayuubiyo Yoon usbuucii hore iyagoo qaadacay ka qaybgalka codka.
Waxaa jirtay taageero dadweyne oo xoog leh oo loo hayo xil ka qaadista Yoon ra'yi uruurin dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in afar meelood saddex meel dadka Kuuriyada Koonfureed ay rabeen inay arkaan isaga oo baxay.
Maxkamadda dastuuriga ah ayaa hadda haysata 180 maalmood oo ay ku xukuntay in Yoon danbi lagu soo oogo iyo in kale.
Haddii ay sharci tahay in xilka laga qaado, waa in doorashada madaxweynaha soo socota lagu dhawaaqaa 60 maalmood gudahood.
Yoon ayaa shaqada laga joojin doonaa halka ra'iisul wasaare Han Duck-soo uu la wareegi doono ku simaha madaxweynaha.
War qoraal ah oo uu soo saaray codeynta ka dib, ayuu Yoon ku sheegay in uu "si ku meel gaar ah u joojinayo safarkiisa".
"Dhaliilihiina, ammaantiina, iyo taageeradiina waxaan u qaadan doonaa qalbiga, waxaanan dalka u qaban doonaa inta karaankeyga ah ilaa dhamaadka," ayuu yiri.
Banaanka baarlamaanka, waxaa isugu soo baxay tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah inkasta oo qabowgu uu jiro, qaarkood ayaa sheegay inay sugayaan inta codaynta ay ka dhamaanayso.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay in mooshinka la ansixiyay, isla markaa, dagaalku ma dhammaan," dhaqtar lagu magacaabo Sim Hee-seon ayaa u sheegay BBC-da xilli uu iska masaxayay ilmada.
Fagaaraha Gwanghwamun, waxaa ka dhacay isu soobax lagu taageerayay Yoon, kaas oo ka duwanaa midka lagu diidanaa, balse taageerayaashiisa ayaa aamusay kadib markii ay maqleen warka codaynta, dadka qaar ayaa ku hadlay aflagaado caro leh ka hor inta aysan goobta ka isaga tagin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kuuriyada Koonfureed ayaa wajahday ku dhawaad laba toddobaad oo fowdo ah iyo hubanti la'aan ah tan iyo isku daygii Yoon ee sharciga xukunka ciidanka Talaadadii hore.
Yoon ayaa sharcigaas cugsaday xilli uu hanjabaad u dirayay "ciidamada ka soo horjeeda dawladda" iyo Waqooyiga Kuuriya.
Balse waxaa markiiba soo baxay fikrado ka horyimid tallabada uu qaaday iyadoona lagu tilmaamay inay ka dhalan karto dhibaatooyin siyaasadeed oo gudaha ka jira, oo aanay ahayn khataro dibadeed.
Saacado kadib ayuu dib uga laabtay go'aankiisa, walow markiiba ay kahor yimaadeen 190 Xildhibaan, balse markii danbe ayuu ka cudur daartay, inkasta oo khamiistii uu difaacay ficilkiisa isagoo sheegay inuu sidaas u sameeyay si uu u ilaaliyo dimoqraadiyadda dalka wuxuuna wacad ku maray inuu "dagaallamayo ilaa dhamaadka".
Hadalkaas ayaa dadka kiciyay, waxaana qiimaynta oggolaanshaha madaxwaynuhu hoos ugu dhacday heerkii ugu hooseeyay ee 11%, marka loo eego ra'yi ururin ay samaysay Gallup Korea.













