Muxuu Trump u doonayaa inuu maraykanka ku daro dhulal madax banaan oo Canada ka mid tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Todobaadyo un ka hor inta uusan dib ugu laaban Aqalka Cad, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa walaac xooggan dhaliyay kaddib markii uu diiday inuu meesha ka saaro suurtagalnimada in ciidanka milateriga Mareykanka uu u adeegsan doono si gacanta loogu dhigo Kanaalka Panama iyo dhulka ismaamulka ah ee Greenland oo ka tirsan Denmark.
Trump ayaa labadaba ku sheegay kuwa istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga dhaqaale ee Mareykanka.
Hadalkaasi wuxuu ahaa markii ugu horreysay ee Trump si fagaare ah uga hadlo isticmaalka milateriga Mareykanka hab sidan oo kale ah. Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu u adeegsan doono cadaadis dhaqaale si uu Canada ugusoo daro Mareykanka.
Panama, Greenland, Denmark, iyo Canada dhammaantood si cadho leh ayay uga jawaabeen hadalladaas.
Panama

Ka dib markii Mareykanku qabtay dhismaha kanaalkaas horraantii qarnigii 20aad, iyo kadib sannado badan oo wadaxaajoodyo ah, waxa ay si buuxda u wareejiyeen xukunka Kanaalka Panama 1999-kii.
Hadda, Trump wuxuu doonayaa in uu dib u soo ceshado kanaalkaas, isagoo ku andacoonaya walaacyo ku saabsan amniga guud qaranka.
"Kanaalka Panama wuxuu muhiim u yahay dalkeena. Waxaa hadda maamula Shiinaha, waxaana kanaalka aynu siinay Panama; ma aynaan siin Shiinaha, wayna ku xadgudbeen hadiyaddaas," ayuu Trump sheegay.
Tirakoobyo rasmi ah ayaa ka hor imanaya aragtidan. Xamuulka Mareykanka ayaa inta badan mara kanaalka, oo gaadha 72 boqolkiiba. Xammuulka Shiinaha wuxuu ku jiraa kaalinta labaad oo ah qiyaastii 22 boqolkiiba, sida laga soo xigtay maamulka Kanaalka Panama. Sida oo kale, Shiinaha wuxuu ku leeyahay maalgashi dhaqaale oo ballaadhan Panama.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Kanaalka Panama uu muhiim u yahay ganacsiga Mareykanka ee Badweynta Baasifik, iyo sidoo kale uu muhiim u noqon doono haddii uu dhaco dagaal milateri oo mustaqbalka ah oo Mareykanka kala dhaxeeya Shiinaha.
Trump wuxuu horey ugu eedeeyay Panama inay ku dallacdo lacag xad dhaaf ah maraakiibta xamuulka Mareykanka ee isticmaala kanaalka.
Shabakadda Truth Social, akoonka Trump wuxuu soo bandhigay sawir muujinaya calanka Mareykanka oo lagu dhejiyay bartamaha Kanaalka Panama.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo lagu qabtay Panama City, wasiirka arrimaha dibadda ee Panama, Javier Martinez-Acha, ayaa si adag uga jawaabay hadalkaas, isagoo sheegay in madaxbannaanida Kanaalka Panama aysan gorgortan geli doonin:
"Gacmaha kaliya ee xakuma kanaalka waa kuwa reer Panama, waana sidaas oo ay ahaan doonto," ayuu yiri Martinez-Acha.
Greenland

Xigashada Sawirka, .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Greenland waa dhul xukun-hoosaad ah oo ka tirsan Denmark, waana mid ka mid ah meelaha ugu dadka yar caalamka.
Trump wuxuu soo jeediyay fikradda ah in Mareykanku iibsado Greenland sanadkii 2019, intii uu xilka hayay markii ugu horreysay.
Ra'iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ayaa muujisay diyaar ahaanteeda ah inay la shaqeyso maamulka cusub ee Trump, balse waxay si cad u sheegtay in Greenland ay dadka reer Greenland leeyihiin.
"Greenland waxay u taallaa dadka reer Greenland. Waa dad sharaf leh, lehna luuqad iyo dhaqan iyaga u gaar ah. Sida horey loo sheegay, Greenland iib ma aha," ayay tidhi Frederiksen.
Xiisaha Trump ma aha mid yaab leh. Dhulkan wuxuu hodan ku yahay kheyraad dabiici ah. Mareegta Sahanka Juqraafiga ee Denmark iyo Greenland waxay liis dheer ka bixisaa macdanta qaali ah iyo kheyraadka tamarta ee jasiiradda ugu weyn caalamka.
Waxyaabaha ku jira waxaa ka mid ah macdanaha qaaliga ah sida dahabka iyo platinum, iyo siddeed macdanood oo kale oo naadir ah oo ay ku jiraan lithium, titanium, iyo qaybaha, tamarta sida dhuxusha iyo uranium, iyo dhagxaanta qaaliga ah sida luul iyo rubiga.
Waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay in ay jiraan kayd badan oo saliid iyo gaas ah oo aan weli si weyn loo sahamin ama loo isticmaalin, laakiin laga yaabo inay muhiim noqdaan maadaama barafku sii dhalaalayo sababo la xidhiidha isbeddelka cimillada.
Hase yeeshee, waxa Greenland ka dhigaya mid si gaar ah u qiimo badan waa joogitaanka macdanaha naadirka ah ee badanaa loo isticmaalo soo saarista baytariyada. Baanka Adduunka wuxuu saadaaliyay in qodista macdanahaas ay u baahan tahay in la shanlaabo wixii loo gaadho 2050 si loo daboolo baahida caalamka, macdanahan ayaana si weyn loo raadinayaa, Mareykanka, Shiinaha, iyo dalal kale oo badan ayaana ka mid kuwo doonaya.
Ruushka sidoo kale wuxuu gobolka u arkaa mid istiraatiiji ah sababo la xidhiidha goobta uu ku yaallo oo u dhexeysa Ruushka iyo Mareykanka. Washington mar hore ayay saldhig milateri ka samaysatay jasiiradda,.
Hadda, Greenland waxaa hoggaaminaya Ra'iisul Wasaare u ololeeya madaxbannaanideeda oo lagu magacaabo Múte Bourup Egede. Wuxuu si cad u sheegay in jasiiraddu aanay iib ahayn, wuxuuna soo jeediyay in afti madax-bannaani ah la qabanayo iyadoo la waafajinayo doorashada baarlamaanka bisha Abriil.
Canada
Trump ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah u dhalliilayay deriskooda ugu weyn Mareykanka, Canada, isagoo ku tilmaamay inay noqdaan gobolka 51-aad ee Mareykanka, isla markaana sheegay in xadka labada dal uu yahay "mid aan dabiici ahayn".
Madaxweynaha la doortay ayaa dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay balaayiin doollar oo Mareykanku ku bixiyo ilaalinta Canada, wuxuuna ka hor yimid soo dejinta gawaarida, alwaaxa, iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo ee ka yimaada Canada. Sida Mexico oo kale, Canada waxay wajahayaan hanjabaad ah canshuur 25% ah oo la saaro badeecadaha ay u soo dhoofiyaan Mareykanka xilliga Trump madaxweyne yahay.
Intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo dheer oo ka dhacay Mar-a-Lago, Trump ayaa ku celiyay walaaca uu ka qabo waxa uu ku sheegay daroogooyin xuduudaha Mexico iyo Canada uga soo gudbaya Mareykanka.
Canada ayaa ballanqaadday inay hirgelinayso tallaabooyin amni oo ballaadhan oo cusub oo la xidhiidha xadka, oo ay ku jiraan xoojinta kormeerka iyo abuurista koox si wadajir ah bartilmaameed uga dhigan doona dambiyada abaabulan ee caalamiga ah.













