Waxaan 35 saacadood ku xannibneyn mugdi- dadkii ka badbaaday doonida quustay ee Badda Cas oo ka sheekeeyay badbaadadii argagaxa lahayd

35 saacadood oo ay ku xayirnaayeen meel mugdi ah oo ka mid ah doonta qallibantay ayaa saamayn ku yeelatay Lucianna Galetta
Qoraalka sawirka, 35 saacadood oo ay ku xayirnaayeen meel mugdi ah oo ka mid ah doonta qallibantay ayaa saamayn ku yeelatay Lucianna Galetta

"Ugu dambayntii, waxaan la yaabanaa sida aan u door bidi lahaa inaan dhinto."

35 saacadood oo ay ku xayirnaayeen meel mugdi ah oo ka mid ah doonta qallibantay ayaa saamayn ku yeelatay Lucianna Galetta, codkeeda oo khal-khalsan ayayna ka sheekaynaysa dhibaatadii ay soo martay.

Muuqaal ay ku guulaysatay in ay si kooban u duubto iyada oo adeegsanaysa iftiinka talefankeeda, oo hadda BBC-da la wadaagtay, ayaa muujinaya halka ay u malaynaysay in nolosheeda ku dhammaan karto - iyo sida qulqulka biyaha badda iyo qashinka sabbaynaya ay uga hor istaageen baxsashadeeda.

Lucianna waxa ay ka mid ahayd 35 qof oo ka mid ah dadkii ugu dambeeyay ee badbaaday ee laga soo badbaadiyay burburkii markabkii quusay ee Masaar kaas oo ku degay Badda Cas 25-kii November ee sannadkii hore. Ilaa 11 qof ayaa dhintay ama weli la la'yahay, oo ay ku jiraan laba qof Britain u dhashay oo lakala yirahdo, Jenny Cawson iyo Tarig Sinada oo ka soo jeeda Devon.

Waqtigaas, mas'uuliyiinta Masar waxay masiibada u saariyee mowjad aad u weyn oo gaaraysa 4 mitir.

laakiin BBC-da ayaa la hadashay 11 qof oo ka badbaaday dhacdada Badda kuwaas oo shaki geliyey sheegashada. Taas waxa taageeray khabiir ku takhasusay badweynta, kaas oo noo sheegay xogta cimilada ee wakhtigaa soo jeedinaysa in mowjadu aanay masuul ka ahayn, iyo in khaladaadka shaqaalaha iyo cilladaha doonta oo isku darmay in ay sabab u tahay.

Sidoo kale iyada oo la sharraxayo cabsida laga qabo in lagu xannibmo doon si degdeg ah u degtay, kuwa badbaaday ayaa ku eedeeyay shirkadda wadday, oo la yirahdo Dive Pro Liveaboard, dhawr jeer oo badqab la'aan ay dareemeen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in maamulka Masar ay ka gaabiyeen ka falcelinta, wax laga yaabo in ay galaafteen nolosha. Waxaan su'aalo hordhignay shirkadda Dive Pro Liveaboard - oo fadhigeedu yahay Hurghada - iyo dowladda Masar, laakiin wax jawaab ah kama aanan helin.

Doonta quusta ee ah kuwa raaxada ayaa ka soo sharaacatay magaalada Port Ghaleb ee ku taal Xeebta Badda Cas ee Masar 24-kii Nofembar.
Qoraalka sawirka, Doonta quusta ee ah kuwa raaxada ayaa ka soo sharaacatay magaalada Port Ghaleb ee ku taal Xeebta Badda Cas ee Masar 24-kii Nofembar.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Doonta quusta ee ah kuwa raaxada ayaa ka soo sharaacatay magaalada Port Ghaleb ee ku taal Xeebta Badda Cas ee Masar 24-kii Nofembar. Waxaa saarnaa 31 qof oo ah dalxiiseyaal caalami ah - oo u badan quusayaal khibrad leh - iyo saddex hagayaal oo dhanka quusinta ah, oo ay la socdaan 12 shaqaale Masaari ah. Waxay ku jireen safar lix maalmood ah, halka ay markii ugu horreysay tageenna ay ahayd Satay Reef, oo ah meel caan ah oo lagu quuso.

Sida qaar badan oo ka mid ah kuwii doonta saarnaa, Lucinna aragtidii ugu horreysay ee Sheekooyinka Badda waxay ahaayeen kuwo wanaagsan. "Waxay u ekayd doon aad u fiican, aad u weyn, aad nadiif u ah," ayay tiri, iyadoo ka hadlaysa gurigeeda oo ku yaalla Belgium-ka.

Shirkaddu waxay daqiiqaddii ugu dambaysay ku wareejisay Lucianna iyo dadkii kale doon kale, taas oo amaan wanaagsan looga qoray baraha online-ka ah. Dhawr qof oo ka mid ah dalxiiseyaasha martida ah ayaa loo sheegay inay helayaan "adeeg heerkiisu sarreeyo" laakiin qaar ayaa niyad jabay sababtoo ah ma aysan aadin meeshii ay u ballansanaayeen inay la geeyo.

Xaalada habeenkaas aad ayay u adkayd, inkastoo dadkii badbaaday ee aan la hadalnay, oo ay ku jiraan badmaaxayaal khibrad leh, ay sheegeen in doontu ay u muuqatay mid aan degganayn.

Hal mar, dhawr saacadood ka hor intii aanay rogmanin, ayaa doon yar oo ah kuwa la buufiyo ka soo dhacday dhabarka dambe ee markabka dalxiiska. Rakaab muuqaal laga duubay markii ay shaqaaluhu u dagaallamayeen in ay dib ugu soo celiyaan diyaaradda - khabiirka badda ee ay BBC la hadashay ayaa sheegay in muuqaalku uu muujinayo xaalado aan caadi ahayn oo la xiriira mawjadaha oo 1.5 mitir.

"Marka la eego mawjadaha, cimiladu ma ahayn mid aad u xun," ayay tiri Sarah Martin, oo ah dhakhtar NHS ka tirsan oo safarka ku jirtay. Laakin, waxay tiri, "agabka waxay simbiriirixanayeen hareeraha sagxada - waxaan waydiinay shaqaalihii markabka inay caadi tahay iyo in ay garteen, markaa ma aanan garaneynin khatarta aan ku jirno".

"Habeenkaas ma seexan sababtoo ah doontu aad bay u ruxmeysay," ayay tiri Hissora Gonzalez, oo ah quusiye ka timid Spain taas oo qolkeedu ku yaallay sagxada hoose.

Waxay ka warantay sida ay doontu si xoog leh ugu gariirtay dhowr jeer ilaa 3-dii habeenimo ka hor, markaas oo ay dhinaceeda u rogantay, dhawaaq dheer ka dib, waxaa ku xigtay aamusnaan markii matoorada ay dameen - iyo mugdi guud.

Dhawaqa qaylo ayaa laga maqlayay qolal kale, iyadoo dadka laga soo tuuray sariirahooda. Dadka waa ay ka xannibmeen meelaha laga baxo oo ay adkayd baxsashada. Mid ka mid ah badbaadayaasha ayaa sharraxay inuu ku hoos xannibmay alaab culus oo wareegaysay markii ay doontu soo rogmatay.

"Habeenkaas ma seexan sababtoo ah doontu aad bay u ruxmeysay," ayay tiri Hissora Gonzalez,

Xigashada Sawirka, Hissora Gonzalez

Qoraalka sawirka, "Habeenkaas ma seexan sababtoo ah doontu aad bay u ruxmeysay," ayay tiri Hissora Gonzalez,

"Waxba maanu arki karin Iyada oo niyad jabsan ayay bilowday in ay hareeraha ka raadiso jaakadaha badbaadada. Ka hor inta aysan helin mid, saaxiibkeed Cristian Cercos ayaa ku qeylisay oo u sheegtay inay cararto.

Baaqaas ayaa laga yaabaa inuu nolosheeda badbaadiyay. Qolalkoodu wuxuu ku yaalay dhinaca starboard (midig) ee doonta, oo ah dhinaca mawjadda ku dhufatay. Ku dhawaad ​​dhammaan dadka dhintay ama la la'yahay ayaa dhinaceeda doonta ku lahaa qolal.

"Waan maqlayay biyaha oo soo galaya, laakiin ma aan arki karin," ayay tiri Hissora. Albaabka qolkooda ayaa markaan noqday saqafka sare - kaliya way baxsatay sababtoo ah Cristian ayaa u soo jiiday isku daygii shanaad.

Dhankeeda hoolka Hissora, sidoo kale mugdi buuxa ayaa ka jiray, waxaa joogay Sarah iyo saaxiibkeed Natalia Sanchez Fuster, hagaha quusitaanka. Waxay heli waayeen gacantii albaabka qolka. Markii Sarah ay ku guuleysatay inay shido tooshka taleefankeeda waxay xaqiiqsatay wax walba xanniban yihiin.

Ka dib markii ay fureen albaabka, waxay ku biireen ilaa 10 qof oo kale oo u doonayay inay si degdeg ah uga baxaan doonta.

Sarah Martin waa dhaqtar NHS ah oo aad u jecel quusinta

Xigashada Sawirka, Sarah Martin

Qoraalka sawirka, Sarah Martin waa dhaqtar NHS ah oo aad u jecel quusinta

Doontu dhinaceeda ayay kooxdu u gurguuratay iyagoo raacaya jaranjarada degdega ah ee laba dabaq. Way adkeyd in la helo jidkooda oo waxaad mooddaa in alaabtii ku jirtay armaajooyinka jikada ay ku daateen sagxadaha.

Sarah waxay ka danbeysey Hissora oo aad u dooneysay inay baxdo. "Waxa jiray dalxiiseyaal kale oo dhinaca ku hayay, oo xannibay bixitaankii," ayay xasuusataa. "Waxaan ku qaylinay inay banneeyaan jidka."

Hissora waxa ay ka mid ahayd dadkii ugu horeeyay ee gaaray sagxada sare balse ma aanay haysan jaakada badbaadada
Qoraalka sawirka, Hissora waxa ay ka mid ahayd dadkii ugu horeeyay ee gaaray sagxada sare balse ma aanay haysan jaakada badbaadada

Markii ay biyihii si degdeg ah u soo kaceen, Hissora, Sarah iyo daraasiin ama wax ka badan oo dadka gaaray sagxada sare ayaa ku booday biyaha. Waxay ogaayeen in khatartu aanay weli dhammaan. "Haddii doontu degeyso, waxaan u baahanayn inaan baxno si aysan noogu soo dhicin doontu," ayay tiri Sarah.

Natalia, oo iyaduna soo booday, ayaa ku dabaalatay hareeraha doonta - waxay maqashay dad ka qaylinaya gudaha qolalka, waxayna isku dayday inay isticmaasho qashinka sabeeya si ay u jebiso daaqadaha, laakiin kuma guulaysan.

Sarah iyo Natalia ayaa ka mid ahaa dhowr qof oo qaatay jaakada dabaasha ka hor inta aysan baxsan, balse Sarah waxa ay sheegtay in aysan u shaqeyn sidii la rabay.

Wadar ahaan, waxaan la hadalnay toddobo ka mid ah dadkii badbaaday ee ku sugnaa sagxada hoose. Dhammaantood waxay ka sheekeynayaan sheeko isku mid ah oo ku saabsan isla markii ay doontu gaddoontay - laakiin dhammaantood isku si uma wada baxsan.