Hogaamiyeyaashii laga dilay Xamaas tan iyo 1987

Madaxdii Xamaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Yaxya Sinwar waxaa loo magacaabay inuu Xamaas hogaamiyo ka dib markii Ismaaciil Haniyeh lagu dilay Caasimadda Iiraan ee Tehraan ayaa isna lagu dilay Qasa.

Ciidanka Israa’iil waxay rumaysan yihiin in Sinwar oo 61 jir ahaa uu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 7 Oktoobar. 1962kii ayuu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Yuunis ee ku taalla koofurta marinka Qasa.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyey inay dishay ama isku dayday inay disho hogaamiyeyaasha Xamaas iyo xubnaha muhiimka ah ee ururkaas tan iyo markii uu billowday kacdoonkii ugu horreeyey ee Falastiiniyiinta ay kaga soo hor jeedeen haysashada daanta galbeed iyo marinka Qasa 1987.

Ismaaciil Haniyeh

Haniyeh

Xigashada Sawirka, EPA

Hogaamiyaha garabka siyaasadeed ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, waxaa la dilay 31 Luulyo, marki halkii uu ka deganaa magaalada Tehran lagu dhiftay gantaal meel fog laga hagayey.

Haniyeh wuxuu Tehran u joogay in uu ka qayb galo caleema saarkii madaxweynaha cusub ee Iran.

Israa’iil si rasmi ah ugama aysan hadlin sheegashada mas’uuliyadda dilka Haniyeh, waxaase lagu yaqaannaa in aysan arrimaha noocaas oo kale ah ka hadlin.

Yaxya Cayaash

Yaxya Cayaash oo ku magac dheeraa “Injineerka” wuxuu ahaa qofkii ka dambeeyey is-miidaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee bambooyinka isku qarxiya. Waxaa la dilay Janaayo 1996.

Waxaa lagu dilay magaalada Qasa oo markaas hoos imaanaysay maamulka ururka xoraynta reer Falastiin (PLO).

Cayaash ayaa waxaa ku qarxay moobilkii uu gacanta ku haystay, Falastiiniyiintuna waxay ku eedeeyeen Israa’iil ayadoo Israa’iilna ay diidday inay qaadato mas’uuliyadda.

Xamaas waxay markaa ka dib qaadday aargoosi ah afar weerar oo is-miidaamin ah oo ay la beegsatay magaalooyin ku yaalla Israa’iil muddo 9 maalmood ah, xilligaasoo ahayd bilihii Febraayo iyo Maarso, waxaana ku dhintay 59.

Khaalid Mashcal

Khaalid Mashcal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khaalid Mashcal wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Xamaas wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa madaxdii siyaasadda ee ururka. Wuxuu ka badbaaday isku day la doonayey in lagu dilo dhowr goor meel u dhow xafiiskiisii magaalada Camaan ee Urdun 1997.

Mashcal waxaa lagu duray sun isagoo jid socda, madaxda Urdunna waxay banaanka soo dhigeen isku day dil, ayagoo xiray laga qof oo ka tirsan sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Boqor Xuseenkii Urdun ayaa xilligaas weydiistay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu keeno dawada lagu jebiyo irbaddii lagu duray Mashcal, isagoo ku hanjabay inuu deldeli doono tuhmaneyaal, uuna ka bixi doono heshiiskii Urdun ay la gashay Israa’iil haddii aysan sidaa samayn.

Cadaadis ka yimid madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Bioll Clinton, ayuu Netanyahu oofiyey codsiga oo uu markii hore diiddanaa, Wuxuu kaloo ogolaaday in la sii daayo Sheekh Axmed Yaasiin, hogaamiyihii Xamaas, laakinse 7 sano ka dib ayaa sheekha lagu dilay Qasa.

Sheekh Axmed Yaasiin

Israa’iil waxay dishay Sheekh Axmed Yaasiin, mid ka mid ah aasaasayaashii ururka, Ahaana hogaamiyihii xagga diinta ee Xamaas, waxayna ku dileen gantaal laga soo riday dayaarad helikobter ahisagoo markaa ka soo baxay masaajid ku yaalla Qasa, bishii Maarso 22keedii, 2004.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa socod ku maray Qasa ayagoo ku qaylinayey inay aarsan doonaan.

Saraakiil ka tirsan Xamaas waxay sheegeen dilkaas uu yahay mid Israa’iil u furaya “albaabada naarta”.

Waxay arrintaas qarxisay dibad baxyo iyo cambaareyn ka timid Falastiin gudaheeda iyo dalal kale oo muslimiin ah, taana waxay keenatay in uu sii darsado dagaalka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Cabdulcasiis Al Rantiisi

Rantisi

Xigashada Sawirka, AP

17 Abriil 2004, hogaamiyihii Xamaas Cabdulcasiis Al Rantiisi iyo laba ka mid ah ilaaladiisa ayaa la dilay markii helikobtar ay Israa’iil leedahay ay gantaal ku ridday gaarigii ay saarnaayeen magaalada Qasa.

Hogaanka Xamaas ayaa dhuumasho galay, waxaana la qariyey haybta qofka beddelay Rantiisi.

Dilka ayaa yimid in yar ka dib markii uu la wareeehay hogaanka, ka dib dilkii Sheekh Axmed yaasiin.

Cadnaan Al Ghul

Al Ghul oo loo tixgeliyo inuu yahay khabiir bambooyinka aad u yaqaanna ayaa waxaa weerar cirka ah ku dilay ciidanka Israa’iil 21 Oktoobar 2004.

Ghul wuxuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan garabka milateri ee Xamaas, waxaana loo yaqaanay Aabihii “gantaalka Qassam”, kaasoo marmar lagu ridi jiray magaalooyinka Israa’iil.

Cadnaan Ghul wuxuu gacanyare u ahaa Maxamed Deif, hogaamiyaha garabka milateriga ee Xamaas ee loo yaqaano guutada Ciisadiin al Qassam.

Nizar Rayan

Wadaadkan oo loo arkayey inuu ahaa hogaamiyihii ugu hal adaygga badnaa ee Xamaas ayaa ku baaqay weerarro ismiidaamin ah oo cusub oo lala beegsado gudaha Israa’iil.

Waxaa lala dilay laba ka mid ah xaasaskiisa iyoi todoba carruur ah, duqayn ka dhacday xerada qaxootiga ee Jabaliya 1dii Janaayo 2009.

15kii Janaayo 2009 wasiirkii arrimaha gudaha ee xamaas Siciid Sayyam ayaa isna lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay marinka Qasa. Sayyam wuxuu u xilsaarnaa boolis iyo askar amni oo gaaraya 13,000 oo askari oo Xamaas ka tirsan.

Saalax Aruri

2 Janaayo 2024, Saalax Al Aruuri oo ah xubin sare oo ka tirsan garabka siyaasadeed ee Xamaas ayaa lagu dilay weerar ay dayaarad bilaa duuliye ah oo ay Israa’iil leedahay ku qaadday Dahiye, oo ku taalla duleedka Beyruut.

Aruri wuxuu kaloo ka mid ahaa aasaasayaashii guutada Qassam oo ah garabka hubaysan ee Xamaas.