Maxay yihiin daawooyinka "daroogo ahaanta loo isticmaalo" ee lagu baaqay in Soomaaliya laga mamnuuco?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Shuute, ayaa maalmo ka hor maxkamadda ka sheegay dhibaato ay Soomaaliya ku hayaan labo ka mid ah kaniini daroogo ahaan loo isticmaalo.
Shuute ayaa amray in kaniinadaasi dalka laga joojiyo oo la mamnuuco.
"Maxkamadu waxay amraysaa xafiiska xeer-ilaalinta oo kaashanaya hay'adaha amniga booliiska iyo nabad sugidda in ay tilaab ka qaadaan xiraanna goobaha ganacsi iyo dukaamada gaarka loo leeyahay oo looga ganacsanayo kaniinyada loo isticmaalo sakhada oo ay ka mid yihiin Tramadol iyo kaniiniga loo bixiyay Bilibili," ayuu yiri guddoomiyaha.

Xigashada Sawirka, baraha bulshada
Waxaa uu sidoo kale amray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada in farmashiyeyaasha aan u haysan fasaxa inay gadaan kiniiniyadaas in laga joojiyo.
"Sidoo kale farmashiyaasha yaryar oo ay awoddooda gaarsiisneyn inay iibiyaan kaniinadaas iyagana in laga joojiyo inay iibiyaan".
Amarka ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in ay soo xiraan dadka ka ganacsada kaniinyada oo caddaalada ay hor-geeyaan.
"Dadka ku howlan shaqadaasi ganacsiga ka raadinayaa dawooyiinkaasi sakhada loo isticmaalo la xiro lana horgeeyo garsoorka awoodda u leh" ayuu intaa ku daray guddoomiye Shuute.

Xigashada Sawirka, Dr Cabdulahi
Maxay yihiin kaniinadan Tramadol iyo bili-bili?
Labadan kaniiniba waa xanuun baabi'iyeyaal aad u xoog badan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Balse waxaa muddooyinkii u dambeeyay soo baxayay in meelo ka mid ah Soomaaliya loo isticmaalo qaab darooga ama maandooriye ahaan ah.
Tramadol waxaa loo isticmaalaa xanuunnada dhexdhexaadka ah oo uu ku jiro xanuunka qalliinka ka dib.
Dr Cabdullahi Saciid Xaashi oo ka howlgala isbitaalka Somali-Türkiye Recep Tayyip Erdoğan Research and Training Hospital ayaa sheegaya in kaniinka Tramadol uu yahay mid ka mid kaniinada xanuun baabi'iyeyaasha ah.
Waxaa uu intaa ku daray in kaniinigan uu yahay mid la siiyo dadka ay hayaan xanuunnada saaidka ah.
"Taramadolka kaniin loo isticmaalo xanuun baabi'iyaha waxaa la siiyaa dadka uu xanuunkoodu aadka u daran yahay marka xanuunka lagu cabbiro oo kale 1 ilaa 10 oo kale oo ah dadka xanuunkoodu uu toban gaarayo oo kale," ayuu yiri Dr Cabdullaahi.
Dr Cabdullaahi ayaa intaa ku daray in kaniiniga Tromadol sidoo kale loo qoro dadka qalliinka lagu sameeyo.
"Waxaa kale oo la siiyaa dadka qalliinka ka soo baxay oo lafaha laga kabo oo kale ama xanuunka saaidka ah qaba,".
Dhaqtarka ayaa farta ku fiiqay in kaniinkan Taramadol loogu talagalay oo kali ah isbitaallada oo aan la iska qaadan karin iyada oo uusan dhakhtar kuu qorin.
"Badanaa waxaa lagu isticmaalaa isbitaallada oo kale waana daawooyinka dhkhatrka uu qoro oo qof inta uu imaado aan la siin karin".
Daawada kale ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay amartay in la joojiyo ayaa lagu magacaabaa Pregabalin, balse dadka isticmaala ay imika u yaqaanaa Bili-bili.
Daawadan ayaa sida ay dhakhaatiirta sheegeen waxaa loo isticmaalaa xanuunada sida neerfoyinka waana daawo xanuun baab'iya ah oo aad u awood badan.
Dr Cabdullaahi oo aan wax ka waydiinnay ayaa sheegay in Pregabalin uu yahay mid loo isticmaalo inta badan marka qof dhaawac uu ka soo gaaro neerfooyinka.
"Waxaa loo isticmaalaa xanuunnada ka yimaada marka neerfaha uu dhaawac soo gaaro, waxaa kale oo isticmaalaa xanuunnada neerfaha ka yimaadda sida dhabarka oo kale iyo xanuunada murqaha," ayuu intaa ku daray.
Goormaay daroogo noqdaan kaniiniyadan?
Dadka qaar ayaa kaniinadan u isticmaala qaab aaan loogu talagalin iyaga oo ka raadinayo waxyaabo kala duwan.
Dr Cabdullaahi ayaa carrabka ku adkeeyay in markasta oo wixii loogu talagalay wax ana ahayn loo isticmaalo ay daroogo noqon karaan.
"Marka u jeeddo aan intaas ahayn loo isticmaalo waxay noqonayaan mid si khaldan loo isticmaalay markii intii loogu talagalay laga badiyo waxay isu badalayaan daroogo," ayu yiri.
Dr Cabdullaahi ayaa xusay in dadka kaniiniyadan isticmaala ay laba qeybood yihiin, kuwa inta dhakhtar u qoray sidaa kula qabsaday iyo kuwa iskood u isticmaala.
Waxaa uu xusay in haddii kaniinadan la joojiyo ay jiraan kaniinno kale oo la siin karo dadka xanuunka uu hayo islmarkaana ay ku xiran tahay hadba waxa uu qofka kula taliyo dhakhtarka
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaddiga isticmaalka kaniiniyadan ee daroogo ahaanta loo isticmaalayo, waxaase jira in marar badan ay booliisku soo qabteen dhalinyaro daawooyin isugu jira kaniini iyo sharoobbo u isticmaala daroogo ahaan.













