Muxuu madaxweynaha Kuuriyada koofureed si degdeg ugu dhawaaqay xukun milateri

Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa ilaalinaya albaabka golaha qaranka kadib markii madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed uu ku dhawaaqay sharciga dagaalka

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa degdeg ugu dhawaaqay xukun miilateri markii ugu horraysay muddo ku dhaw 50 sano dalkaan dimuqraadiga ah.

Go'aanka adag ee Yoon oo TV-ga qaranka looga dhawaaqay xilli danbe oo habeen ah ayaa lagu xusay amniga qaranka iyo khataraha Kuuriyada Waqooyi.

Ku dhawaaqista go'aankaas kadib ma jirin hanjabaado dibadda ah balse waxaa ka dhashay waxaa la sheegay inay salka ku hayaan dhibaatooyin siyaasadeed oo uu horay uga quustay.

Sidoo kale waxa ay keentay in kumanaan qof ay isugu soo baxaan baarlamaanka hortiisa si ay uga mudaharaadaan, waxaana ku biiray xildhibaanada mucaaradka si ay dadka ugu riixaan cod degdeg ah si meesha looga saaro tallaabada.

Waa laga adkaaday madaxweyne Yoon waxa uuna soo baxay dhowr saacadood kadib si uu u aqbalo codka baarlamaanka uuna meesha uga saaro go'aankii xukunka milateri ee uu ku dhawaaqay

Sidee wax u dhaceen?

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in madaxweyne Yoon Suk-yeol uu u dhaqmay sidii madaxweyne la go'doomiyay.

Khudbad uu jeediyay habeenimadii Talaadada, ayuu kaga hadlay isku dayga mucaaradka siyaasadeed ee ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan dowladdiisa ka hor inta uusan sheegin in uu ku dhawaaqayo xukunka milateri si loo "burburiyo xoogagga ka soo horjeeda dawladda ee dhibaatada wada".

Wareegtadiisa ayaa si ku meel gaar ah amar u siisay militariga, sidoo kale ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo booliiska ayaa la geeyay xarunta baarlamaanka sidoo kale waxaa la arkayay diyaaradaha helikobter-ka ah oo dul heehaabaya xarunta.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale soo bandhigtay muuqaalo ay ka muuqdaan ciidamo wajiyada soo duubtay oo qoryo wata oo gudaha u galaya dhismaha.

Abaaro 23:00 wakhtiga maxaliga ah ee dalkaas (14:00 GMT), milatarigu waxa uu soo saaray go’aan lagu mamnuucayo mudaharaadyada iyo dhaqdhaqaaqa baarlamaanka iyo kooxaha siyaasadda, warbaahintana la hoos geeyo dawladda.

Muwaadiniin badan ayaa isugu soo baxay bannaanka baarlamaanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muwaadiniin badan ayaa isugu soo baxay bannaanka baarlamaanka habeenimadii Talaadada si ay uga mudaaharaadaan ku dhawaaqida sharciga dagaalka ee lama filaanka ah.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakin siyaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed ayaa isla markiiba ku tilmaamay ku dhawaaqista Yoon mid sharci darro ah oo aan dastuuri ahayn.

Hogaamiyaha xisbigiisa, xisbiga muxaafidka ah ee awooda dadka, ayaa sidoo kale ku tilmaamay falka Yoon "tallaabo khaldan".

Dhanka kale, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka, Lee Jae-myung oo ka tirsan xisbiga liberal Democratic Party, ayaa ugu baaqay xildhibaanadiisa inay isugu yimaadaan baarlamaanka si ay ugu codeeyaan ku dhawaaqista.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadka caadiga ah ee Kuuriyada Koonfureed in ay isugu soo baxaan baarlamaanka iyaga oo mudaaharaadaya.

Kumanaan ayaa dhegeystay baaqa, iyaga oo ku degdegay inay isugu soo baxaan bannaanka baarlamaanka oo hadda si weyn loo ilaalinayo.

Dibad baxayaashu waxay ku dhawaaqayeen: "Ma jiro xukun milateri!" iyo "dib u dhigista kali taliska".

Warbaahinta Maxaliga ah ee ku sugan goobtaasi ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya gacan ka hadal dhex maray Mudaaharaadayaasha iyo Booliska Albaabka, balse gacan kahadalkaas ayaa la sheegay inuusan isku baddalin rabshado.

Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed, oo ay joogeen 190 ka mid ah 300 oo xubnood, ayaa u codeeyay go'aankooda, ku dhawaaqida Madaxweyne Yoon ee xukunka milateri, iyaga oo ku tilmaamay mid aan sax ahayn.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ku dhawaaqaya sharciga dagaalka khudbad heer qaran ah habeenimadii Talaadada

Sharciga ciidanku waa xukunka ku meel gaarka ah ee ay xukumaan masuuliyiinta milatarigu marka ay jirto xaalad degdeg ah, marka masuuliyiinta madaniga ah loo arko in aanay shaqayn karin.

Markii ugu dambaysay ee lagaga dhawaaqo Kuuriyada Koonfureed waxay ahayd 1979-kii, markaas oo la dilay kaligii taliyihii muddada dheer ee militariga dalkaas Park Chung-hee intii uu socday afgambi.

Kadib markii baarlamaanka dalkaasi uu qaatay dimuqraadiyadda sanadkii 1987, laguma dhawaaqin sharcigaas.

Laakin Talaadadii, Yoon wuxuu qaatay go'aan lagu tilmaamay inuu yahay mid adag kadib markii uu khudbad qaran ku sheegay inuu Kuuriyada Koonfureed ka badbaadiyo "xoogaga ka soo horjeeda dawladda".

Sida uu dhigayo xukunka milateri, awoodo dheeri ah ayaa la siiyaa militariga waxaana inta badan jirta hakinta xuquuqda madaniga ah ee muwaadiniinta iyo ku dhaqanka heerarka sharciga iyo ilaalinta.

In kasta oo ay ciidamadu ku dhawaaqeen xannibaado lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo warbaahinta, dibad baxayaasha iyo siyaasiyiinta ayaa diiday amarradaas.

Ma jirin wax calaamad ah oo muujinaya in dawladdu ay la wareegtay maamulka warbaahinta xorta ah, Yonhap, warbaahinta qaranka, iyo xarumaha kale ayaa sii wata tabintooda iyo barnaamijyadoodii sidii hore.

Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa kulmay wax yar ka dib ku dhawaaqistii Yoon ee ahayd in la joojiyo tallaabada sharciga dagaalka

Muxuu madaxweyne Yoon u dareemayay cadaadis?

Yoon waxa xilka loo doortay May 2022, kaas oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii guud ee dalka isaga oo ahaa muxaafid mayal adag.

Xukuumadiisa tan iyo waagaas ma aysan awoodin in ay gudbiso biilasha ay rabeen waxaana loogu yareeyay in ay diidaan sharciyo ay ansixiyeen mucaaradka liberaaliga ah.

Waxa uu sidoo kale arkay hoos u dhac ku yimid qiimaynta ansixinta, taas oo celcelis ahaan gaaraysa 17% waxaana dhacday in dhowr jeer la galiyay fadeexado musuqmaasuq sanadkaan kuwaas oo ay ku jiraan mid ay ku lug leedahay marwada Koowaad.

Bishii hore ayuu ku khasbanaaday inuu ka hadlo TV-ga qaranka isaga oo bixinaya raalli gelin, waxa uuna sheegay inuu samaynayo xafiis kormeeraya hawlaha marwada Madaxweynaha, balse waxa uu diiday baaris balaaran oo xisbiyada mucaaridku ku baaqayeen.

Mucaaradka ayaa asbuucaan ku dhawaaqay inay soo jeedinayaan in la dhimo sharciga miisaaniyadda dowladda kaas oo ay ku sheegeen inuu yahay mid wayn oo aan la diidi karin.

Dhanka kale mucaaradka ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ay xilka uga xayuubinayaan xubno wasiiro ah iyo dhowr xeer ilaaliyeyaal sarsare ah oo uu ku jiro madaxa hay'adda hanti dhowrka dowladda kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku guuldaraysteen inay baaritaan ku sameeyaan marwada madaxweynaha.

xisbiyada mucaaradka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hogaamiyaha xisbi mucaarad ah oo muhiim ah, xisbiga Dimuqraadiga, oo la hadlayay warbaahinta ka dib markii baarlamaanka uu u codeeyay in uu diido sharciga dagaalka subaxnimadii Arbacada

Halkee ayay wax marayaan hadda?

Ku dhawaaqida go'aanka uu qaatay madaxweyne Yoon ayaa laga cabsi qabay inay dhaqan gasho oo sharcigaas dad badan qabto, muddo saacado ah dadka Kuuriyada Koonfureed waxay ku jireen xaalad jahawareer ah oo ku saabsan waxa loola jeedo xukun milateri.

Laakiin mucaaradka ayaa awooday in ay si degdeg ah isugu yimaadaan baarlamaanka kuwaas oo haystay tiro ku filan oo ay uga soo horjeestaan ku dhawaaqista go'aankaas.

Ma cadda waxa hadda dhacaya iyo waxa ka dhalan doona go'aanka Yoon.

Qaar ka mid ah mudaaharaadayaashii isugu soo baxay bannaanka baarlamaanka ayaa sidoo kale ku qaylinayay kalmado muujinaya inay ka soo horjeedaan go'aanka madaxweyne Yoon Suk-yeol.

Arinkaan ayaa loo arkaa caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda bulshadaas dimuqraadiga ah muddo tobanaan sano ah.

Khubarada ayaa ku doodaya inay dhaawac weyn u geysan karto sumcadda Kuuriyada Koonfureed ee dimoqraadiyadda ku dhisnayd.