Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal kadib markii ay ku hanjabtay aargoosi

Gantaalka waxaa laga soo bandhigay warbaahinta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Japan ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday mid ka mid ah gantaaladal isaga kala goosha qaaradaha ee la yiraahdo (ICBM).

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in la billaabay Sabtidii, wuxuuna socon karaa 66 daqiiqo, isagoo ku dhacay degay badda Japan.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Pyongyang ay ku muujisay awoodeeda militari dhoolatus ay qayb ka ahaayen 12 gataallada ICBMs-ka ah.

Jimcihii, Kuuriyada Waqooyi waxay ku hanjabtay inay sameyn doonto "aargoosi xooggan oo aan horay loo arag" oo ku aaddan dhoola-tus kasta oo militari oo dhexmara Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

Dhoolatuska sanadlaha ah, ayaa bilaabanaya bisha soo socota, waxaana loogu talagalay inay ka hortagaan khatarta sii kordheysa ee nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi. Balse Pyongyang ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in dhoolatusku uu yahay mid loogu diyaar garoobayo duulaanka Kuuriyada Waqooyi.

Gantaalka Sabtidii la ganey, oo ah kii ugu horreeyay ee la rido tan iyo sanadka cusub, ayaa ku soo dhacay galbeedka Hokkaido, ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Japan ee lagu magacaabo EEZ) .

Ra'iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa yiri. “EEZ waa aag badda ka mid ah waa aag 200-mayl- u jira xeebta Japan,”.

Gantaalka ayaa ku dhacay meel aaggan u jirta 900km wuxuuna gaaray joog dhan 5,700km.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii Nofembar, ICBM wuxuu gaaray joog dhan 6,100km. Bishii Janaayo 2022, Waqooyiga Kuuriya ayaa soo saartay sawirro aan caadi ahayn oo dhulka ah iyagoo andacoonaya in laga soo qaaday gantaallo gaaraya 2,000km.

ICBM-yada ayaa si gaar ah looga walaacsanyahay baaxadda dheer, oo ay ku socdaan kuna gaari karaan dhul-weynaha Maraykanka.

Wasiirka Difaaca ee Japan Hamada Yasukazu ayaa sheegay in gantaalkii Sabtidii uu awood u lahaa inuu tan sameeyo, iyadoo laga yaabo inuu gaaro 14,000-kiiloo mitir

“Falalkan isdaba jooga ah ee ay qaaday Kuuriyada Waqooyi waxa ay khatar ku tahay nabadda iyo xasilloonida Japan iyo beesha caalamka, waana wax aan gabi ahaanba la cafin karin,” ayuu yiri Mr Matsuno.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalka laga soo riday degmada Sunan, ee waqooyiga Pyongyang, halkaasoo uu ku yaallo garoon caalami ah. Sidoo kale waa halka Waqooyiga Kuuriya ay ka bilowday inta badan tijaabooyinkii ugu dambeeyay ee ICBM.

Gantaalada ballistic-ga ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijka hubka Nukliyeerka waxaa mamnuucay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin tani kama joojin Pyongyang inay sii waddo horumarinta hubkeeda, iyo inay qabato dhoola-tus milatari oo aad u wanaagsan si ay u muujiso awoodeeda.

Wax ka yar todobaad ka hor, Pyongyang ayaa soo bandhigtay bandhigeedii ugu weynaa abid ee gantaalada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba dhoolatus milatari oo saqdii dhexe la qabtay kaas oo uu ka qayb galay hogaamiye Kim Jong-un.