Rakaab ka booday diyaaraddii uu saarnaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin ayaa ka booday diyaarad ka sii kacaysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Los Angeles, ka dib markii uu isku dayay inuu galo qolka diyaaradda laga haga.
Ninkan oo aan la aqoonsan ayaa furay albaabka diyaaradda oo uga booday si deg-deg ah maalintii Jimcaha, Maamulka Duulista Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa sidaas yidhi.
Waxaa lagu xidhay waddada gaadiidka ee garoonka, waxaana loo qaaday isbitaal isaga oo qaba dhaawacyo aan la shaacin.
Waxaa kor u kacay dhacdooyinka sidan oo kale ah ee duullimaadyada Mareykanka. Qiyaastii 3,000 oo dhacdo ayaa la diiwaan galiyay sanadkan.
Dhacdadii Jimcaha waxay dhacday 19.10 waqtiga maxalliga ah (02:10 GMT Sabtidii) iyadoo rakaabkaasi saarnaa diyaaradda United Express, oo ay maamusho SkyWest Airlines, kuna sii jeeday Salt Lake City.
Shaqaalaha duulimaadka ayaa soo wariyay inay arkeen ninkaas rakaabka oo ka kacaya kursigiisa iyadoo diyaaradda ay jidka duullimaadka ku socoto, gaar ahaan wadada ay diyaaraduhu ka haadaan. Waxay sheegeen inuu garaacay albaabka qolka laga baxo ka hor inta uusan ka bixin diyaaradda isagoo isticmalaaya albaabka xaaladaha deg-degga ah, sida ay ku warramayso NBC News.
Diyaaradda, oo ahayd Embraer 175 oo ah diyaarad goboleed, markii dambe waxay kusoo noqotay halkii ay kacday.
Maamulka ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dhacdadan iyo ujeedka rakaabka.
Horaantii bishaan FAA waxay sheegtay inay baareysay tirada ugu badan ee ku xadgudbay sharciga tan iyo markii diiwaanka la billaabay 1995. Qaar badan oo ka mid ah waxay la xiriiraan dhacdooyin ay dadku diideen inay xirtaan waxyaalaha asaasiyaadka oo kale ah, sida maaskaro.
Hay'addu waxay sheegtay in 394 kiis oo rakaab ah oo la sheegay inay "farageliyeen waajibaadka shaqaalihii diyaaradda" la soo wariyay illaa 25kii Maajo.
Tani waxay labanlaab ka badan tahay sanadkii hore oo dhan, oo markii la baadhay ahaa 183 kiis.












