Waxa aan ka ognahay heshiiska xabbad-joojinta Qasa ee maanta dhaqan-galay

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Dowladda Israa'iil ayaa oggolaatay heshiiska ay Xamaas la gashay ee xabbad-joojinta Qasa iyo sii deynta la haystayaasha Israa'iil si ay ugu bedeshaan maxaabiis falastiiniyiin ah.

Waa tallaabadii ugu muhiimsanayd dhanka horumarka ee muddo 15 bilood ah oo uu dagaal socday, kaas oo billowday markii kooxda hubeysan ee Falastiin ay weerareen Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023kii.

Iyadoo xabbad joojintu ay bilaabmi lahayd 08:30 wakhtiga maxaliga ah (06:30 GMT) ee Axada, ayaa dib loo dhigay ilaa 11:15 kadib markii Israel ay sheegtay in Xamaas aanay soo gudbin magacyada 33ka la haystayaal ee ugu horeeya si loo sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska.

Maxaa ku jira heshiiska xabbad-joojinta ah ee Israa'iil iyo Xamaas?

Warbixin ballaaran oo heshiiska ku saabsan waxaa Arbacadii ku dhawaaqday Qadar, taas oo heshiiska ay wada dhex-dhexaadineyayeen, iyada, Mareykanka iyo Masar. Si kastaba ha ahaatee, wali si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta buuxda ee ku saabsan waxa ay ku heshiiyeen wada-xaajoodayaasha Israel iyo Xamaas.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiskani uu "hakin doono dagaalka Gaza, sarena u qaadi doono gargaarka bini'aadannimo ee ay u baahanyihiin dadka rayidka ah ee Falastiin, iyo dib u midaynta la haystayaasha iyo qoysaskooda kadib in ka badan 15 bilood oo ay ku jireen afduub".

Xamaas waxa ay gacanta ku dhigtay 251 lahaystayaal ah markii ay weerartay Israa'iil bishii Oktoobar 2023. Waxa ay weli gacanta ku haysaa 94 maxbuus, inkasta oo Israa'iil ay aaminsan tahay in 60 keliya ay weli nool yihiin.

Israa'iil ayaa la filayaa in ay sii deyso ilaa 1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah, oo qaarkood ay sanado u xirnaayeen, si ay ugu beddeshaan la haystayaasha.

Sidee ayay u shaqeyn kartaa xabbad-joojinta?

Ra'iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa sheegay in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen heshiis saddex geesood ah oo dhaqan galaya maanta oo Axad ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waa kan waxa laga fahmay in ay heshiiska ku jiraan.

Marxaladda koowaad

Marxaladda ugu horreysa waxay socon doontaa 42 maalmood, ama lix toddobaad, taas oo kadib ay dhici doonto "xabad joojin buuxda oo dhammaystiran", ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden isagoo xaqiijiyay in heshiis la gaaray Arbacadii.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Xamaas ay sii deyn doonto 33 la heyste oo Israa'iili ah, oo ay ku jiraan "haween rayid ah, haween askar ah, carruur, dad waayeel ah, iyo dad xanuunsan iyo dad rayid ah oo dhaawacmay".

Taas beddelkeeda, wuxuu ku daray, "tiro" maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa'iil la sii deyn doono.

Afhayeen u hadlay dowladda Israa'iil David Mencer ayaa horay u sheegay in inta badan 33-da qof ee la qafaashay – oo ay ku jiraan carruur – loo malaynayo inay weli nool yihiin.

Saddex qof oo la haystayaal ah ayaa la sii dayn doonaa maalinta ugu horreysa, sida uu sarkaal Falastiini ah horay ugu sheegay BBC-da, iyadoo inta soo hartayna ay dhacayso in la kala beddesho muddo lix toddobaad ah.

Inta lagu guda jiro marxaladan koowaad, ciidamada Israa'iil waxay ka bixi doonaan "dhammaan" meelaha ay dadku ku badan yihiin ee Gaza, ayuu yiri Biden, halka "Falastiiniyiintu ay sidoo kale ku noqon karaan xaafadooda dhammaan aagagga Gaza".

Sarkaal sare oo Falastiini ah oo ku lug lahaa wada xaajoodka ka socda Doha ayaa BBC u sheegay in sida uu dhigayo heshiiska, booliska Xamaas oo wata dareeska buluugga ah ee rasmiga ah ay maamuli doonaan dhaqdhaqaaqa dadka ka barakacay koonfurta Gaza ilaa waqooyiga iyagoo ka fogaanaya u dhawaanshaha ciidamada Israel.

Waxa kale oo la isku raacay in shaqaaluhu ay hub qaataan marka ay lagama maarmaan noqoto.

Ku dhawaad ​​dhammaan 2.3 milyan oo qof ee Gaza ayaa ku qasbanaaday inay ka baxaan guryahoodii iyadoo Israa'iil ay duqaymo isdaba joog ah ka fulisay guud ahaan dhulkaas ayna soo saartay amarro ah in dadku ay iskaga baxaan deegaan ballaaran oo la deganyahay.

Waxa sidoo kale sare loo qaadi doonaa gargaarka bini'aadannimo ee la geyn doono Gaza, iyadoo boqollaal baabuur oo xamuul ah loo ogolaan doono maalin kasta, iyo sidoo kale dayactirka isbitaallada, rugaha caafimaadka iyo foornooyinka rootiga, ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Mas'uul Falastiini ah ayaa horay u sheegay in wada xaajoodyada heerka labaad iyo saddexaad ay billaaban doonaan maalinta 16-aad ee xabbad joojinta.

Biden wuxuu sheegay in xabbad joojintu ay sii jiri doonto "ilaa inta uu wada xaajoodku sii socdo".

Marxaladda labaad

Marxaladda labaad, la haystayaasha soo haray - askarta iyo kaydka - waa la sii dayn doonaa, taas beddelkeedana sii dayn kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa dhaceysa.

Ilaa 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa loo malaynayaa inay Israa'iil ogolaatay in la sii daayo, ilaa 190 ka mid ah waxay ku xukuman yihiin xabsi 15 sano iyo ka badan ah.

Sarkaal Israa'iili ah ayaa BBC-da u sheegay in kuwa dilka lagu xukumay aan laga sii deyn doonin Daanta Galbeed ee la haysto.

Inta lagu jiro marxaladan, Israa'iil waxay sidoo kale u oggolaan doontaa dadka barokacay ee hadda ku sugan koonfurta Gaza inay ku noqdaan waqooyiga.

Ku dhawaad ​​dhammaan 2.3 milyan ee shacabka Gaza ayaa ku qasbanaaday inay ka baxaan guryahooda dagaalka dartiis.

Marxaladda saddexaad

Marxaladda saddexaad iyo tan ugu dambeysa waxay ku lug yeelan doontaa dib u dhiska Gaza - taas oo sanado qaadan karta - iyo soo celinya meydadka la heystayaasha haray.

Maxay yihiin su'aalaha aan laga jawaabin ee ku saabsan heshiiska?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Soo gaaritaanka heerkan waxa ay qaadatay bilo wada xaajood dadban oo adag, ugu yaraan sababtoo ah Israa'iil iyo Xamaas ayaa gebi ahaanba isku kalsoonayn.

Xamaas ayaa doonaysay in gebi ahaanba dagaalka la joojiyo ka hor inta aysan sii deyn la haystayaasha, arrintaas oo Israa'iil aysan aqbali karin.

Xabad-joojintu waxay dhaqangal noqonaysaa in dagaalka la hakiyo inta la fulinayo shuruudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in ay ka dhigan tahay in dagaalku si wanaagsan u dhammaaday.

Mid ka mid ah ujeedooyinka dagaalka muhiimka ah ee Israel ayaa ahaa in la burburiyo awooda militariga iyo maamulka Xamaas. Inkasta oo Israa'iil ay si ba'an u dhaawacday, haddana Xamaas waxay weli haysataa xoogaa awood ah oo ay ku hawlgeliso dagaalamayaasheeda oo ay dib isugu soo ururiso.

Sidoo kale ma cadda dadka la qafaashay ee nool iyo kuwa dhintay ama in Xamaas ay garanayso halka ay ku sugan yihiin dhammaan dadka aan weli la aqoonsan.

Dhankeeda, Xamaas ayaa dalbatay in la sii daayo maxaabiista qaarkood oo Israa'iil ay sheegtay in aysan sii deyn doonin. Waxaana la rumeysan yahay inay ku jiraan kuwii ku lug lahaa weeraradii 7-dii October.

Sidoo kale lama oga in Israa'iil ay aqbali doonto in ay ka baxdo aagga difaaca waqti go'an, iyo in joogitaankeeda halkaas uu noqon doono mid furan.

Xabad joojin kasta waxay u badan tahay inay noqoto mid jilicsan.

Xabbad joojintii u dhaxaysay Israa'iil iyo Xamaas oo hakisay dagaaladii hore ayaa waxaa ruxay iska horimaadyo, ugu dambayntiina waa la burburiyay.

Jadwalka iyo kakanaanta xabbad joojintan waxay la macno tahay xitaa dhacdo yar waxay isu beddeli kartaa khatar weyn.

Maxaa dhacay 7 Oktoobar 2023 maxaase ka dhacay Gaza?

Boqolaal dabley ah oo ay Xamaas hoggaaminaysay ayaa weerar aan hore loo arag ku qaaday koonfurta Israa'iil, iyaga oo gudaha u galay xayndaabka xuduudka, waxaanay beegsadeen bulshooyin, saldhigyo boolis iyo saldhigyo ciidan.

Ku dhawaad ​​1,200 oo qof ayaa la dilay in ka badan 250 la haystayaalna dib ayaa loogu celiyay Qaza. Xamaas ayaa sidoo kale kumanaan gantaal ku riday Israa'iil.

Israa'iil waxay kaga jawaabtay olole millatari oo baaxad leh, oo ay ugu horreyay weerar cirka ah iyo duqeyn ka dibna waxaa dhacay duullaandhulka ah. Wixii markaas ka dambeeyay Israa'iil waxa ay weerartay bartimaameedyo ku yaalla Gaza oo dhan dhul, bad iyo cirba ah, halka Xamaas ay Israa'iil ku weerartay gantaallo.

Duulaanka Israa'iil ayaa burburiyay Qaza, wuxuuna horseeday cunno yari ba'an, iyadoo gargaarku uu la daalaa dhacayo sidii loo gaarsiin lahaa dadka aadka ugu baahan. In ka badan 46,600 oo qof - oo u badan dad rayid ah - ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Gaza.