Dagaalka qashinka: Habka cusub ee labada Kuuriya ay isku daan-daansanayaan

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Kuuriyada Waqooyi ayaa la soo werinayaa in ay buufimooyin badan oo sida qashin iyo saxaro ay u direen xudduudda aadka loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed, sida ay baahiyeen millatariga Kuuriyada Koonfureed.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay u muuqatay in ay xadka u dirtay ugu yaraan 200 oo buufin ah oo sida qashin si ay uga aargoosato waraaqo borobogaando ah oo laga soo diray koonfurta.

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed Shin Won-sik ayaa ku tilmaamay "dhaqan hooseeya oo aan la qiyaasi Karin sida ay dawlad dhan uga suurtawda"

Kuuriyada Waqooyi ayaan weli ka hadlin buufimooyinkan u danbeeyey, laakiin Khamiistii, wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Kim Kang Il ayaa ka digay qashinka tirade badan e lagu soo daadiyo xadka ay qiimayn doonaan.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa shacabka ka codsaday in ay iska ilaaliyaan taabashada buufimooyinkaas, ciddii aragtaana ay u soo sheegaan waaxaha dawladd ee u dhaw, sida lagu sheegay bayaan Sabtidii ay soo saartay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Gelinkii dambe ee Talaadadii, dadka deggan Seoul iyo gobolka xudduudda ayaa ay soo gaadheen farriimo qoraal ah oo ka yimid mas'uuliyiinta gobolka iyaga oo ka codsanaya dadku "in ay ka fogaadaab u bixitaanka bannaanka guryahooda”

Sidoo kale waaxaha dowladda ayaa dadka ugu baaqayin in ‘walxahii aanay aqoonsan’ ee dadadku arkaan ay la soo socodsiiyaan dowladda.

Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in walxaha "ay ku jiraan waraaqaha wasakhaysan iyo qashinka" ayna baadhayaan mas'uuliyiinta ay shaqadani khuseyso.

Sawirrada buufimooyinkan qashinku ku jiraan oo dad aad u badani ku xoonsan yihiin ayaa lagu arkayey inta badan baraha bulshada.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa cambaareeyay falkaas oo ay ku tilmaameen "xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah".

Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed labaduba waxay adeegsadeen buufimooyinka hawada heehaaba ololahooda dacaayaddeed tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

Buufimooyinkan qashinka ayaa badanaa ay ku jiraan, walxo laga maarmay sida waraaqo xumaaday, sigaar la cabbay, cuntooyin hadhaa ah iyo mararka qaar saxaradii suuliga loogu talagalay.

Goobta xuduudka ayaa sida oo kale loo yaqaan aagga Millteriga ka caaggan.

Goobta militariga ka caaggan ayaa la sameeyay ka dib dagaalkii Kuuriya 1953 si loo abuuro goob ammaan ah oo labada dhinac u dhaxeysa.

Dhawrkii sano ee u danbeeyey dowladda Seoul ayaa isku dayaysay in xudduuda ay noqoto goob ammaan ah.

In hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac u dhaxeysa ayaa ka mid ahayd heshiis ay bishii September 2018-kii ay magaalada Pyongyang ku gaareen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxwaynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.