Rakaabkii suuliga kudhex xayirmay dhammaan intii ay diyaaraddu socotay iyo wixii uu sameeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid kamida rakaabkii diyaarad hawada ku jirtay ayaa ku xayirmay suuli ama musqul dhammaan duullimaadkiisa oo dhan ee Hindiya oo ay ku jirto soo degista taasoo ku abuurtray 'naxdin' kadib markii ay cillad ku timid halka laga xiro albaabka suuliga.
Ninkan ayaa aaday qolka musqusha wax yar kadib markii diyaaradda SpiceJet ay ka soo duushay Mumbai 10.55-pm Isniintii ka hor safar 105 daqiiqo ah oo ay ku tagtay magaalada Bengaluru.
Hase yeeshee markii uu ninkan rakaabka ah isku dayay in uu iska furo albaabka suuliga, waxa uu in ay adagtahay isagoo aad u naxay markii uu ogaaday in uusan si fudud uga bixi Karin gudaha qolka yar ee suuliga kadib markii uu hallaabay handaraabka laga xiro.
Ninka rakaabka ah oo argagaxsan ayaa looga tagay suuliga isagoo ku xayiran gudaha ilaa intii ay diyaaraddu socotay oo dhan oo ay ku jirto xitaa intii ay degeysay, waxaa loogu tagay xaalad argagax ah oo loo yaqaanno claustrophobia.
Shaqaalihii diyaaradda oo quus taagnaa kadib dadaal dheer ayaa iskusii dayay in ay furaan albaabka kadib markii ay maqleen qaylo dhaanta ninka oo ku baaqaya in la caawiyo, balse dadaalkooda ayaa noqday mid aan guulaysan.
Waxay gaartay 3:42 aroornimo markii ay duullimaadku soo caga dhigatay magaalada Bengaluru, injineerro ayaa markii dambe u suura geliyay ninka rakaabka ah in ay suuliga ka furaan oo ay soo saaraan isaga oo kujira xaalad xun, waxaana markiiba loo gudbiyay dhakhaatiir si, si degdeg ah wax looga qabto xaaladdiisa caafimaad.
"Waxaa la ogaa in rakaabkii saarnaa kursiga 14D uu suuliga aaday wax yar kadib markii diyaaraddu ay kacday, calaamadihii suunkana ay dameen. Si murugo leh ayuu gudaha ugu xirmay markii albaabka musqusha uu hallaabay kana furmi waayay,' sarkaal aan magaciisa la sheegin oo jooga garoonka diyaaradaha ee Bengaluru ayaa u sheegay The Times of India.
Waxay raaciyeen: "Ninka dhibbanaha ah waxa uu ka soo duulay magaalada Mumbai waxa uuna u socdaalayay Bengaluru isaga oo inta safarkaas uu socday oo dhan ku qaatay gudaha suuliga, ugu dambeynna waxaa degtay diyaaradda isaga oo weli ku sugan xaalad argagax ah”.
Sarkaalkan ayaa sheegay in shaqaalihii diyaaradda ay isku dayeen in ay furaan albaabka ciriiriga ah kadib markii ay maqleen oohinta iyo qaylada ninka iyagoo aysan u suura gelin. Wax yar kahor inta anay diyaaraddu soo degin, ayaa haweenay ka shaqeyneysay diyaaradda, waxa ay qaybta hoose ee albaabka suuliga ka gudbisay warqad ay ku qorantahay in rakaabku uu is dejiyo isla markaana la caawinayo sidoo kalana uu isku diyaariyo degista diyaaradda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraalka ayaa u qornaa: 'Mudane, waxaan isku daynay intii karaankeena ah inaan furno albaabka... Ha argagixin. Waxaan ku degeynaa dhowr daqiiqo gudahood, markaa fadlan xir daboolka fadhiga suuliga oo ku fariiso oo is ilaali. Isla marka albaabka weyni furmo, injineer ayaa iman doona oo kaa furi doona albaabka.'
SpiceJet ayaa markaas bixisay raaligelin, iyadoo sheegtay inay ka xun tahay 'dhibaatada uu la kulmay rakaabkan' waxayna intaa ku dartay in ninkaas dib loogu celiyay lacagta safarka oo dhan, “Shaqaalaheennu waxay gargaar iyo hagis siiyeen rakaabka. Markii uu yimid, injineer ayaa la furay albaabka musqusha, rakaabkuna wuxuu helay taageero caafimaad oo degdeg ah,'' afhayeenka SpiceJet ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli ay jireen rakaab kale oo ka niyad jabsan dhibaatooyin ay kala kulmeen duulimaadyo kale oo gudaha dalka Hindiya ah maalintii afraad oo xiriir ah.
In kabadan 100 duulimaad ayaa dib loo dhigay iyadoo ku dhawaad 20 kalena la baajiyay guud ahaan Hindiya sababo lala xiriiriyay ceeryaamo qarisay waqooyiga Hindiya.
Maamulka cimiladu waxay saadaaliyeen shan maalmood oo ceeryaamo ah, iyadoo heerkulka ugu yar Talaadada u dhexeeyo 2C ilaa 5C gudaha magaalada caasimadda ah ee New Delhi, iyo gobolka ugu dadka badan ee Uttar Pradesh.
Ilaa 109 duullimaad oo ka imanayey gegida dayuuradaha ee Delhi ayaa dib u dhacay 19 ka mid ahna waa la baajiyay, sida ay muujiyay mareegaha duulista ee Flightradar24.
Aragti hoose oo ka dhalatay ceeryaamada ayaa sababtay cabsi baahsan oo dhanka hawada ah toddobaadkan gudihiisa.













